Amadaxweyne Siilaanyo iyo RaysalwasaarahaEth1ddis Ababa(Araweelo News Network)Raysal wasaaraha dalka Ethiopia Hayla Maryan Deselign ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wasiiradda

 

usii gogolxaadhayay safarkiisa.

Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Ethiopia waxay kulnkaa oo saacado qaatay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidha wax wada qabsiga iyo iskaashiga labada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka. Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha mandaqada ee dhinacyada amaanka, horumarka, ganacsiga iyo iskaashiga.

madaxweyne silanyo iyowasirada1Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Arrimaha Debeda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali iyo Qorshaynta Sacad Cali Shire, waxay usii jeedaan dalka Turkiga si ay uga qaybgalaan wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya uga furmaya 15-ka Bishan Magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga.
Waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wefdigiisu markaa ka dib usii gudbaan dhinaca dalka Britain iyo dalal kale oo Yurub ah.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *