Muqdisho(ANN)Xukuumadda Somalia  ayaa markii ka hadashay Xasuuq lagu eedeeyay hawlgalo ay ciidamada Nabadsugida ee Muqdisho ku  fuliyeen kooxo dhalinayaro ah oo la ogaa iyagoo xidhan, balse shaaracyada magaalada  lasoo dhigay maydadkooda sadexdii maalmood ee

u danbeeyey . Kadib  markii si foolxun loo laayay.
Raysal wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid oo maanta gelinkii dambe saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ay ka war hayaan dilalka Muqdisho,  islamarkaana ay guddi baadhitaan dheeraad  ah sameeya u saareen dhacdadaa, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “waxbadan waan ka ognahay xog dheeraad ahna waan raadinaynaa illaa Salaadada soo socota aan kulan deg deg ah ka yeelano”.

Ra’iisal Wasaare Saacid  waxa uu  xusay in golihiisa Wasiiraddu  si adag uga doodeen, falalka dilalk ah, oo goobo kala duwan ka dhacay kuwaas oo lagu dilay dhalinyaro, wuxuuna xusay in arrintaasi ay aad uga xunyihiin, ayna u saareen guddi ka kooban saddex Wasaaradood, oo kala ah, Wasaaradda Garsoorka, Wasaaradda A. Gudaha iyo Wasaaradda Warfaafinta.
“Guddigan waxaan ka sugeynaa warbixin rasmi ah, oo mida haatan aanu heyno ka badan, waxaana si gaar ah u iclaaminay shir aan caadi aheyn oo arrintan looga hadli doono oo golaha Wasiiradu yeelan doonaan maalinta Talaadada ee soo socota” ayuu yiri Mudane Saacid oo xusay in muhiimada dowladdu tahay illaalinta xaquuqda aadanaha iyo xorriyatul qowlka.” Ayuu yidhi Raysal Wasaare Saacid.
Dhinaca kale Muqdisho waxaa ka socda magaalada Muqdisho kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan qaar kamid ah Odayaasha  dhaqanka  iyo Siyaasiyiin, kuwaas  ka arrinsanaya sida laga yeelayo dhacdooyinka dilalka oo lagu sifeeyay kuwo la mid ah xasuuqii ay samaynjirtay  dawladii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, iyadoo dad badan dhacdooyinkani xusuusiyeen xasuuqii xeebta Jaziira ee sideetanaadkii.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadaa, wuxuuna  wax laga xumaado ku tilmaamay Dhalinyarada Xabsiga lagala baxay ee  Dowladdu si xun ugu dhex dishay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay arrintaasi  Fadeexad cad ku tahay  Dowladda uu Hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
“Iyadoo howlgal uu socda in qof  la dilaa waa suurtagal. qof in maxkamad lasaaro oo dil lagu xukumo waa suurtagal,  laakin in qof lasoo qabto oo laxidho kadibna xabsi lagala baxo oo la dilo waa fal mooryaanimo” ayuu yidhi Oday Axmed Diiriye.

Dhacdooyinka dilallka ah ayaa lagu eedeeyay in ay fuliyeen saraakiisha Sirdoonka ee  nabadsugida, kuwaas oo u dhaqmaya qaabkii nidaamkii dawladii Milateriga ahayd ee Somalia oo sidan oo kale dadka habeenkii guryaha loogala bixi jiray. Kadibna lagu war heli jiray in la laayay, waxaana dhacdooyinkan ka mid ah raga lagu eedaynayo Khaliif Ere goo ka mid ah saraakiisha Nabadsugida, kaas oo dhalinyarada la helay Maydadkooda oo  qaarkood ay wada sawiran yihiin sarkaalkaa, iyadoo dhalinyarada qaarkood yihiin kuwo dhawr bilood ka hor kasoo goostay kooxda  Al-shabaab, kuwaas oo dib u bilaabay noloshooda iyo inay waxbartaan, balse guryohooda lagaga baxay oo ciidamada Nabadsugidu xabsiga u dhigeen. Kadibna shaaracyada magaalada maydadkooda.   

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *