Hogaamiyihii Amniyaadka Al-shabaab Ee Bakool Oo La Dilay

Bakool(Araweelo News Network)Ciidamadda Dawlada Somalia ee ku sugan gobolada Baay Iyo Bakool ee Koonfurta Somalia ayaa sheegay in ay hawlgalada ay wadajirka u wadaan iyaga iyo ciidamada AMISOM ay dileen

 

Madaxii hawlagalada Amniyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa deegaanadaa.
Sidaana waxa Idaacad lagu magcaabo SKYFM oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho u sheegay Taliyaha Ciidamada dawlada ee Bakoool, wuxuuna sida lagu faafiyay Idaacaddaa Taliyihaasi sheegay in Sarkaalka Al-shabaab ee la dilay oo lagu magcaabo Cali Dhegey iyo lix ka mid ah Ilaaladiisa lagu dilay meel 25km u jirta Bakool habeen hore xilli uu sarkaalka Al-shabaab marayay goobtaa. Sidoo kale waxa uu xusay in lacag malaayiin shilling ah oo ay wateen sarkaalka la dilay iyo Ilaaladiisu ay la wareegeen ciidanku. Kadib markii habeen hore lagu khaarajiyay deegaankaa.
Al-shabaab ayaan ka hadlin dilka sarkaalkaa ee ay sheegteen ciidamada Somalia ee hawlgalada tageerada ka haysta ciidamada AMISOM ka wada deegaamaddaa iyo kuwo kale oo Koonfurta Somalia ah.
Sidoo kale ma jiraan warar madaxbanaan oo xaqiijinaya dilka sarkaalkaa iyo ilaaladiisa, balse waxa jiray hawlgalo dagaalo u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidamada Somalia ee ay taageeraan AMISOM, kuwaas oo xaalada u bedelay mid colaadeed, isla markaana sababay in deegaamo badan ay ka qaxaan dadkii deganaa.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *