Hargeysa (ANN))- Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE,  ahna mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland  Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu noqonayaan

 

murrashaxiinta xisbigooda uga qaybgeli doona doorashada soo socota e madaxtooyadda, isagoo ku dooday in ilaa hadda xisbiga iyo bulshada reer Somaliland kalsooni weyn ku qabaan hoggaaminta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka xilka haya.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay aragtidooda midawga Urur siyaasadeedkii Dr. Maxamed Cabidi Gaboose ee ku biiray WADDANI iyo arrimo kale.

Gudoomiye ku xigeenka Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, waxa uu sidaa ku sheegay  waraysi khaas ah oo uu shalay Jamhuuriya ku siiyey magaalada Hargeysa, wuxuuna  si cad u sheegay in aanu jirin qof kale oo murrashax KULMIYE u noqon kara marka laga reebo madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisa, waxa kale oo xildhibaanku tilmaamay in madaxweynaha talada hayaa uu xisbiga KULMIYE gaadhsiiyey himilooyinkiisii, siddaa darteedna uu xaq u leeyahay inuu mar kale isku sharaxo madaxweynenimo.

Waraysiga xildhibaan Weebeeyo oo dhinacyo badan lahaa, isla markaana uu kaga hadlay aragtida KULMIYE ee la xidhiidha isku biirida ururkii UMADDA iyo xisbiga WADDANI, gorgortan iyo wadahalo xisbiga talada hayaa la leeyahay ururradii siyaasadda ee ku hadhay doorashadii golayaasha degaanka iyo qodobo kala duwan, waxa isagoo faahfaahsan uu u dhacay siddan;

Jamhuuriya: Guddoomiye;
marka hore waan kaaga mahadnaqaynaa waraysiga aad naga ogolaatay, bal ugu horayn warbixin naga sii xisbiga KULMIYE iyo hawlaha ilaa hadda u socda?

Guddoomiye Waabeeye: aad baad u mahadsantihiin; xisbiga KULMIYE waxa uu hadda tallada dalka hayey muddo laba sanno iyo bilo ah, waxaana weli jira dad badan oo reer Somaliland ah oo aad ula dhacsan hoggaanka KULMIYE iyo hannaanka uu u socdo ee uu wax u wado, waxaana taas caddaynaya doorashadii golayaasha degaanka ee dhawaan dalka ka dhacday in KULMIYE ahaa xisbiga qudha ee kaalinta 1aad ka galay gobolada dalka oo dhan, waxayna taasi muujinaysaa in taageeradii xisbiga KULMIYE jirto oo uu hoggaaminta dalka ku wado hannaan aad u wanaagsan.

Jamhuuriya: Xisbiga KULMIYE kaalinta koowaad wuu ka galay doorashadii, isla markaana xildhibaannada ugu tirada badan ayuu doorashadaas ka helay, laakiin waxa muuqa in maayiradii magaalooyinka waaweyn ee dalka lagaga adkaaday KULMIYE, maxaa taas sababay?

Guddoomiye Waabeeye: way jirtaa taasi oo xisbiga KULMIYE wuxuu ku guulaystay maayirnimada magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama oo ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka,  wayna jiraan magaalooyin yaryar oo xisbigu maayarada iyo ku-xigeennadaba ka helay, dadkeenuna waxaad moodaa in aanay u bislayn dhinaca dimuqraadiyada oo waad ogtahay in xisbiga ugu xildhibaannada badan in haddana si kale looga adkaan karo oo xulafo laga samaysan karo si xisbiyada kale u doortaan maayirnimada iyo ku-xigeenkaba. Markaa maadaama KULMIYE hoggaaminayey tiro badnaanta xildhibaannada golayaasha degaanka, haddana way jiraan meelo badan oo aannu maayirnimada ku guulaysan, taasna waxa sabab u ah xildhibaannada oo ah dad la doortay oo iyagu xaq u leh in cidda ay doonaan iska dhexdoortaan, taasna u malayn maayo inay ceeb tahay oo xildhibaannada la doortay xisbiga ama ururka ay doonaan ha ka soo baxaane ayaa sidaas gartay, xisbiga KULMIYE-na wax farogelin ah kuma samayn, una malayn maayo in taasi cannaan noqon karto.

Jamhuuriya: Xeerarka dhinaca doorashooyinka ee dalku waxay sharciyeynayaan in ururradii siyaasadda ee hadhay iyo xildhibaannadoodii guulaystayba ay ku biiri karaan saddexda xisbi qaran ee soo baxay, ma jiraan ururo ama xildhibaanno aad gorgortan kula jirtaan siddii ay KULMIYE uga mid noqon lahaayeen?

Guddoomiye Waabeeye: Way jiraan arrimahaas oo dhami, dhawaana way soo shaac bixi doonaan oo ma doonayo in aan hadda ka sii hordhaco, laakiin waxaan rajaynayaa ururradii hadhay intooda ugu badani inay KULMIYE ku soo biiri doonaan, arrintaasna waxa la arki doonaa toddobaadyada soo socda, way jiraan in ururkii UMADDA iyo hoggaankiisii ku biiray WADDANI, waxaase jira in ururo kale oo badani u soo socdaan dhinaca KULMIYE, dhawaana waydun arki doontaan iyagoo cuddudoodii iyo taageerayaashoodiiba wata, KULMIYE-na wadahadalo iyo gorgortan buu ururradii hadhay kula jiraa, wax qabyo ah iyo wax la dhameeyeyna way jiraan, dhawaana waynu arki doonaa.

Jamhuuriya: xisbi ahaan siddeed u aragtaan isku biirista xisbiga WADDANI iyo ururkii UMADDA oo Dr. Gabboose oo KULMIYE in badan la soo shaqeeyey hoggaaminayo?


Guddoomiye Waabeeye:
Horta qofku run ahaantii isagaa xaq u leh meesha uu galayo iyo cidda uu ku biirayaba, sharcigaana ururradii hadhay u banneeyey meesha ay ku biirayaan, ururkii UMADDA iyo Gabboose-na iyagaa goostay inay ku biiraan WADDANI, taasna waxaaannu u aragnaa in wixii ay xaq u lahaayeen ku dhaqaaqeen, laakiin waxaan rajaynayaa dad badan oo ururkii UMADDA ka tirsan oo xildhibaanno iyo siyaasiyiinba lihi ay iyagana u qorshaysan tahay inay ku soo biiraan xisbiga KULMIYE, dadkuna iyagaa xaq u leh cidda ay ku biirayaan oo kuwa WADDANI ku biiray xaq bay leeyihiin, inta KULMIYE ku soo biiraysaana xaq bay u leeyihiin.

Jamhuuriya: Waxaa soo dhaw shirkii xisbiga KULMIYE, waxa jira warar sheegaya in madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu mar labaad xisbiga dhexdiisa iska sharaxayo, waxa kale oo jira in la leeyahay wasiiro xukuumadda ka tirsan ayaaa iyaguna leh han-siyaasadeed oo inay is sharaxaan doonaya. Bal arrimahaas ka waran?


Guddoomiye Waabeeye:
Horta shir weynaha xisbiga KULMIYE waxa uu ku beegan yahay bisha saddexaad (March) ee sannadkan 2013, shirkaasna waxa lagu doortaa golaha dhexe ee xisbiga, sannad ka dib ayuu golaha dhexe ee xisbiguna doortaa murrashaxiinta jagada madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga, markaa weli lama gaadhin bishii March, shirkaasna waxa lagu doorayaa golaha dhexe, sannadka 2014-ka ayuu golaha dhexena dooranayaa murrshaxiinta xisbiga, laakiin su’aasha muhiimka ahi waxay tahay madaxweyne taagan oo xilkii haya ma jiro qof kale oo KULMIYE ah oo murrashax noqon karayaa, xisbiguna waxa gabigiisuba doontaa ee uu u halgamayaa waa inuu dalka hoggaamiyo oo madaxweyne ka noqdo, markaa haddii xisbiga KULMIYE madaxweynihii hayo, ma jirto inta madaxweyne Siilaanyo madaxweyne yahay qof kale oo xisbiga ah oo madaxweyne doonayaa, maadaama shuruucda dalka iyo dastuurkuba madaxweynaha u fasaxayaan inuu noqdo madaxweyna mar labaad tartami kara, xisbiga KULMIYE-na wixii uu u halgamayey iyo himiladiisii wuu gaadhay, waxaana gaadhsiiyey madaxweynaha talada haya oo murrashax u ahaa, ilaa haddana hoggaamintiisii dalka iyo sidda dadku ula dhacsan yihiina way wanaagsan tahay, markaa ma jirayso duruuf odhanaysa qof kale oo KULMIYE ah ayaa madaxweyne isku sharaxaya, madaxweyne Siilaanyo ayuunbaa murrashax ahaanaya, taasina waa caddaan.

Jamhuuriya: Madaxweynaha waxa la doortay oo uu xilka haynayaa muddo shan sanno ah, muddadaas kadibna waxa mar kale xisbiyadu u tartamayaan doorashada madaxweynaha, KULMIYE ahaan ma waxaad leedihiin shanta sanno ee dambena madaxweyne Siilaanyo ayaa murrashax ah oo tartamaya, mise qorshe kale ayaad wadaan?

Guddoomiye Waabeeye: Horta dalkeenu waxa uu ku shaqeeyaa hannaanka madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeen (Presidential system), waad ogaydeen oo imika doorashadii Maraykanka waxa markii labaad ku guulaystay Obama, mana jirin madaxweyne ka socday xisigiisa dimuqraadiga oo Obama la tartamay, sababtoo ah wixii ay u halgamayeen madaxweynihii ayaa ah oo kursigii ku fadhiya, markaas Somaliland-na sidaas oo kale weeyaan oo marka shanta sanno dhammaato madaxweynaha kursiga ku fadhiya ayuun baa KULMIYE murrashax u ah, cid kale oo isla sharaxaysaana ma jirto.

Jamhuuriya: Waxa kale oo suuqa ku jira warar sheegaya in jagada madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE laga dhigayo siyaasi ka soo jeeda dhinaca degaannada bariga Somaliland, bal arrintaasna ka waran?

Guddoomiye Waabeeye: Ma jirto sabab nagu kelifaysa in murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka KULMIYE laga dhigo siyaasi gobolada bari ka soo jeeda,  madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka mar baa la wada doortay, waana labada nin ee guushii KULMIYE keenay, marka shantooda sanno dhammaatana suurtogal maaha in midna la sharaxo, midna iska tag la yidhaaho, markaa waad ogaydeen oo Joe Biden (madaxweyne-ku-xigeenka Maraykanka) ayuun baa madaxweyne-ku-xigeen u ahaa Obama (madaxweynaha Maraykanka), imikana madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ayuunbaa murrashaxiin u noqon doona KULMIYE, Insha Allaah haddii la gaadho golaha dhexe ee KULMIYE ee sannadka 2014, haddii aanay iyaguna ka tannaasulin murrashaxnimada oo aanay odhan isma sharaxayno, labadooda ayuun baa murrashaxiin noqonaya, cid kalena islama sharaxayso.

Jamhuuriya: Guddoomiye, waxa inta badan la idinku eedeeyaa in xukuumadda tallada haysaa ka xuubsiimatay xisbiga KULMIYE oo dad badan oo aan KULMIYE ahayn ay xukuumada xilal kala duwan ka hayaan, xisbigii tallada hayeyna bannaanka la dhigay, waa siddee wadashaqaynta KULMIYE iyo xukuumaddu?

Guddoomiye Waabeeye: Isweydiinta dadka waxa keenay oo sabab u ah ayaan u malaynayaa dadku waxay arki jireen madaxweyne, isla markaana ah guddoomiye xisbi, tusaale ahaan madaxweynihii hore ee Daahir Rayaale, ahaana guddoomiyihii UDUB, markaa isweydiintan waxa imika keentay madaxweynihihii iyo guddoomiyihii xisbiga oo kala gooni ah, xaqiiqaduna waxay ahayd in KULMIYE dadka tuso dariiq cusub oo hoggaamineed oo la kala saaro xukuumadda iyo xisbigii, iyadoo hadana KULMIYE yahay kii dawladdani ka dhalatay, marka wax cilad ah iyo wax dhibaato ah oo KULMIYE iyo xukuumaddiisa u dhexeeyaa ma jiraan, xisbiga iyo xukuumadu way wada shaqeeyaan, xaalad kasta oo timaadana waannu ka wada tashanaa oo xisbigu waxa uu leeyahay door muhiim ah, xukuumaduna wixii tallo ah markasta xisbiga way la garab taagan tahay. Mana jiraan wax shaki iyo khilaaf ah oo u dhexeeya xukuumadda iyo KULMIYE, laakiin hawlmaalmeedkii xukuumadda iyo hawlmaalmeedkii KULMIYE ayuun baa kala duwan.

Jamhuuriya: Waxa jira dhalliilo kala duwan oo xukuumadda loo jeediyo, waxaana lagu eedeeyaa in aan la fulin ballanqaadyaddii KULMIYE ololaha ku galay, dhibaatooyinka shaqo la’aanta iyo tahriibkuna way sii badanayaan. Dhalliilahaas siddeed xisbi ahaan u aragtaan, wax saamayn ahse ma idinku yeelanayaan doorashooyinka soo socda?

La soco caddadka dambe jawaabta su’aashaas iyo qodobo kala duwan oo la xidhiidha aragtida xisbiga KULMIYE ee siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland, dhibaatooyinka ka dhashay natiijada doorashii degaanka, xidhiidhka ka dhexeeya XAQSOOR iyo KULMIYE, saamaynta beeluhu ku leeyihiin golayaasha cusub ee degmooyinka dalka iyo arrimo kale oo xiiso badan.
xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *