Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo ayaa isku bedel ku sameeyay gudoomiyayaasha Lixda gobol ee waaweyn marka laga reebo gudoomiyaha gobolka Saaxil. sidoo kale wuxuu isku shaandhayntaa ku daray shan ka mid ah goboladii uu hore u magcaabay

 

Madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale, kuwaas oo aan weli sharciyadooda la meel marin.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay caawa caweyskii qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa kaloo lagu sheegay in xilkii laga qaaday Gudoomiyihii gobolka Awdal.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ee isku bedelka gudoomiyaaysha ayaa nuxur ahaan u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mida.
Madaxweynuhu Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay:  Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyay:      Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo in isku-beddel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gobollada Dalka si loo horumariyo hanaanka Dawladnimo;

Markuu La Tashaday:  Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay:    In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday

1.     In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool)

2.     In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL)

3.     In Mudane, Maxamed Faarax Aadan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4.     In Mudane, Cabdoo Axmed Aayar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL)

5.     In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6.     In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.( horena u ahaa Gudoomiaha Gobolka Oodweyne).

7.     In Mudane, Jamaal Xuseen Hurre, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd)

8.  In Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

9.  In Mudane, Ibraahim Xasan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saraar)

10.  In Mudane, Axmed Cali Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomaha Gobolka Gabiley).

Xilka Qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub.” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland. balse lagu xusin war saxaafadeedka Badhasaabka gobolka Sanaag oo xilkii laga qaaday.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *