Moqdisho: Jimco Maarso 29, 2013 (Wararka Dowladda Ee Maanta) :  Wafdigii uu horkacayey raisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon  Saacid ayaa ku soo laabtay goor dhow oo galabta ah magaalada Muqdisho ka  dib markii socdaal shan maalin qaatay ay ku tageen magaalada Kismaayo  ee Gobolka J/hoose.  Raisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa dayuuradaha siday waxay soo caga  dhigatay garoonka Aadan cadde abaarihii 3:30-pm galabnimo ee maanta,  waxaana halkaas ku soo dhoweeyey madax kala duwan oo ka tirsan dowlada  oo isugu jira, wasiiro, xildhibaano, saraakiil, ururada haweenka iyo  qeybaha bulshada. Raisul wasaaraha ayaan illaa hadda la hadlin saxaafada, waxaana garoonka  dayuuradaha Kismaayo ku oo sagootiyey saraakiil ka tirsan ciidamada  AMISOM iyo masuuliyinta maamulka KMG ah ee magaaladaas.  Ra'iisal Wasaare Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo shaaciyey inay Dowladda  Soomaaliya diyaar u tahay samaynta Maamulka Jobooyinka asagoo sheegay  inay dalka hadda loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo sharciga  dalka.Kismaayo(ANN)Raysal wasaaraha Dawlada Somalia iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo ayaa dib ugu laabtay

Maanta magaalada Muqdisho. Kadib markii uu bur-buray shir la doonayay in Maamul goboleed loogu sameeyo Jubooyinka.
Kulamo ay Masuuliyiinta Dawlada la lahaayeen Axmed Madoobe oo hogaaminaya shirka la doonayay in maamul goboleed laga dhiso halkaa iyo saraakiisha Dalka Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa lagu kala dareeray. Kadib markii laysku fahmi waayay, taas oo sababtay in Raysal Wasaare Saacid iyo Wefdigiisu ku laabtaan Muqdisho  maanta.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Xakiim Guuleed ayaa  warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in labada dhinac ku kala keceen wadahadalkii lagu doonayay maamul usameynta gobolada Jubbooyinka.

Dhinaca kale Raysal Wasaare  Saacid ayaa sheegay in fashilka wadahadalkii Kismaayo uu mas’uul ka yahay Axmed Madoobe, balse wuxuu  amaanay maamulka Kismaayo ka jira waqtigan oo uu sheegay inay si fiican usoo dhoweeyeen wefdigiisa.

Sababaha lala xidhiidhiyay inuu fashilmo kulankii la doonayay in Maamul loogu sameeyo Kismaayo, ayaa lala xidhiidhiyay mid aanay ka madhnayn faragelin dibeda ah oo ay ku lug leedahay Dawlada Kenya, taas oo doonaysa inay halkaa ka samayso maamul iyaga hoos taga, balse aanay awood ku lahayn dawlada Federaalka. Sidoo kale waxa sababaha fashilka shirkaa lala xidhiidhiyay dadka deegaanka oo qaarkood marka horeba ka biyo diideen qaabka maamulka deegaanka loo qaybsanayo.

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *