BriLondon(ANN) Dawlada Britain ayaa sheegtay inay qabanayso shir lagaga hadlayo qalalaasaha siyaasadeed ee arrimaha Somalia iyo mushkilada Budhacd-badeeda maraakiibta iyo gaadiidka kale ee Badda ka ugaadhsada gacanka Cadmeed iyo biyaha Indian Ocean oo Britain ay sheegtay inay khatar

 

weyn ku hayaan danaha dawladda Britain.
Raysalwasaaraha Britain David Cameron  oo ka hadlayay kulan ganacsiga ah oo ka dhacay Isniintii London, waxa uu sheegay inay fashilantay Somalia oo aanay ka jirin dawladi labaatankii sanandood ee u danbeeyay, isla markaana qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Somalia iyo xaalada nabadgelyo daro ay saamayn ku yeesheen ganacsiga aduunka iyo nabadgelyada guud ee  aduunka, isla markaana lagu afduubo  Dalxiisayaasha iyo hawlwadeenada gargaarka ee u gurmanaya macaluusha haysata bulshada Soomaalida. Sidoo kale waxa uu sheegay  ujeedooyinka shirkaa iyo waxyaabaha lagaga hadlayo ay ka mid yihiin  in cadaadis la saaro kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya.
Sidaa awgeed Devid Cameron  waxa uu sheegay inay Britain ka go’antahay inay qabato shir lagaga hadlayo mushiladahaa ka taagan Somalia sanadka fooda inagu soo haya ee 2012, kaas oo sida uu xusay ka dhacaya dalkiisa, balse aanu cayimin xiliga la qabanayo.
Raysalwasaaraha Britain oo ka hadlayay mushkiladaha Somalia wuxuu  tusaale u soo qaatay weerarrada ka dhanka ah dalxiisayaasha iyo shaqaalaha gargaarka iyo sidoo kale wuxuu ku tilmaamay saamaynta ay kooxaha Islaamiyiinta Soamalia ay ku hayaan  dhallinyarada Britain, kuwaas oo uu ku dooday inay ku lug leeyihiin gobolka. Mr. David isagoo ka hadlaya Budhcad badeedda, wuxuu yidhi, “Budhcadbadeeda Soomaalidu maaha  wax aan la arkayn, waa rag gacanta adeegsada sharcina aan lug ku lahayn, waxayna wataan doon yar yar, balse waxaa loo joogaa, ayuu raaciyay, xilligaa aan si toos ah u wejihi lahayn.
Ra’iisul-wasaaraha Britain ayaa bishii hore ku dhawaaqay qorshe u ogolaanaya markaakiibta ganacsiga ee wata calanka Britain ee maraya biyaha bariga Africa inay qaataan ilaallo hubeysan oo ka caabisa budhcad-badeedda, taas oo uu sheegay inay kala mid noqonayaan maraakiibta kale ee maraysa biyahaa oo sita ilaalada hubaysan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *