Nairobi(Araweelo News Network)Dawlada Kenya ayaa sheegatay in duqeyn ay diyaaradaheeda dagaalka ay ka geysteen magaalada Garbahaarey ay ku dileen tiro badan oo ka tirsan dagaalyahanka

Xarakadda Al-Shabab.

Sida lagu daabacay wargeyska The Standard ee Nairobi ka soo baxa, warkaa oo laga soo xigtay taliska ciidamada Kenya ayaa lagu sheegay in duqeynta oo bartilmaameedkeedu ahaa dhisme ay ku shirayeen xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabab lagu dilay in ka badan 30 ruux oo Al-Shabab ka tirsanaa sida Kenya sheegtay.

Warkaan waxaa lagu sheegay in dadka goobta ku waxyeeloobay ay ku jiraan xubno sar sare oo Al-Shabab ka tirsan, balse lama sheegin magacyadooda kuwa ay yihiin saraakiisha Al-shabaab ee lagu dilay duqayntaa. Sidoo kale warku wuxuu intaa ku daray inay jiraan saraakiil Shabab ah oo dhaawac ahaan goobta kaga baxsaday.

Dawlada Kenya waxay sidoo kale sheegtay in duqeyntaa oo maqribnimadii shalay dhacday ay ku gubtay illaa gaadhi oo ay ku sheegeen inuu ka mid ahaa gaadiidka dagaalka ee Al-shabaab.

Dawlada Kenya dhawr jeer oo hore ayay sheegatay inay gudaha Soomaaliya ku dishay xubno sar sare oo Al-Shabab ka tirsan, balse wararkaa ayaa noqda kuwo aan xaqiiqdoodu sii xoogaysan, isla markaana waraka dawlada Kenya ee ay ku sheegtay weerarka hadda iyo in  ay ku dishay saraakiil Al-shabaab ka tirsan ma jirto cid si madax-banaan u cadaynay.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *