Muqdisho(Araweelo News Network)Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa maanta la wareegay magaalada Qoryooley oo shantii sano ee la soo dhaafay gacanta ugu jirtay

xarakada Shabaab.

Abaanduulaha ciidamada Soomaaliya Gen. Cabdrisaaq Khaliif ayaa warbaahinta u sheegay in hal askari uu kaga dhintay shan kalana ay kaga dhaawacmeen dagaalka, balse weriyaha Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu arkay dhaawaca illaa toban askeri oo ka tirsan AMISOM iyo ciidamada dawladda.

Dagaalka oo socday dhawr saacadood ah ayaa laysu adeegsaday diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn iyo madaafiic, iyadoo wararka qaar sheegayaan in ciidamada ugu badan ee galay Qoryoolay eek a socday AMISOM ka socdeen Ciidamada Uganda ee ku sugan Somalia, kuwaas oo sida ay wararkaasi sheegayaan khasaare weyn soo gaadhay, iyadoo dagaalku sababay in Dad badan oo rayid ah wax yeelo kasoo gaadho. Kadib markii madaafiic iyo gantaalo ay haleeleen guryohooda,  isla markaana boqolaal qoys oo ka cararay dagaalka ay u qaxeen meelo ka baxsan deegaanka.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *