araweelonewsMuqdisho(Araweelo News Network)Xumuuda Dawlada Federaalka ee Somalia ayaa ka qaylisay hanjabaad kooxda Al-shabaab ku mamnuucay adeegga Mobile Internet iyo Fiber Optic oo dhawaan

 

dalka Soomaaliya laga hirgeliyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa cambaareeyey digniinta Al-Shabaab iyo dhawaaqidii ay ku sheegeen inay xanibayaan adeegyada internetka oo geyiga soomaalida laga isticmaalo.

“Dowladda Soomaaliya waxay sida ugu adag u cambaaraynaysaa falkan oo muujinaya sida kooxaha argagaxisada ah ay argagax ugu ridayaan shacabka oo ay ka hor istaagayaan isticmaalka internetka. Dastuurkeena ayaa qoraya xoriyadda hadalka ay lama taabtaan tahay, oo shacabku ay xaq u leeyihiin ay macluumaadka iyo wararka ku helaan iyadoon la cabsi gelinin.”

“Al-Shabaab waxaa laga qabsaday magaalooyinka intooda badan waxayna ku soo urureen inay hanjabaado iyo argagax geliyaan shacabka oo ay hadda rabaan inay ka mamnuucaan internetka. Al-Shabaab hadday doonayaan inay falal dambiyo caalami ah ay ka fuliyaan dalka, dowladdu waxay leedahay mala aqbali karo in kooxaha argagaxisada ay fursad ka helaan ay dalka gudihiisa ku fuliyaan denbiyo caalami ah. Sidaa daraadeed, sida ugu adag ayaan uga soo horjeednaa falkan guracan, wararka noocan ahna waxay nagu sii dhiirigelinaysaa inaan xoojinno dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.” Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia.

Waxa uu sheegay in bulshadu u isticmaalaan internet ka inay wax ka bartaan, isla markaana ay kula xidhiidhaan eheladooda caalamka kala jooga iyo inay wararka caalamka ka helaan. Sidaa awgeed ma aqbali karno in shacabkayaga laga joojiyo internetka oo muhiim u ah ayuu yidhi.

Mar uu ka hadlayay dhinaca Shirkaddaha Isgaadhsiinta, waxa uu yidhi, “Dowladda Soomaaliya waxay la shaqeyndoontaa dhammaan shirkadaha Isgaadhsiinta si loo hubiyo inay adeegyada internetka iyo howlaha isgaadhsiinta ay gaadhsiiyaan shacabka Soomaaliyeed. Shirkadaha Isgaadhsiinta waxaan uga digaynaa inay la shaqeeyaan kooxaha argagaxisada ah oo ay awaamiirtooda dhageystaan. ”

Sidoo kale waxa uu wasiirka Arrimaha Gudaha dawlada Somalia ka hadlay doorka warbaahinta ee wararka Al-shabaab iyo hanjabaadooda, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi,Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa mas’uuliyadi ka saarantahay in aanay borobogaandada argagaxisada fulin. Warbaahintu waa inay u istaagtaa danaha shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan adeegyada warbaahineed iyo internetka oo ah xuquuq ay shacabku leeyihiin. Warbaahintu waa in aanay kaalmaynin argagaxisada, waxaan ka fileynaa warbaahintu inay noqdaan codkii shacabka oo aanay noqon codka argagaxisada.

Sidaas daraadeed, waxaan ku boorineynaa shirkadaha Isgaarsiinta, in aanay aqbalin awaamiirta iyo hanjabaadaha kooxaha argagaxisada, oo aanay  ka joojin shacabka adeegyada internetka oo muhiim u ah shacabka. Shirkadii lagu helo inay taageereyso kooxaha argagaxisada ah waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Shacabkayaga cadowga kaliya ay leeyihiin waa kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab, Sidaas daraadeed, waxaa mas’uuliyadi naga saaran tahay inaan shacabka ka badbaadino hanjabaadaha ka imanay kooxaha argagaxisada.

Istraatiijiyada Al-Shabaab ayaa ah in shacabka la aamusiyo, isla markaana ay baad ka qaataan shirkadaha Isgaarsiinta si ay u helaan dhaqaalaha ay aadka ugu baahanyihiin. Dowladdu way xoojineysaa dagaalka lagula jira kooxahan, waqtigoodana wax yar baa ka hadhay inta laga sifeynayo dalka oo dhan’ ayuu yidhi.Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *