Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbul xaamika Somaliand ee KULMIYE,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sida ay wax uga jiraan warar suuqa lasoo geliyay, isla markaana xalay laga sii daayay  xalay Telefishanka Horn Cable oo sheegay  in Madaxweyne Siilaanyo wasiirka Arrimaha gudaha u

 

magcaabayo Cali Waran Cadde oo ka mid ahaa xukuumadii Daahir Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii 26 Jun 2010.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, waxa uu qiray inay kulamo siyaasadeed yeesheen Cali waran Cadde, wuxuu ku tilmaamay kulamadaa kuwo ujeedadoodu tahay  inuu doonayo dada mudakarka ah ee dalka uu ku qanciyo barnaamijka Xisbiga KULMIYE. Sidoo waxa uu  ka hadlay xidhiidhka  ay wada yeesheen Guddoomiyaha Siyaasada UDUB Cali Maxamed Waran Cadde oo uu xusay inuu kala hadlay sidii uu ugu soo biiri lahaa Xisbigiisa Kulmiye.
Hase yeeshee Guddoomiyaha KULMIYE oo la weydiiyay waxa ka jira inuu kaanbayn ugu jiro oo uu doonayo in Wasiirka daakhiliga loo Magacaabo Cali Waran Cadde, waxa uu  yidhi,  “Magacaabidda waxa leh oo u war haya Madaxweynaha iyo xukuumadda, hawshaasina waxay u taalaa Madaxweynaha. Aniga Cali Waran Cadde saaxiib baanu nahay,waana nin aan qadariyo oo fiican haddii wararkaasi imika aad wadaan ee la leeyahay Muuse Biixi Warancadde xidhiidh bay yeesheen Waligayo waanu xidhiidhi jirnay waanan xidhiidhi doonaa. Way jirtaa inaanu mar wada sheekaysanay oo meel wada Joogsanay. Qofka xilka loo magcaabayona waxa ka horaysa inuu xisbiga soo galo maadaama uu siyaasad kale ku jiro.”

 

“Intan aan KULMIYE Guddoomiyaha ka ahaa waxaan jecelahay oo aan Had iyo jeer raadiyaa dadka aan is leeyahay waa mudakar ee siyaasiyiinta ah,  ama Aqoonyahanka ah ee dalka jooga ee Cali Waran Cadde ka mid yahay,  waxaan doonayaa inaan ku qanciyo Barnaamijka Xisbiga KULMIYE oo aan Idhaahdo waar Iyadoo maalinba nin ,meel ka qayliyaa waxba tari maysee aan meel ka wada xadhig jiidno,”ayuu yidhi Muuse Biixi.
Guddoomiyaha KULMIYE  waxa uu sheegay inaan arrintaa cidna u xil saarin ee ay tahay mid isaga u gaara, isagoo  yidhi,  “Arrintani waa xil aan anigu isa saaray oo aan doonayo inaan ku soo ururiyo Dadka inta mudakar ah waanan sii wadayaa.” Ayuu yidhi, wuxuuna xusay inuu awooda saarayo sidii uu waxgaradka bulshada ugu qancin lahaa Barnaamijka Xisbiga KULMIYE oo uu hawshaa sii wadayo.

Muuse Biixi waxa uu ku dooday inuu  Xidhiidh weyni ka dhaxeeyo Cali Waran Cadde. “Cali mudadii uu ka tirsanaa Dawladdii Rayaale sadex jeer ayuu isku dayay inuu igu qanciyo dawladii Rayaale, waa sidaas oo kale uun tan imikuna waxaanu nahay rag is yaqaana. Anigaana daba jooga isaga iyo rag badan oo kaleba,”ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo caawa u waramayay TV-ga Horn Cable oo kula kulmay maanta qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Guddoomiyaha oo la weydiiyay saamaynta Xisbigiisa ay ku yeelanayso iscasilaadii Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Gaboose waxa uu  yidhi, “Gaboose waa  Nin dhakhtar ah, siyaasi ah aqoonyahan ah oo karaamadiisa iyo qadarintiisa mudan, Xisbiga uu furto waanu soo dhawaynaynaa siyaasad taayada ka duwan inuu dalka keeno waanu soo dhawaynaynaa dalka ayay dan u tahay. Waan ku hambalyaynayaa.”

Dhinaca kale wararka qaar ayaa sheegaya inuu Gudoomiyaha Kulmiye doonayay inuu  Madaxweyne Siilaanyo ku qanciyo sidii uu xilka wasiirka Arrimaha gudaha ugu magcaabi lahaa Cali Waran Cade, balse uu ka gaws qabsaday madaxweyne Siilaanyo, isla markaana wararka sheegayay in xilkaa loo magcaabay Cali Waran Cadde ay ka yimaadeen dhaq-dhaqaaqa kaanbaynka Muuse Biixi ee uu ugu jiro in xilkaa loo magcaabo Waran Cadde.
Waran Cadde oo lagu tilmaamo dadka dawlad ku noosha ah ee jecel mar walba inay ka muuqdaan mansabka siyaasada ayaa hore u sheegay inaanu qaadanayn  haddii xil looga magcaabo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, isla markaana uu waqtigan doonayo inuu iska sharaxo xisbiga UDUB marka la gaadho doorashada. Laakiin hada waxa muuqata in hamigii Waran Cadde ee sidaa ahaa meesha kasii baxayo oo jiro hunguri ka haya wasaaradda arrimaha Gudaha, ama xil kale oo looga  magcaabo xukuumadda Siilaanyo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *