Muqdisho(ANN)Laba Qarax oo kala duwan ayaa  Goor dhoweyd ka dhacay Baarka Indian Ocean Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, kaas oo ka soo horjeeda Baar Liido oo ay dad badan u damaashaad iyo dabaal tagaan maalin walba gaar

 

ahaan maalinta Jimcaha.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday Baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyey, iyadoo warar kale oo hordhac ahina   sheegayaan in mid labaad oo qof ismiidaamin ah uu dhacay isla xilligaa.

qaraxan ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, warar hordhac ah ayaa sheegayaan in 7 bqof ay ku dhaawacmeen qaraxa maqaaxida ka dhacay 3 kalane ay dhimasho noqdeen, balse ilaa hada si cad looma ogga inta uu leegyahay khasaaruhu, waxaana mariiba goobta hareereeyeen Ciidamada Dowladda.

Cabdullaahi Xasan Bariise oo katirsan saraakiisha Booliska dowladda Federaalka ayaa sheegay in hal qof ku dhintay qaraxa todoba qofna ku dhaawacmeen, wuxuuna dhacdadaa ku tilmaamay mid muujinaysa habacsanaan, isagoo  ganacstada xeebta Liido ku eedeeyay in aanay la shaqeyn ciidanka amaanka.

lama garanyo cida ka danbaysay qaraxaa, balse xarakada Al-shabaab ayaa marar badan hanjabaad usoo jeedisay dadka temeshlaha u taga xeebtaa, iyagoo ku tilmaamay mid fawaaxish iyo fusuq ka socdo.
.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *