Kismaayo(ANN)Raysal wasaaraha Dawlada Somalia iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo maalmahan ku sugnaa Kismaayo ayaa dib ugu laabtay
Maanta magaalada Muqdisho. Kadib markii uu bur-buray shir la doonayay in Maamul goboleed loogu sameeyo Jubooyinka.
Kulamo ay Masuuliyiinta Dawlada la lahaayeen Axmed Madoobe oo hogaaminaya shirka la doonayay in maamul goboleed laga dhiso halkaa iyo saraakiisha Dalka Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa lagu kala dareeray. Kadib markii laysku fahmi waayay, taas oo sababtay in Raysal Wasaare Saacid iyo Wefdigiisu ku laabtaan Muqdisho maanta.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdi Xakiim Guuleed ayaa warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in labada dhinac ku kala keceen wadahadalkii lagu doonayay maamul usameynta gobolada Jubbooyinka.
Dhinaca kale Raysal Wasaare Saacid ayaa sheegay in fashilka wadahadalkii Kismaayo uu mas’uul ka yahay Axmed Madoobe, balse wuxuu amaanay maamulka Kismaayo ka jira waqtigan oo uu sheegay inay si fiican usoo dhoweeyeen wefdigiisa.
Sababaha lala xidhiidhiyay inuu fashilmo kulankii la doonayay in Maamul loogu sameeyo Kismaayo, ayaa lala xidhiidhiyay mid aanay ka madhnayn faragelin dibeda ah oo ay ku lug leedahay Dawlada Kenya, taas oo doonaysa inay halkaa ka samayso maamul iyaga hoos taga, balse aanay awood ku lahayn dawlada Federaalka. Sidoo kale waxa sababaha fashilka shirkaa lala xidhiidhiyay dadka deegaanka oo qaarkood marka horeba ka biyo diideen qaabka maamulka deegaanka loo qaybsanayo.