breaking News arraweelo,comNairobi(Araweelo News Network)Qaraxyo ka dhacay maanta wado muhiim ah oo ku taal magaalada Caasimada ee Dalka Kenya

 

 

ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Warkan qaar ayaa sheegaya in qaraxyadaa oo la dhigay wado mihiim ah oo ku taak xaafadda Soomaalidu u badantahay ee Isli, waxaana ku dhintay ugu yaraan Lixqof, iyadoo tiro intaa ka badan oo lagu qiyaasay labaatan ku dhaawacmeen.

Qaraxyada ayaa dhacay maalin ka dib markii magaalada xeebta ah ee Banbasa lagu toogtay Sheekh Abubakar Sharif Ahmed oo lku magacdheeraa  Makaburi, kaas oo  lagu toogtay magaalada Mombasa isagoo ka soo baxay goob maxkamad ah oo dacwad ugu socotay.

Wadaadkaa oo ka mid ahaa culimada ugu caansan dalka Kenya  waxa uu ahaa nin aan la gaban fikirkiisa iyo mabaadida uu aamisan yahay, balse Kenya  ayaa hore ugu eedeysay in uu ahaa nin xagjir ah oo taageersan Al-Shabaab.

Dilka wadaadka ayaa abuuray xiisad laga cabsi qabo in ay ka dhashaan rabshado.

Dhinaca kale Booliska dalka Kenya ayaa boolaal Soomaali ah u taxaabay xabsiyada, kuwaas oo lala xidhiidhiyay qaraxyada ka dhacay Nairobi, wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 600 loo xidhay falalkaa, kuwaas oo Booliska Kenya guryohooda iyo suuqa ka urursadeen.

Dadka Soomalida ah ayaa ku doodaya in Booliska Kenya caadaysteen in ay dadka iska xidhaan gaar ahaan Soomaalida narka ay bixinwaayaan laaluushka oo si weyn caan ay ugu noqdeen Booliska Kenyaanka.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *