AbdiDavidLondon(Araweelo News Network)Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Cabdirashid Mohamed Saciid, ayaa si toos ah ugu soo

 


 

bandhigay Raiisal Wasaaraha United Kingdom, David Cameroon, ahmiyadda dhaqaale iyo horumarineed ee ay Soomaalida u leedahay isu-gudbinta lacagaha iyo sida ay halbowle ugu tahay noloshooda.

 

Maamulaha Guud iyo Raiisal Wasaaraha Ingiriisku waxa ay ka wada qayb galeen munaasabad lagu abaalmarinayey dadka Muslinka ah ee dhalashada Ingiriiska haysta ee sumcad iyo magac weyn u soo hooyey bulshooyinka ay ka soo jeedaan, oo loo yaqaan Muslim News Awards for Excellence oo ku beegnayd sannad guuradii 25aad ee xafladda noocan ahi qabsoonto, isla markaana ay ka soo qaybgaleen ilaa 800 oo shakhsiyaad, shirkado iyo jaaliyado isugu jira oo lagu maamusay.

 

“Sharaf ayay noo ahayd aan la soo koobi karin in aanu Raiisal Wasaaraha United Kingdom, David Cameroon, ka wada sheekaysanno kaalinta dhaqaale ee isu-gudbinta lacaguhu kaga jirto Soomaalida iyo sida ay saamayn baaxad leh ugu leedahay qaybaha kala duwan ee noloshooda iyo horumarkooda, aad ayuuna Raiisal Wasaaruhu u xiisaynayey,” ayuu yidhi Mudane Cabdirashid.

 

Waxa muuqatey, ayuu ku daray Maamuluhu, inuu Raiisal Wasaaruhu aad u danaynayey arrimaha Soomaalida, uuna u rajaynayey inay nolosha horumar ka gaadhaan dhinac kasta, isla markaana loo ballamo kulamo dambe oo lagu sii lafaguro.

 

Mudane Cabdirashid, isaga oo metelaya shirkadaha Dahabshiil, waxa lagu maamuusay in ka mid noqdo shakhsiyada magaca ku leh bulshada Muslimiinta UK ee iyagu abaalmarinnada guddoonsiinayey xulkii nasiibka u helay 2014.

 

Waxa Maamulaha Guud guddoonsiiyey abaalmarinta loogu magac daray Fazlur Rahman Khan Award for Excellence, gaar ahaan dhinaca handasadda (engineering), Cilmiga iyo Tiknoolajiyadda, aqoonyahanka Dr. Farid Khan, oo lagu abaalmariyey kaalinta muuqata eeuu ka qaatay wax-ku-soo-kordhinta  Caafimaadka Aadanaha dalweynaha UK dhexdiisa iyo adduunka soo korayaba.

 

Waxa isaguna ka mid ahaa dadka xalay abaalmarinta la guddoonsiiyey MO Farah oo lagu guddoonsiiyey heerka uu ka gaadhey isboortiga abaalmarin lagu magacaabo Faaezah Hashemi Award for Excellence in Sports.

 

“Sharaf iyo maamuus aad u sarreeya ayay ii tahay,” ayuu ka yidhi Maamulaha Guud milgaha lagu casuumay “inaan qayb muuqata ka ahaanno baalmarinnada la guddoonsiinayo haldoorka Muslinka Ingiriiska ah oo lagu xusayo kaalinta uu mid waliba ka qaatay horumarinta bulshada iyo aadanaha guud ahaantiisba.”

 

Shirkadda Dahabshiil waxa laf ahaanteeda lagu abaalmariyey 2013 horumarka baaxadda leh ee ay ka samaysay dhinaca ganacsiga, halka sannadkanna lagu sharfay in Maamulaheeda Guud ka mid noqdo mudanka iyagu abaalmarinta guddoonsiinayey shakhsiyaadkii iyo hay’adihii loo soo xulay abaalmarinta.

 

Xafladda Abaalmarinta oo ka qabsoontay Grosvenor House, London, 1 April 2014, waxa ay noqonaysaa sannadkii labaad ee xidhiidh ah ee si weyn loogu karaameeyo Dahabshiil, oo caalamka looga aqoonsaday shirkad kaalin mug leh ka qaadatay ganacsiga siiba dhinaca maaliyadda iyo isu-gudbinta lacagaha, iyada in ka badan 155 dal oo adduunka ah ka hawlgasha.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *