Sheffield SomalilandSheffield(Araweelo News Network)Mudanayaasha golaha deegaanka ee magaaladda Sheffield oo ah magaalada labaad ee ugu weyn  dalka Britain ayaa maanta shaaca ka qaaday inay aqoonsadeen madax-banaanida

 

Somaliland. Kadib mooshin dood dheer ay ka yeesheen oo ku waajahnaa qadiyada Madaxbanaanida Somaliland.

Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 88 Xildhibaan, waxa ugu danbayntii golaha loo weydiiyay cod cida taageersan mooshinkaa, waxaana ogolaaday Madax-banaanida Somaliland 86 Xildhibaan, waxa diiday hal Mudane, iyadoo uu ka aamusay hal xildhibaan.

Madasha doodu ka socotay waxa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cabdillaahi (Cirro).

Boqolaal ka mid ah qurbajooga kasoo jeeda Somaliland ee degan magaalada Sheffield oo aan ka fogayn dhismaha  golaha deegaanka Sheffield ee doodu ka socotay iyo kumanaan kale oo ku dhaqan dalka Britain ayaa farxad kusoo dhoweeyay tallaabada geesinimada ah ee ay qaadeen golaha deegaanka, taas oo la filayo inay soo dhowayso rajadii iyo yididiiladii shacbiga Somaliland mudada dheer sugayeen.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *