Hargeysa(ANN)Aadan Maxamed Mire Waqaf oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenkii Xsibiga UCID ee hogaaminayay kooxdii ka baxday Xisbiga UCID. Kadib  markii ay Maxkamadda Sare u xukuntay inuu sii hayo Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe ayaa ku dhawaaqay inuu ka baxay qorshe cusub

 

oo ay kooxdii isaga iyo Gudoomiyaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Ciro   hogaaminayeen ku doonaysay inay ku furato Urur Siyaasadeed cusub.
Aadan Maxamed Mire oo ku cadeeyay go’aankiisaasi War-saxaafadeed uu Warbaahinta u qaybiyay ayaa ku Eedeeyay Kooxdiisu inay ka leexatay Majarihii Siyaasadeed ee tallo wadaaga ahayd ee ay ku wada socdeen waxaanu sheegay inay ku koobeen isla Nidaamkii ay Xisbiga UCID ku dhaliilayeen. Waxaanu war-saxaafadeedkiisu u dhignaa sidan:-
Uj: Caddayn Mawqif
Sida aynu la wada socono dhammaan xubnihii hoggaanka, fulinta iyo golaha dhexeba waxay iska casileen xubinimadoodii Xisbi-siyaasadeedka UCID iyagoo ku qancay in nidaamka, qawaaniinta iyo dimuqraadiyada xisbiga gudihiisu aanay ahayn wax suurto-gal ah ka dib markii taas ay ka hor yimaadeen koox yar oo uu hoggaaminayay guddoomiyihii aanu mudada badan soo wada shaqeyneyney, Md. Faysal Cali Waraabe.
Intaas ka dib, xubnihii tirada badnaa ee aannu markaa iska wada casilnay urur-siyaasadeedkaas ayaa wada-tashiyo, doodo iyo falanqayn ka dib goostey inay aasaasaan urur-siyaasadeed ay ku midaynayaan aragtidooda siyaasadeed isla markaana ay ugu kuur-galayaan ka midho-dhalinta ahdaaftooda siyaasiga ah ee ku wajahan horumarinta iyo taabo-galinta dalkeena JSL. Anaga ujeedadayadu markaas waxay ahayd inaanu samayno qaab-dhismeed urur-siyaasadeed kaas oo damaanad qaadaya xaqa xubnaha isla markaana ah dimoqraadiyad si afkaartiisa iyo talladiisa dadku u wada yeeshaan oo aanay cid gaar ahi tunka u ridan. Hannaankaas hawshaasi noogu socotey waxaa mar kaliya gaagixiyey oo ka leexiyey jidkii toosnaa ee la isku ogaa damac u eeg kii aanu ku kala tagnay Faysal Cali Waraabe. Koox ka mid ah intii aanu hawsha wada wadnay ayaa iyagoo aan wax cudur-daar ah u hayn isku dayeen inay afduubaan hawlihii siyaasadeed ee noo dhexeeyey iyagoo la yimid qorshe lagu doonayo in lagu aasaaso urur-siyaasadeed talladiisu ku urursan tahay shakhsi. Haddaba arrintani runtii waa mid ii cuntami wayday oo aan maan-gal ahayn isla markaana ka durugsan wixii aanu ku doodaynay oo ahaa waxaanu rabnaa Xisbi lagu dhan yahay, talladiisana loo siman yahay isla markaana ay dimoqraadiyada iyo wada tashigu ka hanoqaadeen dhexdiisa.
Ugu dambeyntii waxaan ummadda u cadaynayaa in aanan ka mid ahayn urur-siyaasadeedka ay saaxiibaday furayaan kaasoo aan u arko inaanu ka tarjumayn mabaa’diidii salka u ahayd inaanu ka baxno urur-siyaasadeedkayagii hore, oo aanu umadda u keeno mid ka duwan kii hore qaab-dhismeed ahaan iyo hoggaan ahaanba.   Shacbiga Somaliland dhammaantii waxaan leeyahay waxaad igu ogaataan inaan u taagnaado tisqaadka iyo taabo-galka dimoqraadiyada ku dhisan dhaqankeena iyo wadatashiga ee horseedaysa horumar dhaqan-dhaqaale oo lagu reeyo.Waxaan dhammaan muwaadiniinta damacsan inay isu-habeeyaan urur-siyaasadeedyo kula talinayaa inay aragtidooda balaadhiyaan isla markaana ay yagleelaan isu-tagyo siyaasadeed oo loo dhan yahay kana madaxbanaan nin jecleysi, dano gaar ah, qabiil iyo wax kasta oo aan la jaanqaadayn ahdaafta guud ee umadda JSL.
Wa bilaahi tawfiiq
Adan Maxamed Mire Waqaf

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *