Djibouti(ANN)Roobab Mahiigaan ah oo ka da’ay Dalka Djibouti ayaa sababay khasaare naf iyo maalba ah. Kadib Roobabkaa oo da’ayay xalay waaberigii iyo

Saaka barqadii.

 


Khasaaraha ugu weyn ee Roobabku sababeen waxa ka mid ah Gaadhi kuwa Ciidamada Milateriga ah  oo daad ku qaaday deegaanka Shabeelay oo u dhaxaysa Hol-hol iyo Djibouti, kaas oo ay ku dhinteen ilaa inta la ogyahay sideed ka mid ah Askarta, iyadoo Todoba kalena dhaawacyo soo gaadheen, isla markaana waxa la la’yahay tiro aan ilaa hada la ogayn oo ka mid ah askartii saarnayd gaadhiga daadku qaaday.


Sidoo kale Hal qof ayaa ku dhintay Dekedda Djibouti, iyadoo gebi ahaanba ay magaalada Caasimada iyo Gobolada kale ee Djibouti kala xidhmeen, isla markaana dhismayaal badan khasaare soo gaadhay. Kadib markii Biyaha daadku galeen.


Hase yeeshee sida uu ku waramay Weriye  Cali Cumar oo Raadiyaha iyo Telefeshinka Djibouti ka tirsan, waxa jira gurmad lagu raadinayo in la helo raq iyo Ruux askarta daadku qaaday, iyadoo dhinaca kalena ay socdaan gurmadyo lagu banaynayo wadooyinka oo biyaha lagaga saarayo Magaalada iyo wadooyinka.


Wariyaha ayaa sheegay inay socdaan dedaalo ay ciidamada Gurmadku ka wadaan magaalada, iyadoo Biyaha laga dhurayo wadooyinka si xaaladu caadi ugu soo noqoto, isla markaana ganacsigii iyo adeegyadii bulshada dib u bilaabmaan. 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *