London(ANN) Qurbajooga Sanaag oo taageero ka helaya qurbajooga Togdheer ayaa markii u horaysay soo agaasimay kulan si weyn loo abaabulay oo lagu soo bandhigay baahida loo qabo dhismaha Jidka rafaadka baddan ee isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceergaabo.Kulankaa

oo ka dhacay magaalada London ee cariga Ingiriiska, isla markaana ay ka qaybgaleen  xubno ka socday dhamaan bulshada deegaamada  gobolka Sanaag, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dhisi lahaa guddi hormuud ka noqota dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo ah dhibaato dhaqaalle ahaan iyo siyaasad ahaan uga  go’doomisay gobolkaa dalka intiisa kale.

Kulankan oo uu bud-dhigiisa lahaa Anwar Aadan Maxamed oo horey uga mid ahaa guddidii dhismaha waddadaasi , kuwaasi oo ay kala mid ahaayeen Jeneral Cabdi Saxardiid “Cabdi Dhibow”, Sheekh Xassan Cabdi Salaan iyo xubno kale, ayaa ugu horeyn hadal uu halkaasi ka soo jeediyay kaga waramay muhiimada ay waddadaasi u leedahay guud ahaan horumarka dalka Somaliland,gaar ahaan gobolka Sanaag oo wakhtigan uu sheegay inuu ku jiro go’doon.
Mr. Anwar waxa uu intaa ku daray in uu si aad ah ugu rajo weyn yahay in haddii ay reer Sanaag isku duubnaadaan in ay ku guuleysan doonaan dhismaha waddadaasi, isagoo tusaale u soo qaatay in guddidoodii hore waayo aragnimadii ay kala kulmeen hadda laga faa’iideyn karayo, maadaama Madaxweynaha wakhtigan Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo,”uu si weyn u danaynayo, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi,  “aad baan ugu rajo weynahay in waddadaasi wax laga qaban karo wakhtigan, marka loo eego waayo-aragnimaddii hore, maadaama sida uu Mustafe Shiine inoo sheegay uu madaxweyne Siilaanyo u arko ajande muhiim ah oo qorshayaashiisa halka ugu sareysa kaga jira.”
Dhinaca kale waxa isaguna halkaa ka hadlay Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” oo ka waramay dhibaatada reer Sanaag ay kala kulmaan marida waddadaasi oo uu sheegay in qofka mar maraa aanu mar labaad ku dhiiranayn inuu dib ugu noqdo, isagoo intaasi ku daray in sidoo kale ay waddo la’aantani kala fadhido gobolka Sanaag inuu iibgeeyo wax soo saarkiisa oo uu sheegay in Baradhada,Kaabashka iyo basashada cad ee ku qaayista gobolka dalka intiisa kale looga keeno Itoobiya, taasina ay sababteeda tahay wado xumadu.
Shiine waxa uu sheegay in laba jeer oo ay la kulmeen Madaxweyne Siilaanyo, Guddi sidan oo kale isugu dhan oo weliba ahayd, kuwii xisbiga KULMIYE uga soo ololeeyay gobolka sanaag,isla markaasina uu Madaxweynuhu u sheegay in waddadaasi ay ku hayso xanuun badan oo weliba uu u arkayo in taariikhda waxa ka hadhay Somaliland in ay tahay oo beri lagu xasuusan doono, haddii ILLAAH la qabto, taasina ay markhaati ka tahay sida uu madaxweynuhu ugu heelan yahay wax ka qabadka arrintaasi.
Waxa iyaguna kulankaa  ka hadlay Mustafe Cali Madoobe, Cabdi Axmed Kutiye,Mukhtaar Cali Madoobe,Cabdirisaaq Maxamed Jaamac “Xiis Laqe”,Cabdi Qawdhan, Maxamed Cali Xassan iyo xubno kale oo uu ku jiro Ibraahin Armaani oom isagu ka soo jeeda gobolka Togdheer ,Balse muujiyay sida uu u taageersan yahay dhismaha waddadan oo uu sheegay in bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ay ka qayb qaadan doonaan dhismaheeda maadaama ay muhiim u tahay wax yaabo badan oo dalkeena barwaaqo u horseedi kara oo ay ka mid tahay dalxiiska oo kale.
Ugu danbeyn dood dheer ka dib waxa la isla qaatay in Afar xubnood oo uu hogaaminayo Anwar Aadan Maxamed loo saaro dhismaha guddida horkici doonta dhaqaale ururinta iyo saldhigida barnaamijka lagu dhaqaajin doono dhismaha waddadaasi, iyadoo shirka sidoo kale layskula qaatay in dumarku guddida la soo dhisi doono ay ku yeeshaan kaalin firfircoon, iyadoo la filayo in guddidani la soo dhamays tiro sida ugu dhaqsaha badan.
Dhismaha wadadaa oo dhibaato weyn ku haysa Bulshada gobolka Sanaag, isla markaana ka go’doomisay dalka intiisa kale ayaa dhawr goor ooh ore lasoo hadalqaaday  sidii wax looga qaban lahaa, balse marna laguma guulaysan qorshayaashaa oo dhamaantood noqday kuwa sida xoorka gudha.
Hase yeeshee bilihii lasoo dhaafhay ayay koox Haween ah oo ka tirsan Bulshada gobolka Sanaag iskood isugu abaabuleen sidii dhaqaalle loogu ururin lahaa wadadaa ee wax looga qaban lahaa, taas oo kusoo beegantay dhowaan safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku tegey gobolkaa oo uu sheegay inay xukuumaddiisu diyaar u tahay inay wixii ay ka qabankarto ka qabato, isla markaana dhaqaallaha qaybteeda ay bixinayso. Laakiin  kulanka qorshahan hada kooxda qurbaha ee London oo iskaashi iyo wada shaqayn la sameeya Haweenka iskood isu abaabulay waxa uu muujinayaa rajo iyo yidiilo ay ku farxaan Bulshada gobolka Sanaag ee mushkilada ugu weyn ee gobolkaa ka jirtaa noqotay wadada rafaadka iyo dhibaatada baddan ee saamaynta ku yeelatay nolosha Bulshada iyo gebi ahaanba adeegayada aasaasiga ah ee dhinaca horumarka dhaqaallaha, caafimaadka, wax soosaarka  iyo waxbarshada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *