Taleex(ANN) Shirkii ka socday Degmada Taleex ee gobolka Sool oo shalay la sheegay inay isku raaceen ergooyinka ka qaybgalay inay ku dhawaaqaan maamul goboleed ayaa gebi ahaanba burburay, iyadoo aanay jirin marka horeba wax ajande ah oo laga duulayay, waxaana gebi

ahaanba is bedelay maanta jawiga magaalada Taleex oo ilaa shalay xaaladeedu kacsanayd.
Kooxo dhalinayaro iyo haween ah oo sitay calanka Somalia ayaa maanta lagu furay tacshiirado rasaas ah, kadib markii ay dadkaasi isku dayeen inay weeraraan guri ay deganyihiin garaadada shirka diidani, waxaana halkaa ku dhintay hal qof, iyadoo sideed kalena ku dhaawacmeen. Sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen dad ku sugan magaalada taleex dadka la rasaaseeyay ayaa  muujinayay taageero ay u hayaan dhawaaqa kooxda G6 ee hogaaminaysay shirkaa oo si lama filaana shalay ugu dhawaaqay maamul goboleed, taas oo ay ku kala qaybsameen bulshada Taleex, iyadoo ay sideeda garaad ee deegaanada Sool iyo Buuhoodle laba ka mid ah keliya u ogolaadeen shalay inay ku biiraan shirgudoonka kooxda G6 ee hogaaminaysay shirkaa oo ah aqoonyahno kasoo jeeda deegaanka. Khilaafka iyo kala qaybsanaanta lagu kala aragti duwanaa  marka horeba shirkaa ayaa keentay inay xaaladu sii murugto wixii ka danbeeyay dhawaaqa kooxdaa ee shalay.
Dada goob joog ah ayaa shebekada Araweelonews u sheegay inaan gebi ahaanba maanta shirkii ka sii socon halkii oo ay hdheeyeen duruufo diyaasadeed iyo mawaaqif marka horeba lagu kala duwanaa, taas oo sababtay inay ergooyinka shirkaa ka qaybaglay qaarkood ka bexeen magaalada. 
Sidoo kale Garaadada deegaanka oo qaarkood loo diiday inay maalintii doraad ka baxaan magaalada markii loo diiday inay ka qaybgalaan shirkaa ee ay kooxda qurbajoogu la wareegtay ayaa  la filayaa inay soo saaraan bayaan cad oo ay ku sheegayaan inaanay aqbali karin dhawaaqa kooxda G6, iyagoo ku tilmaamay mid afduub ku samaysay kooxdu ajandihii shirkaa, isla markaana ka leexisay ujeedadii loo qabtay.
Cali Baashe oo ah siyaasi kasoo jeeda deegaankaa oo ku sugan Taleex, isla markaana ka mid ah ergooyinka ka qaybgalay shirkaa ayaa Idaacada VOA laanteeda afsoomaaliga u sheegay galabta inaan Garaadada deegaanka, aqoonyahanka deegaanka iyo bulshadu raali ka ahayn afduubka ay sameeyeen kooxda uu sheegay inay shirka majara habaabisay, kuwaas oo sida uu sheegay ku dhawaaqay wax aan loo baahnayn oo aan soconayn.
Sidoo kale Cali Baashe oo xiligii sagaashanaadkii xukuumaddii Somaliland ee  marxuum Cigaal kasoo noqday wasiir, balse ka mid noqday dawladda Somalia, isagoo markii ugu danbaysay ee ahaa xildhibaan ka mid dawladda federaalka Somalia, awaxa  kale oo uu ka hadlay rabshadaha maanta sababay dhaawaca iyo dhimashada hal qof iyo dhaawac soo gaadhay sideed qof. Kadib markii sida uu sheegay tacshiirad rasaas ah oo nin furay ay sababtay khasaarahaa.
Garaadada sida adag uga soo horjeeda maamul goboleedka ayaa la sheegaya inay yihiin kuwa gacan saar la leh maamul goboledka Puntland.  Waxaana hogaaminaya garaadka ugu weyn waqtigan garaadada deegaankaa Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Iyo Garaad Abshir Saalax oo kulamo maalintii afraad uga socdaan magaalada Taleex, balse garaadada  kale ee iyagana aan loo ogolaan shirkaa ayaa hada la saftay garaad Saleebaan, kuwaas u arka maamul goboleedkan lagu dhawaqaya inuu xasilooni daro u keeni karo deegaanka.  Sida ay u sheegeen Araweelonews  dad goob joog ah oo ku sugan Taleex Lix garaad ayaa hada si weyn uga horyimi shirkaa iyo dhawaaqa laga soo saaray shalay, kuwaas oo ka mid ah sideeda madaxdhaqameed ee ugu cimaamadaha waaweyn deegaanka, iyadoo labada Gaaraad ee kala ah Garaad Jaamac Garaad  Cali iyo Garaad  Jaamac Garaad  Ismaaciil keliya ay kooxdaa ku weheliyaan shirkaa.
Dhanka kale hogaanka garabkii ka hadhay kooxda SSC Saleebaan Xagla Toosiye iyo nin kale oo lagu magcaabo Cali Sabarey ayaa shalay ka baxay shirkaa, isla markaana ku dhowaqay inay kasoo horjeedan go’aan kasta oo shirkaa lagu qaato, waxayna  malayshiyada Xagalatoosiye rasaas fariin ah cirka u ridayeen  manta ilaa shalay iyadoo ay ku hanjabeen inay awood kula wareegi doonaan madasha shirka hadaan wax laga bedelin qaabka ay ku tilmaameen afduubka ee shirku u socday.  iyadoo Odayaasha deegaanka Xuddun oo duleedka Taleex ah ay iyagu hore u sheegeen inaanu khusayn go,aankasta oo kasoo baxa shirkaa, isla markaana aanu ka turjumayn rabitaanka bulshada deegaanka, iyagoo dhinaca kalena xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay talaabo ka qaado.

Mushkiladaha hadheeyay ayaa laga cabsi qabaa inay dabka kusii huriso ismaandhaaf khasaare dhimasho iyo dhaawac keenay oo ka dhacay deegaanka ka hor intii aanu shirku ka bilaabin, kadib markii jidgooyo lagu dilay nin ganacsade ah oo ay walaalo yihiin madaxweyne xigeenka Puntland.  iyadoo aan waxba laga qaban, isla markaana laba malayshiyo oo hubaysan ayaa kala jooga bariga iyo galbeedka duleedada Taleex, kuwaas oo laga cabsi qabo inuu isku dhac ka yimaado.
Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaaqa  kasoo yeedhay kooxdaa shlay jawaab hordhac ah ka bixisay, iyadoo  ku tilmaamay hadal aan afka dhaafayn oo aan ficil loo rogi Karin, waxaanay sheegtay inaanay masiirka shacbiga ummadda go’aamin doonin ashkhaas ka timid dibadaha oo carari doona, isla markaana xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in  shacbiga Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari ay ka mid yihiin Somaliland.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *