-
Published On: Sat, May 5th, 2012

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Sheegay Inay Garsoorayaasha Kula Xisaabtamayaan Dacwadaha Ay Qaadayaan Oo Ciqaab Ku Mudan Karaan Haddii Ay Go’aamo Dhinac Ah Soo Saaraan

Smiley face
Share This
Tags

Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa shaaca ka qaaday inay tallaabo adag oo sharci ka qaadi doonaan Garsoorayaasha ku xad-gudba Shuruucda Garsoorka iyo nidaamka caddaaladeed ee dalka., isla markaana Garsoore kasta

 

dib loo eegayo go’aanadii dacwadaha uu galay ee ka garnaqay oo lagula xisaabtamayo.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare , waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo uu la yeeshay, Weriye Maxamad-Xarrago oo ka tirsan Shabakadda Berberanews,
Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa kaloo uu waraysigaa  kaga jawaabay su’aalo laga weydiiyay socdaal ay kusoo mareen gobolada dalka oo kiisaas dacwado mudo dheer la sugayay ay kusoo dhegeysteen iyo waxyaabaha sababay inay gobolada qaarkood kasoo noqdaan, isla markaana wuxuu sharaxaad ka bixiyay  waxyaabaha iska beddalay nidaamka Garsoorka tan iyo intii Madaxweynaha Somaliland sannadkii hore dib-u-habaynta maamul ku sameeyey waaxda garsoorka dalka oo mudo dheer cabashadeedu taagnayd.
Dr. Yuusuf waxa uu ku dooday inay sameeyeen waxyaabo badan oo horumar ah, isaga oo xusay inay sameeyeen helidda warbixinta dhabta ah ee Garsoore kasta shaqsiyaddiisa, aqoontiisa iyo shaqadiisa ku saabsan. Waxa uu tilmaamay inay markii ugu horreysay Maxkamadda sare Kormeer shaqo ku tagtay gobollo iyo degmooyin kala duwan oo dalka ah, iyaga oo xukunno ka soo saaray kiisas Maxkamadaha gobollada qaarkood muddo ku jiray. Waxaanu xusay inay kormeerro ku tagi doonaan deegaannada aanay weli marin. Guddoomiyuhu wuxu sheegay inay warbixin dhammaystiran waxyaabaha la qabtay iyo sida loo qabtay ku soo bandhigi doonaan dhammaadka sannadkan haddii Illaahay yidhaahdo.
Waxa kale oo uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland sheegay inay Garsoorka iyo Xukuumaddu si buuxda u kala madax-bannaan yihiin, isla markaana aanay Xukuumaddu ku faro-gelin hawlaha shaqo ee Waaxda Garsoorka u gaarka ah. waraysigaa  oo ahaa mid dheer, basle aanu qaybtii ugu mihiimsanayd idiinku soo gdubinay halkan, ayaa u dhacay  sidan:-
S: Maxaa idinka hor taagan Gobollada Sool iyo Sanaag oo dilal aanooyin u badani ka dhaceen?
J: Waxba nagama hortaagna, laakiin markaannu Hargeysa ku noqonno waxaan tallo ka wada yeelan doonaa masuulliyiinta Asluubta iyo Xeer ilalainta iyo qareennadii deegaannadaas joogay ka dibna qorshe dhammaystiran  ugu soo baxno Sool iyo Sanaag.
Gobolka Sool Maxkamad Gobol, Degmo iyo mid Rafcaanba waa joogaan  laakiin kiisaskoodu gobollada kale waa ka gaar oo garsoorayaal baa lagu dilay, markhaatiyaasha waa la hadidaa iyagana way noo qorshaysantahay inanu halkooda tagno oo dacwadaha ku qaadno.
S: Halkuu ku danbeeyay Ballan-qaadkii wax-ka-bedelka Cadaalladda, maxaa-se qabsoomay?
J: Waxa is beddalay, may dhici jirin hadda ka hor maxkamad sare oo intay gobollo u baxdo maxkamaddaha darakada koowaad dacwado ku soo qaado oo halkaas go’aan ku soo gaadho oo dadka uga naxariisato culays dhaqaale iyo mid wakhtiba.
Waxa kale oo ka mid ah isbedel lagu sammeeyay garsoorayaasha dalka,waxaannu qornay oo aanu hawlgelinay garsoorayaal cusub oo da’yar oo xaq aqoonneed leh oo Jaamacadaha ka soo baxay, ninkii (Garsooraha) wax xumaynaya waannu qabanayaa oo abaalkiisaannu marinaynaa isagoo Xeerka Guddida Cadaallada iyo Xeerka Anshaxa Garsoorayaashu  ee dhawaan la diyaarinayo lagu dhaqi doono, waxaan aaminsanahay in wax badani noo qabsoomeen. Waxa ka mid ah dhismihii Guddiga caddaaladda iyo Warbixintii Garsoorayaasha oo la wada hayo, waayo may jirin Garsoore kaliya oo warbixintiisa shaqsiyadeed la hayo intii immika aannu ka shaqaysiinnay xafiiska labaad ee Guddiga caddaaladda ka hor.
Waxa noo qorshaysan in xukunnnadda kiisaskoodu gaadhaan garsoorayaasha maxkamadaha kala duwan ka hawlgala in tirakoobkooda loo helo si saddex bilood leh ah, hadhawna Guddiga cadaaladda oo dib u eegaya xukunnada kala duwan ee maxkamadaha ka soo baxay xeerkii ma ku toosnaayeen mise way qalloociyeen, iyadoo garsoore walba lagu qiimayn doono inta dacwadood ee uu qaaday inta dacwadood ee Maxkamaduhu ku raaceen, inta kiis ee laga jabiyey. Garsooraha toban kiis qaaday ee tobankii kiisba laga jebiyey waxa la ogaanayaa ma aqoon-darro ayey ka ahayd? Miyuu dedaalay oo dedaalkii-baa halkaa la galay mise wuu is-yeel-yeelayey oo wax kale ayuu ka door-biday?
Aqoontii waannu haynaa oo Garsoore aannaan aqoontiisa hubini wuu yar yahay…..markaa haddii Illaahay yidhaahdo dhammaadka sannadka ayaannu soo bandhigi doonnaa qiimaynta waxa la qabtay, waxa is-beddalay, annaga oo odhanayna maxay Maxkamadaha kala duwan ee dalku qabteen, immisa kiis bay qaadeen, ma dilkaa badnaa, ma kiisaska ciqaabta ah baa badnaa, immisaa kufsi ahaa, immisaa xukunno kale ahaa, kiisaska sidii ku habboonayd ma loo qaaday, Xeerkee baa la waafajiyey, si daacadnimo ku jirto ma tahay, si caddaalada ma loo qaaday iyo guud ahaan waxa Garsoorku qabteen.
S: Guddoomiye, dad badani waxay aamminsan yihiin inay siyaasaddii iyo garsoorku isku milmeen, markaa sidee bay u kala madax-bannaanaan karaan?
J: Siyaasaddu waa ta wax hoggaaminaysa, ma kala madax-bannaanan karaan illaa xad, Garsoorku shaqadiisa markuu gudanayo ayuu xor u yahay Xaakinku markuu kiis uu dacwaddiisa dhagaystay ka go’aan gaadhayo cidi kuma qasbayso cidina kuma faro-gelinayso, siyaasi iyo waaxda fulinta midna kuguma soo faro-gelin karo lamana oggola oo waa ka mabnuuc. Sidoo kale, Maxkamad iyo Xaakin ka shaqeeyaa Garsooraha Kiiska haya waa ka mabnuuc inuu ku faro-geliyo ama wax u yeedhiyo, oo Garsoorka laftiisu isaga oo kala sarreeya haddana waa ka mabnuuc in kiiska cidda haysa lagu faro-geliyo. Marka uu Xaakinku wax go’aaminayo waa in sharciga, qofka iyo aqoonta la is-waafajiyo, go’aanka Xaakinku gaadhayaa sidee buu ummadda uga daaddegi karaa? Waa mid is weydiin leh, haddii go’aanka Xaakinku gaadhayaa dalka fawdo ka abuurayo oo uu khalkhal dhalin karo looma baahna inuu soo baxo, go’aan caddaaladeedna noqon maayo.
Xukuumadda iyo siyaasaddeeda Maxweynahaa hoggaamiya, taana macneheedu waxa weeye Qaran baynu nahay, go’aan khilaafaya siyaasadda guud ee Qaranka ma soo bixi karo, lamana rabo inuu soo baxo.
S: Xukuumadda iyo Garsoorku sidee ayey u kala madax-bannaan yihiin waqtigan?
J: Xukuumadda Boqolkiiba boqol baannu ka madax-bannaanahay, way ku mahadsan tahay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Dadka ayuun baa meelahaa waxaa ka shuba oo kalsooni-darro ayaa haysaa. Ma jirto Xukuumad kiisas maxkamadi hayso ka hadasha oo tidhaahda sidaa ma laga yeelo iyo sidaa maa la ydihaahdo, talana kuma laha toosinna kuma laha. Waayo? Madaxweynaha ayaa I magacaabay, waanan ogahay in Madaxweynuhu Madaxweynihii Qaranka yahay, Siyaasadda guud ee Qarankana isagaa hoggaaminaya. Markaa, hore u may dhicin welina may dhicin Madaxweynahan iyo kuwii ka horreeyey toona inay si toosa u faro-geliyaan hawlaha Garsoorka.

Source: Berberanews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>