Addis-Ababa(ANN) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  oo  socdaal hawleed  isaga iyo wefdi uu hoogaaminayaa maalintii labaad ku joogaan Addis-ababa, ayaa maanta kulan balaadhan  oo garnaqsi ah kula yeeshay Addis –Ababa xafiiska Raysal Wasaaraha

 

dalka Ethiopia  Males Zanawi.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Raysal wasaare Males Zanawi waxay ka wada hadleen qodobo dhawr ah oo kor loogu qaadayo iskaashiga labada dal, sidaana waxa  lagu sheegay war-saxaafadeed caawa ka soo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kaas  oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminaayo ee ku sugan Dalka Ethiopia ayaa maanta (07/02/2012,) waxa ay kulan la yeesheen Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia Mudane, Meles Zenawi, kulankan oo ka dhacay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia ee Magaalada Addis- ababa.
Kulankan oo lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo la xidhiidha sidii laysaga kaashan lahaa, sii xoojinta xidhiidhka Nabad-gelyada, Ganacsiga, waxbarashada labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.
Waxa kale oo ay kawada hadleen sidii dib u qiimayn loogu samayn lahaa xidhiidhka labada dal ee xaga nabad-gelyada iyo ilaalinta xasiloonida iyadoo fiiro gaar ah la siinayo arrimaha la xidhiidha Amni-darrada ka taagan meelo ka mid ah mandaqada.
Waxa kale oo ay labada Dawladood isla meel dhigeen inay si isku mid ah uga soo horjeestaan iskana kaashadaan wixii wiiqaya ee waxyeelo u keeni kara xasiloonida iyo amniga labada dal iyo labada shacbi ee derisnimada iyo walaal-tinimada dheeri ka dhaxayso.
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaruhu waxay ku nuux-nuuxsadeen in ay ku fara adaygi-doonaan kuna faraxsan-yihiin heerka iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal ka dhaxaysa, iyadoo laga duulayo heshiisyadii ay hore u wada saxeexeen.
Weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku wehelina Safarka: Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur), Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Cali Axmed Cali, Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Addis Ababa, Mudane Aadan nuux Dhuule, Ku-xigeenka Danjiraha Jamhuuriyadda Somalilanad ee Addis Ababa, Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somlailand.
Dhinaca kale inkasta oo aan si cad loogu xusin  sheegin, balse lagu xusay kulankaa in lagaga wada hadlay arrimaha nabadgelyada mandaqada. Hadana xoggo dublamaasiyaadeed oo shebekada Araweelonews ka heshay kulankaa ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland iyo   Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia kulankoodu ahaa mid arrimo xaasaasi ah lagu soo qaaday, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo kala hadlay Males doorka ay maamulka kililka shanaad ku lahaayeen kooxdii shirka fashilmay ee Taleex oo uu hogaaminayay Cali Khaliif Galaydh. Sidoo kale waxay xogahaasi sheegayaan in Madaxweyne Siilaanyo kusoo qaatay hadalkiisa, sababta ay dawladda Federaalku u fulin weyday balanqaad ay hore ugu samaysay ilaa 50 qof oo kasoo jeeda Somalida Kililka shanaad ee bulshada deegaanka baligubadle oo maamulka kililka shanaad xidhxidhay. Kadib markii ay rabshado gacan ka hadal ah dhexmareen deegaanka Qabribayax, kuwaas oo Maxkamadda Jig-jiga xukuno ciqaab ah ku riday, balse ay dawladda Ethiopia hore ugu balanqaaday dhowaan markii Madaxweyne Siilaanyo safarkiisii dalka Britain dhamaadkii sanadkan kusii maray Addis-ababa oo kulan ay Males Zanawi yeesheen waqtigaa uu balanqaaday inuu wax ka qabanayo. Laakiin aan waxba ka qabsoomin balanqaadkii ahaa in lasiideynayo dadkaa xoolo dhaqatada ah ee kasoo jeeda deegaanka Baligubadle.
Si kastaba ha ahaatee xoggaha dheeraadka ah ee kulankaa  iyo waxyaabaha lagaga hadlay tibaaxaya ayaa sheegaya inay masuuliyiinta labada dhinac oo arrimahaa iyo kuwo kale oo mandaqada ah ka wada hadlay ay isla meel dhigeen sidii wax baddan laysaga kaashan lahaa, isla markaana loo sixi lahaa wixii khaldan, iyadoo Madaxweyne Siilaanyo qaab garnaqsi ah ula hadlay Raysal wasaare Males  Zanawi oo dhiniciisa garwaaqsaday wax baddan oo Somaliland ugu mana sheegatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *