Washington (ANN) Haweenayda Madaxaweynaha Mareykanka Obama oo lagu magacaabo Michelle Obama, ayaa gebi ahaanba laga xaday macluumaad iyo xoggo sir ah oo ku jiray Computerkeeda khaaska ah. Kadib markii ay heleen kooxo Hackers, kuwaas oo la baxay

 

macluumaad fara badan oo ay ku jiraan xoggo ku saabsan dad can ka ah Maraykanka.

 

Xoggahaa oo ay ku jiraan kuwo maaliyadeed ayaa  si toos ah loogu soo daabacay baraha Internet-ka.  Sida ay faafiyeen Warbaahinta Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah oo sheegay  in  gebi ahaanba la xaday xog shaqsiyeedkii xaaska Obama.

Kooxda Shuftada Computerrada ee Hackers-ka loo yaqaan ayaa si xoog ah ku soo dhexgalay Computer-ka khaaska ah ee Michelle Obama iyagoo gebi ahaanba soo jiiray qaybtii amaanka ee Computerka, taas oo u suurta gelisay in ay qaataan xog Computer-ka ugu jirtay haweeneydaasi.

Xogaha lagala baxay Computerka Michelle Obama ayaa la sheegay inay isugu jireen kuwo maaliyadeed iyo ganacsi, waxaana la tilmaamay inay ka mid ahaayeen macluumaad kale oo ku saabsan ilaa 18 shaqsi oo caan ka ah Mareykanka, kuwaas oo ay kamid yihiin Joe Biden  Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo xoghayihii hore ee arrimaha dibadda Hillary Clinton iyo agaasimaha guud ee hay`adda FBI Ropert Muller.

Macluumaadka lagu  faafiyay warbaahinta qaarkood ee laga xaday Xaaska Obama waxaa ka  mid ah lacago farabadan iyo dokumentiyo khaas u ah madaxda Mareykanka, waxaa kale oo wararka lagu sheegay inay ku jireen Baasa boorro iyo waxyaabo kale oo ay kamid ahaayeen Kaadhadhka lacagta lagu qaato ee Bangiyada.

Hay`adda FBI ayaa sheegtay inay baadhitaan ay ku hayso Website laga leeyahay Dalka Ruushka, kaas  oo sida ay sheegtay  faafiyay xogtaasi,  sidoo kale FBI ayaa sheegtay in faafinta xogtaa ay ka qayb qaateen shirkado kale oo aanay magacaabin.
Dhinaca kale Madaxweyne Obama  ayaa waraysi ii siiyay Telefishnaka  ABC, wuxuu ku tilmaamay arrintaa mid la yaab badan oo dhibaato weyn ah, wuxuuna tilmaamay sidii loo difaaci lahaa hantida dadku khaaska u leeyahay iyo hantida qarankaba, isla markaana laysaga ilaalin lahaa kuwa xadaya xoggaha iyo macluumaadka qofka iyo kuwa qarankaba.

Kooxaha afduuba sameeya ee loo yaqaan  Hackers-ka ayaa dhibaato weyn ku haya  dowladda Mareykanka, iyadoo ay dhawr bilood ka hor afduubeen websiteyo waaweyn oo ay leedahay dawalada Maraykanku.
Waxayna arrintani kusoo beegantay iyadoo ay Maraykanka gudihiisa ka taagan yihiin dhaleecayn dhinaca dhaqaalaha ah oo loo jeediyo Obama iyo sidoo kale iyadoo Maraykanka iyo China uu ka dhex aloosan yahay muran la xidhiidha xagga afduubka Comtuterada iyo websiteyada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *