http://www.somaliland.org/images/b/2012/02/jaaaliyada.jpgLondon(ANN)Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan wadanka UK, ayaa go’aamiyay in banaan bax weyn ay ka dhigaan xafiiska raysal wasaaraha Ingiriiska David Camaron hortiisa maalinta 22-ka bishan si loogu baaqo inay aqoonsadaan madax banaanida qaranimada

Somaliland.
Banaan baxani ayaa qabsoomaya maalin ka hor xiliga uu magaalada London ka furmayo shir weynaha Ingiriisku u qabanayo xal u helida mashaakilaadka Soomaaliya iyo xaalada guud ee mandaqada geeska Afrika.
Sidaana waxa lagu shaaciyay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Jaaliyada Somaliland ee Ingiriiska waxaanu u dhignaa sidan;- “Dadka reer Somaliland sida aynu la wada socono waxay meel kasta oo ay joogaan dareen siman ka muujiyeen shirka arrimaha Soomaaliya ee London, taasi oo horseeday in masuuliyiinta ururada Jaalliyada UK iyo Guddidii 18-ka May (Somaliland Working Group), iyo xubno firfircoon Jaalliyada ka tirsani shir ballaadhan ku yeeshaan xarunta urur-jaaliyadeedka West London Somaliland Community ee ku taala xaafada Hayes.
Kullankaasi oo uu kala soo qayb galay jaalliyada Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, waxa dood dheer ka dib lagu go’aamiyay in dalkan boqortooyada Ingiriiska laga qaban qaabiyo isu-soo-bax ballaadhan oo lagu taageerayo qaddiyada madax-banaanida Somaliland maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 22 Febr,2012, 11am-5pm, kaasi oo ujeedadiisu tahay sidan hoos ku xusan;
• Isu-soo-bax balaadhan waa mid beesha caalamka lagu weydiisanayo in ay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland, isla markaana ixtiraamaan rabitaanka shacbiga Somaliland sida uu dhigayo qoddobka caalamiga ah ee aayo-ka-tashiga ay ummaduhu xaqa u leeyihiin (self determination).
• Muujinta Madax-banaanida Somaliland iyo Qaranka Somaliland waxyaabihii u qabsoomay muddadaa 21-ka sanno ah ee Jamhuuriyadda Somaliland jirtay.
Haddaba guddida qaban qaabadu waxay dhamaanba shacbiweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK iyo qaarada Yurub-ba ugu baaqaysaa in aanay u kala hadhin isu-soo-baxan lagu muujinayo qaranimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Ugu danbeyntii waxaanu idin leenahay “Kaalay oo nagala soo qaybgala isu-soo-baxan ballaadhan ee lagu Muujinayo Midnimada iyo Madax-banaanida Somailand oo u hiili dalkaaga Hooyo.
Maalinta (Arbaca) : 23.02.2012
Goobta : Richmond Terrace; opposite 10 Downing Street (ka soo horjeedka xafiiska Raysal wasaraha ) London (SW1)
Wakhtiga: 11:00 am –17:00pm Gaadiidka: Charing Cross tube Station iyo Westminster Tube Station.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *