Hargeysa(ANN)Khatarta xanuunka dilaaga ah e HIV/AIDS ayaa kor u kacay Somaliland sanadii u danbeeyay, isagoo ku socda xawaare hoose, Guddoomiyaha Komishanka la Dagaalanka AIDS-ka ee Qaranka Somaliland Maxamed Daahir Khayre, ayaa shaaca ka qaaday tirada dadka

 

uu hayo xannuunka halista ah ee HIV/AIDS-ka iyo weliba xaaladda uu dalka ka marayo.
Guddoomiyaha oo shalay warbixin u jeediyey Gudida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada xog-warran la yeeshay, waxa uu sharraxaad ka bixiyey xaaladda xannuunkani dalka ka marayo, isagoo sheegay in muddadii u dhaxaysay sannadihii 2004 ilaa 2010 laga baadhay dad tiradoodu gaadhayso 11,729 (Kow iyo tobban kun, toddoba boqol iyo laba iyo labaatan) qof, kuwaasoo cudurkan laga helay 2,174 (laba kun, boqol iyo toddobaatan iyo afar) qof, halka sannadkii 2011 laga baadhay dad tiradoodu tahay 6,290 (lix kun, laba boqol iyo sagaashan) ruux, isla markaana xannuunka HIV/AIDS laga helay 4,93 oo qof.
Mr. Maxamed Daahir Khayre waxa uu tilmaan ka bixiyey noocyada dadka inta badan laga helay xannuunkan, waxaannu yidhi, “Dhaqdhaaqa xuduuda dalka ee gobolada Somaliland ayaa laga baadhay cudurkan, waxaanay dadkani iskugu jireen dad ganacsato ah, dadka maqaaxiyaha shaaha iyo cuntada lagu iibiyo, dadka qaadka keena, dadka bakhaarada ku leh magaalooyinka xuduuda ah, dadka Dekedda ka shaqeeya, dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo wadayaasha gaadiidka waaweyn ee xuduudaha iskaga tallaaba.”
“Dadkii la baadhay waxay shaqooynkoodu kala ahaayeen Dirawaliinta xuduudaha iskaga talaaba 37% ayaa laga helay cudurkan, dadka qaadka ka ganacsadda 21% ayaa qaba, dadka makhaayadaha ka shaqeeya 15% ayaa qaba HIV/AIDS, dadka guri joog ah 14%, Hablaha markii hore Djibouti ka shaqayn jiray 6%, Tukaamadda ganacsiga ee yaryar ee ku yaala meelaha xuduudaha ah 1.8%,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka AIDS-ka Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa sheegay in dadkii laga helay cudurkan HIV/IADS muddadii u dhexeysa 2004-2010 ay 1,199 ka mid ahi ahaayeen dumar, halka 975 kalena rag yihiin, tirada isku darkooduna tahay 2,174 qof. Sidoo kalena waxa uu soo bandhigay daraasado uu Komishanka AIDS-ku sameeyay sannadihii 1999 kii, 2004tii, 2007dii iyo 2009kii, kuwaas oo celcelis ahaan cudurkani marayay 0.9% ilaa 1.4% boqolkiiba, isagoo sheegay in goobaha daraasadan laga soo ururiyay ay kala yihiin Hargaysa, Berbera, Boorama iyo Laascaanood.
Mr. Maxamed Daahir mar uu ka hadlayey qorshayaasha ay ugu tallogaleen in lagula dagaallamo cudurkan in ay ka mid yihiin inay siyaasad cad oo heer qaran ah ka leeyihiin cidhibtirka aafada Aidska. Waxa kale oo uu xusay in ay qaar ka mid ah dalalka gobolka ka heshiiyeen sidii loola dagaalami lahaa HIV/AIDS-ka.
Guddoomiyaha Komihsanka la-dagaalanka AIDS-ku waxa uu caddeeyay in sababaha kor u qaada fiditaanka cudurkan ay ugu waaweyn yihiin galmada, qaxoontinimada, safarada Badan, duruufaha dhaqaale iyo dhiigga loo shubo dadka bukaanka ah.
Marka laga yimaado warbixinta gudoomiyaha waxa muuqata in xanuunka HIV/ADIS uu sanadii u danbeeyay si tartiib ah ugu kacayay heerka uu marayo Somaliland, taas oo lala xidhiidhiyo, iyadoo ay aad u yartahay wacyigelinta khatarta xanuunkaa iyo xuduudaha dalalka Djibouti iyo Ethiopia oo aan la baadhin dadka soo gelaya dalka ee xanbaarsan fayriska HIV. Sidoo kale waxa muuqta inaanay wax feker ah weli ka haysan inta baddan bulshada da’ayarta ah ee Somalilan khatarta xanuunkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *