Muqdisho(ANN)Raysal  wasaaraha cusub ee Dawladda Somalia Mr. Farmaajo ayaa caawa fiidkii kaga dhawaaqay xarunta Villa Somalia liiska xukuumada cusub ee uu soo dhisay, taas oo ka kooban 18  xubnood. Xukuumadda uu soo dhisay  Mr. Farmaajo ayaa noqonay

 tii ugu tirada yarayd ee laga sameeyo Somalia, wixii ka danbeeyay dawladii Somalia. iyadoo uu Madaxweyne Sh. Shariif dardaaran u jeediyay xubnaha golaha wasiirada cusub ee Raysal Wasaaruhu magcaabay.
Xubnaha gollaha wasiirada cusub ayaa u badan dad qurba joog ah, kuwaas oo aan wax badan kala socon xaalada siyaasadeed ee Somalia oo jaah wareersan, balse waxay Raysal wasaaraha iyo Madaxweyne Shariif ku doodayaan inay kooxdani waxqabanayso.

Golaha Wasiirada Cusub
1-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada, Max’ed Cabdullaahi Oomaar
2-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Max’ed Xaaji Fiqi .
3-Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Prof Cabdi Wali Max’ed.
4- Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax e
5-.Wasiirka Maaliyadda iyo Lacagta Xuseen Cabdi Xalane
6-Wasiirka Haweenka iyo Arimaha qoyska Maryan Khaasim Axmed .
7- Wasiirka beeraha iyo Xanaanada Xoolaha Yuusuf Macalin Amiin Baadiyoow
8- Wasiirka Caafimaadka iyo xariirka Bulshada Dr. Aadan Xaaji Ibraahim Daa’uud
9-Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta C/kariim Xasan Jaamac.
10 Wasiirka arimaha bulshada, hormarinta Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Sportiga Cabdi Nuur Macalin Max’uud
11- Wasiirka Kaluumeysiga iyo qeyraadka badda Dr. Max’ed Macalin Xasan Max’ed
12 Wasiirka dekadaha gaadiidka badda cirka iyo dhulka Axmed Cabdi Raxmaan
13 Wasiirka Dastuurka Federaalka iyo dib u heshiisiinta Max’uud Max’ed
14 Wasiirka howlaha guud iyo iyo dib u dhiska C/rashiid Khaliif Xaashi.
15- Wasiirka Macdanta biyaha tamarta iyo Shidaalka C/risaaq Sheekh Muxudiin
16- wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare C/nuur Sheekh Max’ed.
17- Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Dr Max’uud Cabdi Ibraahim
18-Wasiirka Garsoorka iyo arimaha diinta Awqaafta C/laahi Abyan Nuur
.

 

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *