Madaxweynaha Somaliland iyo wefdi uu hogaaminayay oo Arbacadii Todobaadkan kusoo laabtay dalka kadib markii ay booqasho dhawr maalmood ah ku tageen

 

dalka Imaaraadka Carabta ayaa kulamo la yeeshay mudadii ay joogeen halkaa Madaxda dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigiisa ayaa kulankii u horeeyay la yeesheey  Sh. Mansuur Binu Saa’id oo ah Wasiirka Madaxtooyadda dawladda Imaaraadka carabta, isla markaana ah Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaa, kaas oo si  maamuus leh ugu qaabiley xafiiskiisa Weftigii madaxweynaha.
Kulankaa ka dib ayaa warbaainta Dawlada Somaliland oo soo xigtay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali oo ka mid ahaa wefdiga  Madaxweynaha, waxay shaaciyeen in dawlada Imaaraadku aqbashay dhamaan codsiyadii uu Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday, kuwaas oo Sida uu waraabinta dawlada u sheegay ay ku jirto Wadada isku xidha Ceergaabo iyo Burco ee dhibka badan.

Arrintaa ayaa ahayd mid si weyn ay ugu riyaaqeen Bulshada Somaliland, maadaama ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo xiliggii Ololaha sadex sanadood ka hor ku balanqaaday inay wadadaa intii itaalkeeda ah bilaabayso ay dib uga guratay, iyadoo socdaalkii u danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo sanadkii hore ku tegey Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag oo la weydiiyay  wadada uu hore u balanqaaday ku dooday in aanay suurta gal ahayn inay xukuumadda Somaliland dhisto wadadaa oo u baahaan dhaqaalle  aanay Somaliland awoodin.

Sidaa awgeed warka la xidhiidha inay Wefdiga Madaxweynaha Somaliland dawlada Imaaraadku ka aqbashay dhismaha wadadaa ayaa si weyn usoo jiitay quluubta bulshada gobolka Sanaag ee godoonsan iyo guud ahaanba bulshada kale ee Somaliland oo yiqiinsan dhibaatada jidka isku xidha Sanaag iyo Togdheer.

Hase yeeshee Markii ay Wefdiga Madaxweynaha Somaliland kusoo laabteen dalka Arbacadii Todobaadkan waxa oo la weydiiyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo warbaahinta kula hadlay Madaarka Berbera in  mashaariicda in ay ku jirto wadada Ceerigaabo, wuxuuna ka bixiyay su’aashaa  jawaab ka duwan tii wasiirkiisa Madaxtooyadda laga soo xigtay ee hore loo shaaciyay ka hor intaanay wefdigu dalka kusoo laaban, isagoo Madaxweyne Siilaanyo ku  jawaabay sidan”:- “jidka ceerigaabo jidadkaas la tixgelinayo, ama kuwan ha noqoto ama meel kaleba ha noqotee aanu meeshaanu tagnoba soo hadalqaadno ayuu ka mid yahay, jidka Ceerigaabo wuu dheeryahay jid fududna maaha, laakiin waa jid ay kolayba naga go’antahay haddii alle nafta noo daayo in aanu jidkaa howshiisa marwalba galo. laakiin jid gaar ahaan fulintiisa nalooga soo balanqaaday ma ahayn”. Ayuu yidhi.

Dhinaca kale Wargeyska The National oo kasoo baxa dalka Imaaraadka ayaa Waraysi kooban oo uu ka qaaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo xubno ka mid ah wefdigiisa ka hor intii aanay kusoo laaban dalka, wuxuu isagoo soo xiganaya Madaxweynaha weydiiyay waxa ay ka aqbaleen dawlada Imaaraadka Carabtu mashaariicdii ay u bandhigeen, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo sheegay in mashaariicda ay ka mid yihiin kuwo ay dawlada Imaaraadku hore u balanqaaday iyo kuwo ay hada kala hadleen, isagoo xusay inay ku jiraan Laba Cusbitaal oo ay hore u balanqaadeen, kuwaas oo laga dhisayo Burco iyo Hargeysa.
Sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweyne Siilaanyo inay mashaariicdu isugu jirto qalab iyo adeegyo dhinaca Biyaha iyo Dugsiyo ay codsadeen, isla markaana wuxuu ku xusay waraysigaa Madaxweynaha Somaliland in dhinaca wadooyinka ay ku jirto Wadada isku xidha Hargeysa iyo Burco, taas oo uu sheegay inay ku jirtay codsigooda, wadadaa oo sida uu sheegay Madaxweyne Siilaanyo uu dhisay Madxweynihii hore ee Imaaraadka  Sheikh Zayed Al.nahyaan, isla markaana loo bixiyay   Sheikh Zayed Road.

Inkasta oo socdaalka Madaxweynaha Somaliland  iyo wefdigiisu ahaa  mid si weyn loo soo dhoweeyay markii ay bulshadu maqleen bushaarooyinka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo iyo mashaariicda ay Imaaraadku balanqaadeen inay Somaliland ka fuliyaan iyo guud ahaan sida ay siyaasiyan u danaynayaan Somaliland, haddana waxa muuqata in bushaaradii ugu weynayd ee mashaariicda Imaaraadka oo ahayd jidka isku xidha Ceergaabo iyo Burco aanu meesha ku jirin, kaas oo bedelkiisu noqday Wadada isku xidha Hargeysa iyo Burco ee loogu magacdaray Hogaamiyihii Imaaraadka ee geeriyooday sanado ka hor,   isla markaana loo bixiyay   Sheikh Zayed Road.

Lama garanayo in gadaal ay wax iska bedeleen oo wefdiga Madaxweynaha Somaliland markii danbe qorshohooda codsiyada wax ka bedeleen iyo in dhawaaqii hore ee laga soo xigtay Wasiirka Madaxtooyaddu ahaa mid lab la kac ah, balse mar la eego jawaabta Madaxweynaha ee wadada Ceergaabo uu ka bixiyay  iyo waraysiga laga qaaday intii uu ku sugnaa Abu Dhabia waxa muuqata in aanay arrinta wadada Ceergaabo  ahayn mid lasoo hadal qaaday.

Si kastaba ha ahaatee waxay arrintani mooraal-jab ku noqonaysaa boqolaal ka mid ah Bulshada oo warbaahinta markii ay ka maqleen dhismaha jidka Ceergaabo iyo Burco u riyaaqay, kuwaas oo qaarkood ilaa shalay ku hanbalyaynayeen Madaxweyne Siilaanyo. Laakiin waxa muuqata inay hadda xaaladda wax iska bedeleen oo aanay  xaqiiqdu  sidaa ahayn, isla markaana ay dhismaha wadada Ceergaabo u taal dadka Reer Sanaag ee aanay ahayn mid dawladdo u samayn doonaan.

Faallo By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
www.araweelonews.com
E-mail;jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *