Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha urur siyaasadeedka UMADDA Dr Maxamed Cabdi Gaboose ayaa ka hadlay falkii xisbiga Kulmiye kula kacay Guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbigaa Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Dr. Gaboose waxa uu sheegay in jidka loo maray xil ka qaadista Cabdiraxmaan Cabdiqaadir uu ahaa  sharci daro iyo gabood fal aan geedna loogu soo gaban, isagoo tilmaamay in Cabdiraxmaan ahaa nin sumcad weyn ku dhex lahaa xisbiga iyo dalkaba oo maal iyo maskaxba galiyey sidii uu talada dalka ugu guulaysan lahaa Madaxwayne Siilaanyo. Sidaa awgeed uu ka xun yahay wixii lagula kacay.
Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo maanta wareysi siiyay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefiishanka HCTV, wuxuu  shacabka waydiistay inay ka saamaxaan khaladkii uu abid gallo oo uu ku sheegay inuu ahaa kii uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku taageeray inuu Madaxwayne noqdo, isagoo arrintaa ka hadlaya Dr. Gaboose, wuxuu yidhi,   “Waxaan shacabka Somaliland ka codsanayaa inay igga saamaxaan khaladkii ugu weynaa ee aan abid galay oo ahaa inaan Axmed Siilaanyo ku taageeray  inuu Madaxwayne noqdo.”
Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka UMADDA, Dr. Gaboose wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo  masuul ka yahay dulmiga iyo dib u dhaca Somaliland ku yimi, isagoo yidhi,  “Waayo dulmiga iyo dib u dhacan Somaliand isagaa ka masuul ah Madaxweyne Siilaanyo.”
Sidoo kale Dr. Gaboose ayaa tilmaamay in xukuumaddii Daahir Rayaale oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo 8 sanadood wuxuu doono ku odhan jiray aanay cidna u xidh-xidhi jirin “Madaxwayne 8 sano ee aad UDUB waxaad doonto ku odhan jirtay dad umay xidhin, adigu wadankii waxaad galisay khad cagaaran oo beesha caalamku la socoto”ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *