Photo: On Sunday February 3, 2013 The Photos of London Community Meeting by President Prof. Hassan Sheikh Mohamud and his delegation.  Approved by the OSGIT DirectorMuqdisho(ANN)Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku laabtay maanta magaalaga Muqdisho. kadib markii ay booqashooyin kala duwan oo dhawr maalmood qaatay kusoo mareen dalalka Ethiopia, Belgium,Uk iyo Qaahira oo

ay kaga qayb galeen shirar kala duwan oo qaarkood lagaga hadlayay arrimaha Somalia.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa duhurnimadii maanta ka degey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaa kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari, saraakiil ka tirsan xukuumadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha oo saxaafadda hadal kooban siiyay ayaa tilmaamay in safarkiisu ahaa mid shaqo, isla markaana uu masuuliyiinta uu kula kulmay dalalka uu booqday, kuwaas oo sida uu sheegay uu kala hadlay xidhiidhka ay Soomaaliya la yeelanayso iyo sidii ay u taageeri lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tilmaamay in dalalkii uu tagay uu kusoo arkay waxyaabo lagu farxo oo ah sida ay Soomaaliya ugu heelan yihiin caalamku xiligan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somalia intii uu ku sugnaa shirka Ururka Islaamka ee Qaahira, wuxuu kulamo gooni gooni ah la yeeshay qaar ka mid ah madaxda wadamada Islaamka ee ka qayb galay shirkaa, kuwaas oo aan la ogayn waxyabaaha ay ka wada hadleen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in kulamdaa qaarkood ahaayeen kuwo qarsoodi ah oo ay si gaar ah u wada yeesheen Madaxweynaha Somalia ee cusub Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Iran Axmed Najaad iyo Madaxweynaha Masar Mursi, balse lama oga ujeediyiinka dhabta ah ee kulamadaa aan ujeedadoodu cadayn.

Balse xoggaha laga helay kulamadaa ayaa qaarkood sheegayaan in labada Madaxweyne ee Iran iyo Somalia si gaar ah u kulmeen, isla markaana kulankaa uu Madaxweynaha Iran ku balanqaaday inuu taageero dhaqaale iyo mid Milateriba siiyo Somalia, balse taa bedelkeeda uu ka dalbaday Madaxweynaha Iran madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in aanay dawladiisu u dhega nuglaan wuxuu ugu yeedhay sahyuuniyada reer galbeedka oo uu ku sifeeyay kuwo doonaya inay Somalia qabsadaan,

Sidoo kale kulan gaar ah oo qarsoodi ah oo ay yeeshay Madaxweynaha Iran Madaxweynaha cusub ee Masar intii uu socday shirka Ururka Islaamka, wuxuu Axmed Najaad kula taliyay inay Masar xidho marinka Kinaanka muhiimka ah ee Zuweys, taas oo uu sheegay in haddii ay Masar talaabadaa qaado ay dawladiisuna xidhayso Kinaalka mihiimka ah ee ay maraan Maraakiibta Saliida qaada ee Hormuz, kaas oo ay inta badan marto saliida dalalka Khaliijku soo saaraan ee loo dhoofiyo dunida.

Warbaahinta reer galbeedka oo soo xiganaysa qaar ka mid ah jaraa’idka kasoo baxa dalka Masar ayaa qaarkood daabacay in kulamada qarsoon ee Madaxweynayaasha Iran iyo Masar ay kaga wada hadleen arrimo badan oo la xidhiidha iskaashiga labada dal.

Hase yeeshee mukhaabaraadka dalalka reer galbeedka iyo Israil ayaa indhaha ku hayay qorshayaasha madaxda ku kulmay shirka aururka islaamka ee ka socday Qaahira, iyagoo si gaar ah indhaha ugu hayay dhaq-dhaqaaqa madaxda ka socotay dalalka Libya, Al-jeria, Somalia iyo Iran.

Majlad kasoo baxda dalka Masar oo lagu magcaabo Al-Masry Al-Youm ayaa sheegtay in la taliyaha madaxweynaha Masar ee xagga siyaasada Issam al-Haddad iyo sarkaal ka tirsan Unuga Ilalada Kacaanka Iran oo lagu magcaabo Qassem Suleimani ay yeesheen kulan qarsoodi ah oo la xidhiidha kulamada labada hogaamiye, kaas oo Iran ku balanqaaday inay dalka Masar ka taageerto sidii loo hrumarin lahaa, isla markaana loo xoojin lahaa dhinaca arrimaha amaanka iyo mukhaabaraadka, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen siyaasada gobolka iyo ta caalamka ee ku jihaysan Islaamka oo aanay indhaha ka qarsanayn.
Laakiin Dawlada Masar oo daba socotay warbixinaha laga qoray kulamadaa ayaa dafirtay in arrimahaa lagaga hadlay. Kadib markii wargeys kasoo baxa Britain oo lagu magcaabo The Times ay baahisay kulamadaa qaarkood.  

Sidoo kale kulamada ay mukhaabaraadka reer galbeedku ka cabsi qabaan natiijadooda ayaa xoggaha qaar sheegayaan inay ka mid yihiin kuwo si gaar ah ugu dhexmaray Qaahira Madaxweynaha Masar Mursi iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo kuwada abtirsada asal ahaan Islaamiyiinta la wareegay xukunka dalka Masar, kuwaas oo  si gaara uga wada hadlay Mustaqbalka xidhiidhkooda siyaasadeed iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi u dhexeeya labada dal ee xukuumaddaha cusub ee Somalia iyo Masarta cusub, balse kulamadaa oo aan la ogayn natiijadooda rasmiga ah ayaa la rumaysan yahay inay dabada ku hayaan qorshayaal siyaasadeed oo qarsoon, maadmaa Madaxweynaha Masar Mursi iyo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ku abtirsadaan kooxaha magacyada badan ee la wareegay xukunka dalka Masar, balse aan kooxda uu ka tirsan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud awood badan ku lahayn dawlada Somalia ee uu hogaamiyo, marka laga reebo isaga iyo shaqsiyaad kale oo ku jira xukuumaddiisa iyo Baarlamaanka Somalia.

Si kastaba ha ahaatee Kulamada qarsoodiga ah ee ku dhexmaray Qaahira Madaxweynayaasha Masar, Iran iyo Somalia ayaa ah kuwo ay weli daba socdaan mukhaabaraadka Reer galbeedka iyo kuwa Yuhuuda oo si weyn uga cabsi qabay ujeedooyinkooda.    

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *