Ankara(ANN) Madaxwynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha Debeda Turkiga Ahmet Davutoğlu, kulanka  oo ahaa mid aan saxaafada loo ogolayn  oo albaabada loo xidhay, balse sida lagu shegtay Jariirada Zama nee kasoo baxda dalkaa oo soo

 

xiganaysa  dublamaasi u dhashay Turkiga,
Madaxweyneha Somaliland  Axmed Siilaanyo iyo xubnaha wefdiga wasiirada ee la socda waxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha debeda Turkiga  Ahmet Davutoğlu oo ay dhiniciisa wehliyaan masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Hay’addaha  dawlada qaarkood sidii ay labada dhinac iskaashi uga yeelan lahaayen xidhiidhka dhinaca Dublamaasiyada  iyo mashaariicda horumarinta ee adeegyada  Bulshada.
Sida laga soo xigtay Dublamaasigaa, waxay labada dhinac  kulankooda ku weheliyay Saraakiil ka socday Wakaalada Iskaashiga  iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Turkiga (Turkish International Cooperation and Development Agency ) oo loo soo gaabiyo (TİKA) iyo Hay’addo kale oo ah kuwa aan dawliga ahayn.
“Turkigu  wuxuu juhdi badan gelinayaa horumarinta gobolada Somaalida iyo Somaliland oo xidhiidh taariikhi ah oo soo jeen ah naga dhexeeyo , isla markaana ahmiyad weyn u leh Turkiga  laga soo bilaabo xiliggii Cosmaaniyiinta, ”  ayuu yidhi  Wasiirka Arrimaha Debeda Turkiga Ahmet Davutoğlu, wuxuuna intaa ku daray sida laga soo xigtay Dublamaasigaa inay Turkiga ka go’antahay sidii bulshada Soomaalida loo caawin lahaa ee dib u heshiisiin iyo nabad looga dhalin lahaa.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo iyo Wefdigiisa oo weli ku sugan dalka Turkiga ayaa kulamo la yeeshay Raysal wasaare xigeenka dalkaa Mr.  Bekir Bozdağ , Wasiirka Tamarta , balse waxa dib u dhac ku yimi kulan la filayay inay Madaxweyne Siilaanyo iyo wfdigiisu la yeeshaan  salaasadii Raysal Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, waxaana warbaahinta Turkigu ku macnaysay sababta kulankaasi dib ugu dhacay kadib markii Raysal wasaare Erdogan ay soo waajahday xaalad caafimaad daro ee duray ku dhacay, taas oo keentay in aanu xafiiska iman mudo dhawr maalmood ah, kulankaas Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaan la ogayn xiliga uu qabsoomayo ilaa hada, taas oo la filayo inay wefdiga Somaliland kusii ngaadaan dalka Turkiga  ilaa maalmaha soo socda.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *