Buuhoodle(ANN) Dagaal ayaa saaka subaxnimadii hore dib uga bilaabmay deegaanka Maygaagle ee Duleedka Buuhoodle. Kadib markii Malayshiyada huwanta ee ku dhuumaalaysata deegaankaa isku dayeen inay soo weeraraan ciidamada Qaranka Somaliland ee ku

 

sugan halkaa.
Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hada sheegaya khasaaraha dagaalka, balse dad ku sugan deegaanada u dhow halkaa ayaa u sheegay shebekada wararka Araweelonews inuu dagaal saaka dib uga bilaamay halkaa, iyadoo meelaha deegaanka u dhow laga maqlayo gariirka madaafiicda iyo hubka darandooriga u dhaca.  Malayshiyada huwanta ee nabaddiidka ayaa maalmahan isku urursanayay halkaa, iyadoo ay jireen warar sheegaya inay deegaankaa dhowaan yimaadeen kooxo la rumaysanyahay  inay ka mid ahaayeen Ururka Al-shabaab ee ka dagaalama Koonfurta Somalia, kuwaas oo laga soo caydhiyay deegaamada Koonfurta gaar ahaan deegaanka Gedo iyo Jubooyinka qaybo ka mid ah.
Wixii warar ee kasoo kordha dagaalkaa iyo khasaarahu inta uu leegayahay oo faahfaahsan kala soco Araweelonews.com

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *