“UDUB way tegeysaaye ha tahriibin walaal”, weedhan halku dhega ah waxay ka mid ahayd weedho kumanaan muwaadiniinta Somaliland ruxay quluubtooda xiligii ololaha doorashada madaxtooyada Somaliland sodon

 

bilood ka hor, ama laba sanadood iyo badh mudo haatan laga joogo.
sidoo kalena weedhaa iyo weedho kale oo badan oo kasoo burqanayay xisbiga kulmiye ee uu hogaaminayay Madaxweynaha hada talada dalka haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ahaa kuwo yididiilo iyo rajo ku abuuray boqolaal kun oo Somaliland ah, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro xiliggaa si weyn u taageersanayd in isbedel lagu sameeyo hogaanka dalka oo ay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale ee xukunka iyo awooda dalka gacanta ku haysay ee xisbigii UDUB loo bedelo.

Doodaha Mucaaradka ee ku waajahnaa xiliggaa xukuumaddii Daahir Rayaale, waxay ahaayeen kuwo maamul ahaan, siyaasad ahaan marba marka ka danbaysa muuqaalkoodu bulshadu u iftiimayay marka ay farta ku fiiqaan mucaaradka uu hogaaminayay Madaxweynaha maanta Axmed Siilaanyo oo mayalka u hayay xisbigiisa mucaaradka gaamuray noqday waqtigaa ee Kulmiye.

Marka dib loo jaleeco xiliggii nidaamka geedi socodka dumuqradiyada iyo doorashooyinka Somaliland, waxa muuqda raadadkii iyo dhabooyinkii ay usoo martay Somaliland wadadii  hanaanka geedi socodka oo dad badan iyo dunidaba ugu muuqday riyo.

Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee 2003, waxay ahayd doorashadii u horaysay ee Madaxtooyo ee ka dhacda dalka, Somaliland waxay u ahayd bulshada rajo iyo yididiilo la filayay in lagaga gudbo mushkilado dhaqaalle, kuwo siyaasadeed oo ay Somaliland la kacaa kufaysay mudadii ay ku jirtay nidaamka Beelaha, isla markaana isbedel ka dhaca dalka oo ku yimaada tartanka doorashooyinka iyo hanaanka geedi socodka bilawga ahaa uu wax weyn ka tarayo aqoonsiga qadiyada Somaliland ee dunidu ka dhega adaygtay, ama ugu yaraan qaabka beesha caalamku ula macaacisho Somaliland ay wax ka tarayaan  doorashooyinku haddii ay noqdaan kuwo u qabsooma si xor iyo xalaal ah.

Waxay ahayd tijaabo indhaha beesha caalamka soo jiidatay oo qaarkood ula muuqatay riyo iyo .. La soco

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *