Burco(ANN) Maxaabiis tirsan Maleeshiyadda Nabad diidka ah ee sheegta Khaatumo oo ay ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiida hore deegaanka Xudun ee gobolka Sool shalay ku qabteen. kadib dagaal gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen

malayshiyadu ciidanka qaranka ayaa caawa Fiidkii la keenay Xabsiga Dhexe ee magaalada Burco.

Maxaabiistaa oo triradooda lagu sheegay Lix Maxbuus, kuwaas oo lagu qabtay dagaalkaa shalay dhexmaray Ciidanka qaranka Somaliland ee jiida Xudun iyo Malayshiyada Khaatumo.

Dhinaca Kale  Ciidanka Qaranka Somaliland  ayaa ka furtay maleeshiyadaa  Laba Baabuur oo Tikniko ah iyo hal Baabuur oo xamuul ah, sidaana  waxa daboolka ka qaaday Taliyaha Ciidanka qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) oo war-bixin qoraal ah ka soo saaray xalay.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka qaranka ee Jiida Xudun ee gobolka Sool ay kooxdii dagaalka soo qaaday gacanta kaga dhigeen Lix maxbuus.

Gen. Ismaaciil Shaqalle waxa uu sheegay in dagaalkaa ciidanka qaranka ay kaga dhaawacmeen laba askari, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Maanta saacaddu markii ay ahayd 1:45 maalinimo, waxa maleeshiyaadka nabad diidka ah ee isku magacaaba Khaatumo ay weerar gar-darro ah ku soo qaadeen Ciidanka qaranka ee Jiidda Xudun, waxaanay dagaalkaasi kala kulmeen jab iyo halaag. Waxaana la eryaday masaafo dhan 40 KM,”ayuu Taliyaha Ciidanka qaranku yidhi warbixintiisa.

Sidoo kale Gen. Shaqale oo ka hadlaya dhirbaaxada ay ku dhifteen kooxdaa wuxuu yidhi,  “Ciidanka qaranku waxay ka qabsadeen maleeshiyaddaas nabad-diidka ah laba Baabuur oo nooca Tiknikadda ah, hal baabuur oo Xamuul ah. Waxaana laga qabtay Lix maxbuus. Maxbuus.” ayuu yidhi Gen. Shaqale

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *