Ethiopian Deputy Prime Minister and Foreign Minister Hailemariam Desalegn attends the Joint Political Committee meeting between Sudan and Ethiopia in Khartoum December 24, 2011. REUTERS/ Mohamed Nureldin Abdallah (SUDAN - Tags: POLITICS)Adis ababa(ANN)Shir madaxeedka midowga Afrika oo si rasmi ah maanta uga furmay magaaladda Addis-ababa caasimada dalka Ethiopia, kaas oo si rasmi ah loogu doortay hogaaminta Ururkaa Raysal wasaaraha Dalka Ethiopia Haile Mariam Desalegn inuu noqdo

 

Guddoomiyaha Ururka Midawga Afrika waxaana xilkaa isla maanta si rasmi ah ugu wareejiyay Guddoomiyihii hore Yayi Boni oo ah Madaxweynaha Dalka Biniin.

Shirka ayaa la filayaa in ajandayaashiisa ugu weyn lagu soo qaado dhibaatada ka taagan dalka Maali arrimaha dalka Somalia, iyadoo wadamada Ururka Midawga Afrika qaarkood horeba ugu yabooheen inay ciidamo u dirayaan dalka Maali si ay uga qayb qaataan dagaalka faransiisku hogaaminayo ee la doonayo in kooxaha falaagada ah lagaga xoreeyo woqooyiga dalkaa ee ay haystaan malayshiyadu.

Shir madaxeedka Afrika waxa kaloo  la filayaa in lagu gorfeeyo kharashka ku baxaya ciidamada ka hawlgelaya dalka Maali iyo sida kharashkooda loo qaysanayo sidoo kale waxa ajandaha la filayaa in lagu soo qaado sidii mowqif midaysan looga qaadan lahaa xaaladda dalka Maali.
waxa kale oo la saadaalinayaa in shirka lagaga hadlo arrimaha labada Soodaan iyo guud ahaan xaaladaha waqtigan ee Qaarada ka jira.

Kulanka Madaxweynayaasha Afrika iyo Dublamaasiyiinta kala duwan ee Dalalka Afrika waxa si qoto dheer ay madaxdu ugu xustay waxqabadkii kontonkii sano ee uu Ururka Midawga Afrika OAU/AU jiray, iyagoo si qoto dheer uga waramay Dibu-dhacyada iyo Horumarka ay Qaaradu gaadhay gaar ahaana Dhinacyada Horumarka iyo Dagaaladda.

Masauuliyiinta heer caalamiya oo munaasibadaasi lagu dooranayay hogaanka Midowga Afrika, ayaa Madaxda Qaaradda ku dhiirigaliyay inay Afrika u horseedaan Maamul wanaagsan iyo inay la yimaadaan Qorshe cad oo ay mustaqbalka ku hogaamiyaan sidoo looga saaro dadyawga Qaarada dhibaatooyinka dibu dhacyada ku keenay ee ay ka mid yihiin Abaaraha iyo Dagaaladdu, waxayna soo dhaweeyeen Afrika inay la bar bar taagan yihiin sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd,  isa lamarkaana ay u siin lahaayeen taageero dhinac kasta ah.

Munaasibada xilka loogu doortay Guddoomiyanimada Ururka Midawga Afrika Raysal wasaaraha Dalka Ethiopia waxa ka hadlay Madaxweynaha Falastine Maxamud Cabaas, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimon, Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Midawga Afrika Dr. Nkosazana Dlamini Zuma iyo madax kale oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Ghana.

Dhinaca kale waxa adis ababa sugan wefdi ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar iyo Wasiirka Duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, kuwaas oo sheegay in ay kula kulmeen halkaa qaar ka mid ah dublamaasiyiinta ka qaybgelaya shirkaa, balse shirkan Midawga Afrika ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jiraan dhaliilo lala xidhiidhnayo siyaasada arrimaha debeda Somaliland oo debecsanaan badani ku timi mudooyinkii u danbeeyay, isla markaana ay meelo badan oo Somaliland ay xafiisyo ku lahayd ay hada isa soo xidheen.
waxaana jira tibaaxo sheegaya in oloha dublamaasiyadeed ee siyaasada arrimaha debeda Somaliland aanay ka muuqan goobta shirku ka dhacayo, iyadoo shirarkan oo kale ay Somaliland ka ololayn jirtay oo laga dareemi jiray sanadihii lasoo dhaafay.

 

Sidoo kale shirkan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay ka qaybgeleen Madaxda dawlada Somalia oo wadamada reer galbeedku taageero weyn ugu muujiyeen si aanay u taageeri jirin dawladihii hore, taas oo la rumaysan yahay inay saamayn ku yeelatay dhaqdhaqaaqa dublamaasiyadeed ee Somaliland.
si kastaba  ha ahaatee waxa muuqata in aanay jirin dhaqdhaqaaq ku waajahan siyaasada arrimaha debeda Somaliland ee shirkaa, iyadoo wefdiga ka socda Somaliland ay  ku kooban naayeen  oo keliya Hotelka  weyn ee Hilton oo ay ku qabteen shir jaraa’id ka hor intaan shirku bilaabmin, iyadoo   maanta markii shirku bilaabmay wasiirka arrimaha debeda Somaliland dib ugu laabtay Hargeysa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *