Nairobi(ANN)Madaxda Dalalka Kenya , Uganda iyo Somalia ayaa kulan degdeg ah ku yeeshay maanta Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.  Madxweynaha Dowladda Somalia ee  taagta daran Sheikh Shariff Sheikh Axmed ayaa lagu casuumay kullankaa, iyadoo ay dhinaca kalena

kasoo qaybgaleen  Madaxweynaha Uganda Yuweri Muzaveni iyo Madaxweynaha  Kenya Moi Kibaki .
Kulanka saddexda Madaxweyne oo ka dhacay  aqalka Madaxtooyada ayaa ahaa  mid ay albaabada u xidhan  yihiin,  balse lagu sheegay ujeedadiisa in lagaga hadlo xaaladda howlgallada ciidamada Kenya ee koonfurta Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
War-murtiyeed laga soo saaray gaba-gabadii kulankaa ayaa lagu sheegay in madaxdu ay ku heshiiyeen inay taageersan yihiin heshiiyadii hore ay u gaadheen Somalia iyo Kenya ee ku waajahnaa  dagaalka wadajirka ah ee labada dal ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.
Ciidamada Kenya ayaa  galay  Somalia bishii hore ee Oct, 2011 , kadib markii ay  ku eedeysay Al -Shabaab inay ka dambeysay afduubyo dhowr ah oo ka dhacay dalkeeda gudihiisa, balse duqaymo markaa ka dib diyaaradaha Kenya ka fuliyeen gobolada jubooyinka waxay geysteen khasaare, iyadoo goobaha ay duqeeyeen ay ku jireen xeryo qoxooti oo barakacayaal  Soomaali ah oo ka qaxay macaluusha iyo colaadaha ka jira halkaa ka carary ku jireen.
Waxayna wixii mudadaa ka danbeeyay dawladda  Kenya dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay taageero ugu heli lahayd hawgalkaa oo u muuqda mid ay durba kala kulantay fashil, isla markaana ay soo baxeen jawaabo dhinaca Al-shabaab uga yimi dalka Kenya oo lagula beegsaday gudaha dalka Kenya, gaar ahaan caasimada Nairobi qaraxyo ay hore ugu balanqaadeen Al-shabaab. Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Somalia  Sheikh Shariff Sheikh Axmed ayaa hore u sheegay in ciidamada Kenya aanay ogolaasho ka haysan maamulkiisa iyo weliba beesha caalamka, sidaa darteedna aanay sharci ku joojin Soomaaliya. Laakiin raysal wasaarihiisa ayaa mawqif ka duwan kaa sheegay, isagoo taageeray hawlgalka ciidamada Kenya ee Somalia. balse Shiikh Shariif oo booqashadiisa Nairobi tahay tii ugu horaysay ee uu ku tago halkaa intii ay ciidamada Kenya soo galeen Somalia ayaa hada kasoo  jeestay dhinaca kale oo ay  khasab ku noqotay inuu taageero hawlgalkaa Milateri. 
Kenya waxay taageero ka raadinaysa Maraykanka, Israel, Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD. Waa markii ugu horaysay oo Madaxweynaha Soomaaliya booqdo Kenya tan iyo intii uu bilawday howgalka Kenya.
Dhinaca kale Raysalwasaaraha Britain David Cameron  oo ka hadlayay kulan ganacsiga ah oo ka dhacay Isniintii London, waxa uu sheegay inay fashilantay Somalia oo aanay ka jirin dawladi labaatankii sanandood ee u danbeeyay, isla markaana qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somalia iyo xaalada nabadgelyo daro ay saamayn ku yeesheen ganacsiga aduunka iyo nabadgelyada guud ee  aduunka, isla markaana lagu afduubo  Dalxiisayaasha iyo hawlwadeenada gargaarka ee u gurmanaya macaluusha haysata bulshada Soomaalida. Sidoo kale waxa uu sheegay  ujeedooyinka shirkaa iyo waxyaabaha lagaga hadlayo ay ka mid yihiin  in cadaadis la saaro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya. Wuxuuna David Cameron sheegay inay dawladaha gobolku waxba ka qaban kari waayeen mushkilada Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *