Gaalkacayo(ANN) Dabley ku hubaysan Baastoolado ayaa maanta dhac u geystay Xawaalada Qaran Express laanteeda Magaalada Gaalkacayo.
 Kooxdan oo sida wararku sheegayaan ka koobnayd Lix Nin, ayaa maanta gudaha u galay Xarunta Xawaalada oo ay ka socoto hawlmaalmeedkii shaqo ee ay bulshada u hayeen, waxaanay shaqaalaha ku wargeliyeen inay soo wareejiyaan wixii lacaga ee ay xarunta yaalay, iyagoo halkaa ku dilay Nin ganacsade ah.

 
Intii ay ragaasi ku gudo jireen Falka ay ku dhaceen hantidii taalay xawaalada  waxay halkaas  ku dileen nin ku ganacsanayay Agagaar xawaalada isla markaana dhaawac u gaysteen ninkii Ilaalinayay Xawaaladaasi.
 
Falkani markii uu ka dhacay ka dib waxaa albaabada loo laabay xarunta Xawaalada iyadoo ay hareeraha Xawaalada ku soo ururay Dadwayne  tiro badan oo ay wajiyadooda ku muuqatay sida ay uga xun yihiin Falkan loo gaystay Xawaalada Qaran Express, taasi oo ay ku tilmaameen inay ku cusub tahay  Magaalada Gaalkacayo.
 
Maxamed Sheekh Xasan oo ka mid ahaa shaqaalaha Xawaalada la dhacay oo ka hadlaya sida ay wax u dhaceen, ayaa isagoo u waramayay Telefiishanka HCTV waxa uu yidhi “Anigoo shaqadii ku guda jirna ayaa waxaa abaaro 9;00AM ayaa ciidan nala kala wareegay, markii nalala kala wareegay Baastoolado ayaa nalagu qabtay, Dadkii waxay ku yidhaahdeen qol danbe oo xawaalada Gudaheeda ah ku xarooda Albaabkiina way soo xidheen, intayadii shaqaalaha ahayd wixii ay nagu dhufan karayeen way ku dhufteen, Khasnadihii sahlanaa ayay wixii ku jiray ay kala baxeen, markii dibeda la yimid ee aan laga dareemin arintaasi ee banaanka la yimid ayaa labadaa nin ee midna dhintay mid dhaawacmay oo qoryo haystay oo midi ahaa shaqaalaha Xawaalada lagu war helay”.
 
Maxamed Sheek Xasan oo ka hadlaya tirada raga soo galay gudaha Xawaalada ayaa waxa uu yidhi “Horta raga gudaha soo galay ee aan anigu arkayay waxay ahaayeen lix nin oo Baastooladu ku hubaysan, laakiin sidaanu warka ku helnay waxaa jiray niman badan oo banaanka joogay oo iyaga ilaalinayay, Lacagtay qaateen ilaa laba khaanadood ayay lacag ka qaateen inkasta oo aanan qiyaasi Karin ilaa Sodoneeyo ayay gaadhaysay oo gacantayda waliba lagala baxay, markaa hadii aan isku wada daro guud ahaan xawaalada waxay lagu qiyaasayaa ilaa Kontomeeyo”.

 

 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Hargeysa Office  
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *