-
Published On: Fri, Nov 12th, 2010

Bilawgii Budhcad-badeeda Xeebaha Soomalia Shebekadaha Xidhiidhsan, Shaqsiyaadka Qarsoon Iyo Jaah-wareerka Dunida Q.Labaad

Smiley face
Share This
Tags

 kuwaas oo gebi ahaanba khalkhaliyey marinka gacanka cadmeed iyo xeebaha soomaaliya ee u sii jeeda biyaha badweynta hindiya ee ay maraan gaadiidka u kala goosha dacalada aduunka.

Waxayna bilihii ina dhaafay si weyn u labanlaabeen weerarada dhinaca badfiijnimada ee ay doonayaan inay ku afduubaan gaadiidka iyagoo  isku dayada  ay sanadkii u danbeeyay sameeyeen ku guulaystay inay afduub ka sameeyaan meelo ka baxsan ama aad uga fog Biyaha Somalia iyo gacanka dhinaca cadmeed, taas oo keentay inay maaraakiibtu ku caagaan inay maraana biyaha gacanka cadmeed oo ay ka dusaan  kinaalka Suwez.
 
Dhawrkii sanadood ee u danbeeyey waxa isa soo tarayay halista kooxaha budhcadbadeeda gaboodka iyo saldhigyada ka samaystay xeebaha Bariga soomaaliya ee Puntland, waxayna kooxaha ugaadhsada gadiidka badda ee budhcadu heleen fursad ay dhaqaale malaayiin dollar oo madax furasho ah kaga qaatan shirkadaha maraakiibta ay qabsadaan iyo qoysaska dadka saaran. Tusaale ahaan Budhcad baddeeda Soomaaliya waxay  horaantii bishii April ee sanadkan Afduubeen markab laga lahaa dalka Koonfurta Kuuriya oo ay saarnaayeen 19 shaqaale ah, kaas oo ay ka qafaasheen badwaynta Hindia ayaa  noqday markabii laga qaatay  madaxfurashadii  uga badnayd, taas oo lagu qiyaasay inay ahayd 9.5 Milyan oo dollar, kaas oo laga qabsaday biyaha u dhexeeya dalalka Kenya iyo Tanzania.

Dhaqaalaha malaayiinka dollar ah ee ay  ka heleen xirfadooda ayaa sababay inay sii casriyeeyaan hawlgaladooda, qalabkooda, gaadiidkooda iyo waxyaabaha u hawlyaraynaya inay ku guulaystaan weerarada ay ku qaadyaan gaadiidka maraya gacanka cadmeed iyo xeebaha  soomaalia ee u sii jeeda biyaha badweynta hindiya.

Inkasta oo ay dawladaha waaweyn ee dunidu xeebaha soomaaliya u soo direen sanadii ina dhaaftay in ka badan todoba markab oo ah kuwa xanbaara hubka iyo gantaalaha halista ah oo  laga leeyahay dalalka Ruushka , Maraykanka, faransiiska, jarmalka, shiinaha, Isbaanishka iyo dawlado kale oo ay hormood u tahay Hindia, hadana talaabadani ma noqon mid ugu yaraan hakisa hawlgalada iyo weerarada budhcad-badeeddu ku qaadaan maraakiibta iyo doonyaha maraya halkaa, balse waxay dhiiri gelin siisay ugaadhsatada afduuba gaadiidka badda, kuwaas oo meelo ka baxsan biyaha soomaaliya ka soo afduubay maraakiib waaweyn, halka hawlgalo kale oo ay isku dayeena ka dhicisoobeen.
Waxaana ka dhashay dhacdooyinkan doodo iyo su,aalo aan weli jawaab loo helin. Hase yeeshee inta aynaan doodaha iyo su,aalaha layska weydiinayo arimahaa u gelin waxaynu u baahanahay inaynu iftiimino bilawgii budhcad-badeeda, habkii ay u bilaabmeen,  shaqsiyaadka  dhidibada u taagay iyo kooxaha kala duwan ee wadaaga magaca Budhcad-badeeda iyo ujeedooyinka qarsoon.
Marka aynu dib ugu laabano xeebaha bariga soomaaliya ee hoos yimaada maamulka hada la baxay Puntland, sanadihii dhawr iyo sagaashanadkii markii ay burburtay dawladii soomaaliya  waxa ka bilaabmay loolan siyaasadeed oo keenay dagaaladii dhexmaray kooxihii wadaadada ahaa ee urukuu la odhan jiray Al-itixaad iyo Col. C/llaahi Yuusuf. Ka dib markii ay isku dhaceen kooxaha wadaada ee gacanta ku hayay waqtigaa marsada Boosaaso iyo  C/llaahi yuusuf  oo doonayay si uu dhaqaale ugu helo malayshiyadiisa inuu gacanta ku dhigo dekeda magaalada Boosaaso, waxaana dagaalkaa aakhirkii lagu muquuniyay kooxdii wadaadada Al-itixaad oo Urur ahaan wiiqmay dagaalkaa ka hor markii khilaaf weyni soo waajahay ee ay isku khilaafeen dagaalkii Ururkii SNM,  kula  jiray taliskii milateriga ahaa ee Siyaad Bare. la soco

 By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>