Hase yeeshee markii ay soo baxday natiijadii doorashada Madaxtooyadda ku dhawaaqeen Komishankii xiliggaa 2003, waxa natiijadaa ka dhashay muran cabsi weyn abuuray. Kadib markii ay isku dhowaadeen musharixiinta labada xisbi ee tartanka ugu weyni dhexmaray

oo ahaa Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin oo u sharxnaa xisbigii UDUB iyo Madaxweynaha hada Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Muj. C/raxmaan Aw Cali Faarax oo u ahaa musharaxa Madaxweynee xigeenka, waxayna Madaxweyne Siilaanyo iyo Muj. C/raxmaan Aw Cali Doorashadaa Madaxtooyada u sharaxnaayeen xisbiga Kulmiye oo ahaa mucaaradka ugu weyn ee waqtigaa.

Muran ka dhashay Natiijadaa oo lala xidhiidhiyay xubnihii komishanka ayaa hadheey mudo saaxada siyaasada Somaliland, kaas oo cabsi geliyay bulshada. Kadib markii ay mucaaradku ganafka ku dhifteen natiijadii, balse ugu danbayntii waxa aqbalay natiijadaa Mucaaradkii Kulmiye ee uu hogaamiyay Madaxweynaha xiligan Axmed Siilaanyo, taas oo meesha ka saartay cabsidii ay abuurtay natiijada muranka dhalisay.

Kumanaan dhalinyaro ah oo filayay inay mucaaradku guulaystaan, iyagoo u riyaaqayay dhawaaqyada xiligii Ololaha kaanbaynka ayaa ka niyad jabay natiijadaa, waxayna taa bedelkeeda bilaabeen inay sii wataan safaradooda ay horeba u qorshaynsteen ee dhinaca tahriibtaa.
Dhawr bilood ka dib waxa bilaabmay kooxo dhalinyaro oo kasoo kicitimay dhinaca Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kuwaas oo ay jaanta isla heleen boqolaal kale oo ka baxay dhinaca magaalada Hargeysa, isla markaana u badnaa xaafadaha Xawaadle iyo Jig-jiga yare e woqooyiga Magaalada Hargeysa iyo meelo kale.

Inta badan dhalinyaradaa oo aanay qaarkood ka warhayn socdaalkooda, waxa lagu war helay mashaqooyin dhimasho laga soo sheegay dhinaca dalka Libiya. Kadib markii dhalinyaro u badaan Burco iyo Hargeysa lasoo weriyay inay ku qaraqmeen Doonyo ay saarnaayeen badweynta u dhaxaysa dalka Libiya iyo Talyaaniga, iyagoo doonaya inay Nolol u raadsadaan dhinaca dalalka Yurub oo ay ku galaan Tahriib, taas oo noqotay murugo si weyn looga dareemay dhamaan gobolada Somaliland.
Sidoo kale kumaan dhalinyaro ayaa la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, geeri iyo nolol  kadib markii wax war ah ay ka waayeen waalidkood, kuwaas qaarkood lagu sheegay xiliggaa inay ku jiraan xabsiyo dalalka Libya iyo Soodaan, halka kuwo kalena socdaalkooda u jeheeyeen dhinaca Koonfur Afrika, kuwaas oo iyana la kulmay dhibaatooyin mudadii ay safaradaa ku jireen, balse waxa jiray tirooyin kale oo aan iyagu badnayn oo dhinaca dalalka Carabta u jiheeyay socdaalkooda Tahriibta.

Dhibaatooyinka ay la kulmeen kumanaan dhalinyaro oo tahriib kaga baxay dalka iyo wararka naxdinta iyo dhiilada xanbaarsanaa ee laga soo sheegayay may noqon kuwo hakiya kumanaan kale ……La Soco
By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *