IMG_3469Hargeysa(ANN)Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Wadani oo ka mid ah Ururada lagaga dhawaaqay Somaliland ee doonaya inay ka qaybgalaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto April 2012, ayaa maanta kusoo laabtay dalka. kadib markii uu

 

safar laba todobaad ka baddan kusoo maray dalalka Britain iyo dalka Imaraadka carabta.
Gudoomiyaha Ururka Wadani ,  C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), isla markaana ah Gudoomiyaha Goloha Wakiiladda Somaliland oo si balaadhan loogu soo dhoweeyay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay  mawqifkiisa shirka bulshada deegaanka Sool ee Taleex, muranka ka dhashay inuu isagoo hogaaminaya  Urur Siyaasadeed xilka gudoomiye ee golaha wakiilada sii hayo iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay safarkiisa.
Gudoomiye Cirro waxa madaarka ku soo dhoweeyay gudoomiye xigeenka Wakiilada C/casiis Samaale, xildhibaanada ku biiray Ururkiisa WADANI, Siyaasiyiin, Madax dhaqmeedyo, Aqoonyahano, iyo Boqolaal qof oo ka mid ah taaageerayaasha ururka WADANI,
IMG_3455
Gudoomiye C/raxmaan Maxamed C/llaahi ayaa markii uu ka soo dagay diyaaradda, waxa uu warbaahinta kula hadlay Qolka Nasashadda ee Madaarka, waxana uu ka warbixiyay ujeedda safarka uu ku tagay Dalalka Ingiriiska iyo Imaaraadka, isagoo yidhi, “Walaalayaal, Mudaneyaal iyo Marwooyin, shacbiga Somaliland ee reer Hargeysa waxaan halkan uga soo jeedinayaa mahadnaq aad iyo aad u balaadhan oo qalbiga ka soo go’day sidii wanaagsanyd ee ay ii soo dhaweeyeen maanta haddii ay yihiin Salaadiin, cuqaal, Xildhibaano, Madaxda, masuuliyiinta iyo Taageereyaasha ururka Wadani. Waxa kale oo aan u mahad naqayaa madaxda iyo ururkii Iftin. Markaan warka soo koobo halkan waxaan ka baxay anigoo ka wakiil ah ururka Wadani si aan uga qeyb galo wanqal loo sameynay laanta UK ee ururka Wadani.”
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani waxa uu sheegay inuu dalka Ingiriiska kula kulmay masuuliyiin badan oo ka tirsan dalka Ingiriiska, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Waxaan intii aan joogay dalka Ingiriiska aan la kulmay masuuliyiin ka tirsan dawlada Ingriiska,waxaan masuuliyiintaasi uga waramay xaalada Somaliland marayso. Dimuqraadiyadda aadna way u bogaadiyaan.waxay masuuliyiintii aan la kulmay oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Ingiriiska taaageero buuxda ayay u fidiyaan Somaliland.”
Sidoo kale wuxuu sheegay inuu masuuliyiinta Britain kala hadlay sidii Baarlamaanka Somaliland uga qaybgeli lahaayeen tababarada ururka barwaaqo sooranka, isagoo yidhi,“Waxa kale oo aan kala hadlay xidhiidhka ay la leeyihiin Baarlamaanka Somaliland waxaanay noo xaqiijiyeen in Somaliland ay ka soo qeyb gasho shirarka iyo tababaradda ururka ay leeyihiin dalalka ku midoobay barwaaqo sooranka inkasta oo aynaan xubin rasmi ah ka ahayn, haddana waxay inoo xaqiijiyeen inaynu ka qeyb geli doono dhammaan kulamadoodda iyo tababarradda ay sameeyaanba,”ayuu yidhi Md. C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), wuxuuna ku faanay inay hawlihii uu halkaa u tegey guul kusoo dhamaadeen.

IMG_3516IMG_3514
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ururada cusub ee dalka laga furay ay calaamad wanaagsan u yihiin heerka dimuqraadiyadda dalka “Ururadda badan ee la furay runtii waxay yihiin calaamad wanaagsan oo dimuqraadinimo waana calaamad caafimaad qab dimuqraadiyadeed. Jaaliyadaha Somaliland ee aan kula kulmay Ingiriiska iyo Imaaraadka carabtuba waxay soo jeediyeen in xoogeena iyo midnimada ummadda Somaliland la isu geeyo oo laga bilaabo inay ururaddu isu tagaan si aynu u helno xisbiyo qaran oo saldhigoodu balaadhan yahay Urur siyaasadeedka Wadani wuxuu u sheegayaa ummadda reer Somaliland iyo jaaliyadaha dibadaba inuu soo jeedintooda iyo talladoodaba aqbalay, diyaar u nahay inaanu ururada aanu isku mabaadi’da dhow nahay isu nimaadno oo xoogayaga isku geyno iyo urur kasta oo diyaar u ah.”
IMG_3530
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay urur ahaan aqbalayaan natiijo kasta oo ka soo baxda doorashada Goleyaasha deegaanka, waxaanu yidhi “Waxaan ku boorinayaa ummadda Somaliland inaynu dhammaan ka qeyb qaadano hanaankaas dimuqraadiyadda ah ee asxaabta badan ee aynu samaysanay inaynu ku tartan, waxaan idiin caddaynayaa in ururka wadani yahay urur nabadeed. Waxa kale oo aanu idiin cadaynaynaa inuu yahay urur ku dhaqmaya siyaasad nadiif ah oo xariir ah. Waxaanu idiin caddaynaynaa in natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaasi in ururka wadani aqbalayo. Walaalayaal waxaanu u baahan nahay taageeradiina shacbiga Somaliland dhammaanteenna waxaan rajaynayaa inaan dhammaanteen iskugu iman doono ururka Wadani.”
Dhinaca kale Gudoomaha Goloha Wakiiladda Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi, isla markaana ah gudoomiyaha Urur siyaasadeedka wadani wuxuu ka  hadlay  shirka khaatumo ee qabanqaabadiisu  ka socoto  Degmada Talleex ee gobolka Sool, isagoo sheegay inuu soo dhoweenayo in shacbigu ay wadda hadlaan, balse loo baahanayahay in laga feejignaaddo wax kasta oo  shacbiga iyo dalka wax u dhimaya, wuxuuna  tilmaamay inay ka soo hor jeeddaan cid kasta oo isku daydda inay wax u dhinto qadiyadda somaliloand,  “Somaliland waa Dal  qudha Xudduudeeduna waa mid, Somaliland shacbigeedda wixii waxa u dhimaya waanu ka soo horjeednaa” ayuu yidhi C/raxmaan Cirro
Mar la weydiiyay khilaafka ka taagan gudoomiyenimada golaha wakiilada iyo xilka kale ee Urur siyaasadeedka uu hogaamiyo, isagoo gudoomiyihii golaha ah, wuxuu ku dooday inaanay wax murani ka taagnayn arrintaa oo uu xaq u leeyahay ka qaybgalka siyaasada iyo tartaanka hogaaminta dalka.
Gudoomiyaha wadani oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada hargeysa, isla markaana ay gelbinayaan boqolaal gaadiid tiro baddan ayaa soo dhowayntiisu saxmad ka dhigtay wadooyinka cidhiidhka ah ee magaalada, iyadoo ay boqolaal taagerayssha wadani oo ku wareegayay wadooyinka waaweyn, waxayna markii ay madaarka ka yimaadeen kala kulmeen agagaarka wadada calaamadaha ee tagta madaarka canbaarayn iyo weedho ay ku dhawaaqayeen dad wadada taagnaa oo ku waajahnaa gudoomiyaha Wadani ee lasoo dhowaynayay, balse dhawaaqyadaasi ma noqon kuwo isku dhac horseeda.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *