Maxkamadda Hargeysa Oo Markii Labaad Dhegeysnay Dacwada Dilkii Foosha Xumaa Ee Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Iyo Dadweynaha Oo U Dhegtaagaya

Hargeysa(Araweelo News Network)Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa la filayaa in ay maalinta Salaasada ee todobaadkan dhegeysato markii labaad Kiiska Dilkii foosha xumaa ee bishii hore lagu khaarajiyay

 

Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo ahayd Haweenay Ganacsato ah, taas oo maydkeeda laga helay horaantii bishan guri ay deganaayeen qoyska loo haysto dilkaa fooshaxun oo ku yaal bariga magaalada Hargeysa.

Maydka Marxuumadda ayaa laga helay guriga qoyska loo haysto dilaa kadib markii inta six un loo dilay lagu riday god laga qoday barxada gurigaa oo ay deganaayeen qoyskaasi, waxayna sheekada dilkaasi si weyn uga yaabisay bulshada Somaliland, iyadoo aad loola yaabay qaabka dilkan oo aan noociisu hore uga dhicin Somaliland, isla markaana yahay wax ku cusub bulshada.

Muna Cabdullaahi iyo  Lix qof oo ka mid ah qoyskeeda oo uu ku jiro Ninkeeda iyo Laba qof oo aan ahayn qoyskaa ayaa todobaadkii hore la keenay Maxkamadda gobolka Hargeysa, waxaana la dhegeystay markii u horaysay kiiskaa dadka loo haysto oo intooda badan ka mid ah qoyska loo haysto dilkaa waxashnimada ah.

Dhegeysiga dacwada oo si weyn bulshada Somaliland ugu dhegtaagay ayaa la filayaa in maalinta Salaasada markii labaad la keeno, iyadoo dhegeysiga kiiskaa todobaadkii hore boqolaal qof kusoo xoomeen agagaarka Maxkamadda, kuwaas oo doonaya in ay indhaha ku hayaan sida ay maxkamaddu uga go’aan qaadato kiiskaa oo bulshada ku riday sas, isla markaana raad ku reebay maskamadda iyo dhegaha bulshada.
Inaksta oo uu bilawyahay dhegeysiga dacwadu, isla markaana aanay Maxkamaddu weli go’aan ka gaadhin dacwada kiiskaa oo ah mid xaasaasi ah, haddana waxa jira xoggo la xidhiidha kiiskaa oo sheegaya in ay jiraan dad kiiska saamayn ku leh, ama ay galeen tuhuno la xidhiidha baadhista kiiskaa oo debeda joogaa, kuwaas oo hay’addaha amaanku indhaha ka lalinayaan.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *