Hargeysa(ANN) Qorraaga caanka ah ee Maxamed Baashe X. Xasan ayaa ka hadlay markii u horaysay hankiisa siyaasaddeed, isla markaana sharaxaad ka bixiyay marxalladdaha siyaasaddeed, kuwa dhaqaalle nabadgelyo iyo arragtidiisa isbedelka ka dhacay dalka iyo tabashooyinka ka dhashay.Mr. Baashe

 

oo ka mid ah
Aqoonyahanka qurbaha ku nool oo hada booqasho ku jooga Somaliland, wuxuu sidaa ku sheegay waraysi khaas ah oo uu siiyay shebekadda Araweelonews, waraysigaa waxa kalloo uu kaga hadlay khilaafka siyaasaddeed ee ka taagan gollaha wakiilladda Somaliland iyo siddoo kale mid ka mid ah Buuggaga  uu qoray ka ugu saamaynta badan.
Qoraagu isagoo sharaxaad ka bixinaya sida uu u arko muuqaalkii ka hor xilligii doorashadda  madaxtooyadda Somaliland 2009, oo ay dalka ugu dambaysay iyo arragtidiisa xilligan oo isbedel dalka ka dhacay iyo muuqaalka guud iyo billicda magaalladda waxa uu yidhi, “Magaalladda Hargeysi waa meeshii aan ku barbaaray, xilligii hore ee aan dhalaanka ahaa Dugsigaygii  hoose  illaa sare, muddadaasi waxay ku ekayd oo aan Hargeysa ka baxay 1983-kii. Laakiin socdaalkaygan hadda maaha markii iigu horaysay ee dhawr goor oo hore ayaan imi, waxaana iigu danbaysay 2009-kii, walaw aanan wax baddan joogin.
Haddana Hargeysa wax baddan ayaa iska beddelay, way kortay, way balaadhatay, dhismayaal dhaadheer ayaa laga sameeyay, Guryo qurux baddan ayaa laga sameeyay, haddana markaad usii kuur gasho nolloshaa casriga ah ee billaabantay waxa  kuu muuqanaya inay kalla dhantaalantahay, sababtoo ah waxaad arkaysaa waddooyinkii oo bur-bursan, xadhkihii laydhka oo dayac baddani ka muuqdo oo daadsan dariiqa guudkiisa iyo dhinacyadda, dhusmayaasha qudhoodu inkasta oo ay jiraan qaar  qurux badan oo la habeeyay, haddana waxbadan ayaa ka qabya ah,  waxaad arkaysaa guri dhsime casri ah oo aan haddana Biyo lahayn oo Booyaddi u dhaaminayso,  dabcan waxyaabahaa oo dhan  si kasta oo ay tahay inay dadka shacabku  dedaal baddan muujiyeen ayaa aniga ii soo baxay, waxa kelliya ee maqan oo aan dareemayaa waa kaallintii dawladu ay lahayd ee kaabayaashii dhaqaalle, wallow ay nadaafaddii  dawladda cusubi tidhi, “shan iyo afartankii cishoba mar ayaa magaaalladda la nadiifinayaa, haddana welli waxa muuqata inay nadaafaddii magaalladu fool xuntahay oo xashiishkii aanu lahayn meel lagu ururiyo oo suuqa lalmanayo oo daadsan yahay,  billicdii magaallada  soo saari lahayd waddooyinka ayaa ka mid ah, waad  arkaysaa.
Marka la qiimeeyo dadku waxay ku qiimeeyaan oo khallad ah, waxaynu dhaana Koonfur oo kale, waa khallad meel kaa hoosaysa oo kaa liidata layskuma qiimeeyo,  welligaa waxa laysku qiimeeyaa meel kaa saraysa,  sababtoo ah haddaad meel kaa hoosaysa isku qiimayso dib u dhac ayuun baad sii samaynay. Laakiin meel kaa saraysa haddaad isku qiimayso horaad u soconaysaa.
Runtiina anigu waxaan ku qiimeeyaa London oo kale, waayo waxaan jecelahay inay Hargeysi London oo kale noqoto, waana sababta aan ugu qiimaynayaa ee odhanmaayo xamar oo bur-bursan ayay dhaantaa ee waxaan leeyahay London oo ka qurux baddan ha gaadho, waxaana leeyahay wadooyin fiican magaalladu  ha yeelato oo billic leh.  Xadhkaha  Laydhka iyo Telefoonadda isku raranta ah ee ciiraya oo magaalladiiba hadheeyay ee hallista baddan  in la habeeyo oo dhuummo la dhexmariyo, ama dhulka hoostiisa la mariyo oo lagu khasbo  Nimanka shirkaddaha leh ayay tahay. Ayuu yidhi Mr. Baashe.

S- Dadku inay wax qabsadeen ayaad sheegtay, Balse dhinaca adeegyada Bulshadda  wax baddani maqan yihiin, hawshan aad tilmaantay ee qurxinta iyo billicda magaallada, maaha hawshii Xukuumadda dhexe  ee  waa hawshii gollayaasha deegaanka, markaa ma waxaad leedahay hawshoodii way ka seexdeen gollayaasha deegaanku.?

J-Gollayaasha deegaanka waxa kaantaroolla dawladda, hay’ddaha  dawladda iyo gollayaasha qaranka way ka seexdeen  ciddii ku shaqada lahayd cid kastba  ha noqotee iyo ciddii ku kaantaroolla lahayd labaduba ee kormeeri lahayd. Aniga marka maanta xil laydhiibo, ama aan u shaqaynayo waa in laygu kaantaroolla oo igu kormeertaa, haddii markaa aan meel khaldan la marayo, waa in lay saxaa, ama layga beddelaa.

S- Sannadkii hore 2009-kii, markii aad dalka timi Somaliland waxa ka jiray jawi siyaasaddeed  iyo khilaaf, waana xilligii lagu muransanaa doorashaddii oo dad baddani u arkayeen inay Somaliland khatar ku jirto, markaad eegto xaalladdii maallintaa iyo maanta rajadda iyo yuhuunta dadka maxaa kaaga baxay.?

J- Run ahaantii 2009-kii iyo maanta way kalla duwan yihiin, waxaana kalla duwanaanshaha keenaya isbedelkii dhacay oo ahaa isbedel tayo leh oo qurux baddan oo Somaliland aduunku aad ugu bogaadiyay ayaa wadanka ka dhacay. Doorashooyinkii dhacay  sidii xukunka loolla kalla wareegay  ee laysugu bogaadiyay iyo sidii dawladda cusubi u bilawday ee u dhistay golloheedii wasiiradda iyo Ha’yaddeheedii dawladdeed runtii waxaas oo dhami rajaddii dadka kor ayay u qaadeen. Haddaanu anagu nahay qurba jooga iyo dadkii aanu wadanka ugu nimi labadaba isbedel ayuu  dadku tabanayay  oo doonayay, wuuna dhacay kaas ayaana keenaya inay dadka rajo ka muuqato. Markaan imi magaallada suuqa anigu ma raaco Baabuurta caadiga ah ee waxaan raaca Bassaska oo halkaa  ayaad ka helaysaa xogta dhabta ah iyo xaqiiqada wadanka oo halkaa dadkii qubanaha ahaa oo meello kalla duwan ka yimi ayaad ka helaysaa, dadkeenuna waa haddal ku nool oo waxay leeyihiin dhaqan hadalaa ah, markaa  halkaa  ayaa lagu wada sheekaysanayaa oo kalla soo dhexbaxaysaa xogta wadanka ka jirta.
Dadku aad ayay rajo u qabaan, wallow ay maceeshaddii  qaalli garawday  oo xaggaa laga cabanayo oo xagga dhaqaallaha dhibaato ka jirto oo dadka busaarad iyo dhaqaalle xumo ka muuqato. Haddana yuhuuntoodu way ka saraysaa tii 2009-kii sannadkii hore oo rajada bulshadu way soo noollaatay ee waxa mihiim ah in rajaddaa dadka ee soo noollaatay laga xaqiijiyo  oo dawladda cusub ee iminka timi waxay runtii dhaxashay nabad Somaliland ka taaba qaaday oo heer kasta ha leekaatee oo ha lagu qiimeeyee, labaatan sanno ku  dhowaadkii ay jirtay soo kobcaysay oo maanta gaamurtay ayay dawladdu dhaxashay, waxa kalloo ay dhaxashay Hay’addo dawladdeed  iyo haykalkii dawladdeed oo hoosta ka madhan. Laakiin muuqda sida gollayaasha sharci dejinta wasaaraddaha, Hay’addaha kale ee dawladda ee Baankii, Ciidankii qarnka, Booliska iyo sirdoonka leh, haykalkii oo laakiin hoosta ka madhan oo aan waxba hoos oollin  oo aan lahayn nidaamkii la raacayay oo habaysan kaas ayay dhaxashay, markaa dawladdan si ay dadku u hellaan isbedelkii ay doonayeen oo ay u xaqiiqowdo, aniga waxay  illa tahay inay nabaddii ay dhaxashay adkayso oo ay sugto amaanka wadanka iyo kala danbayntiisa Bad iyo Beriba xuduudihiisa ay sugto, inay irmaanayso oo ay godliso Hay’addahaa iyo haykalkaa dawladdeed ee gaagaxsanaa ee gudhnaa inay irmaanayso ayaa laga doonayaa oo ay u samayso hab iyo nidaam dawli ah oo sida muraayadda layska dhex arko oo la raaco oo khaldan qabta, ka saxana bogaaddiya oo ka wax qabta  lagu garto, ka aan waxba qabana lagu garto oo la yidhaahdo,  “hebel waxba ma qaban’ oo la xisaabtan iyo nidaam leh. Markaa ayay imanayaan in laga fekero kor u qaadistii dhaqaallaha,  shaqo abuuristii iyo waxyaabihii kale ee horumarka la doonayay ahaa.

S-  Dadka dhalliila dawladda cusub waxay ku doodaan inay  xaggaa musuq-maasuqa tallaabo qaaday, dhaqaallahana aanay rajadeedu liidan inaksta oo aan midhihii welli la guran, Balse  dhinaca amniga ay aad uga liidato, taa  maxaad  ka odhanay.?
J-Run ahaantii dawlad kasta oo caalamka dhallataa  dhaliil bay  yeellataa, dhalliishuna sideeddaba ceeb maaha, dawladduna haddii aanay dhaliil lahayn waa dawlad aan jirin oo waxba qabanayn, wixii jira ayaana la dhalliilaa ee wax qabanay oo hawl  kasta oo la qabanayo dhalliil ayay yeellanaysaa oo dad banynu nahay oo waynu kalla dhimanahay, markaa dhalliilahaa dawladda lagu sheegayo waxbaa ka jira oo waynu ogayn oo baddeheena waxbaa kasoo gallay, dad iyana hub iyo wax lagu qabtay ayaa jiray oo soo gallay, waxyaabahaa waxay illa tahay  aniga waxa keenaya oo aan isleeyahay dawladda cusubi way ku dhaliillan tahay waxa ka mid ah.
Horta nidaam dham oo soo jiray hal mar laguma beddeli karo, wuxuu u baahan yahay waqti iyo la qabsasho iyo wacyi gelin, ta kale waxaad moodaa inay xukuumaddu ku degdegeen inay meel walba ciddii joogtay ka beddelaan, tusaale ahaan hay’addaha dawladda dadkii shaqaalaha ahaa ee joogay, nabadsugida, amaanka  oo kale dadkii gacanta ku hayay ee mudada baddan soo hayay ee siraha hayay ee oggaa wax walba waxay yihiin iyo asalkooda iyo faracooda, in la daayo oo meeshooda loo daayo ayaa aniga illa qurux badnayd, waayo dalku waa dalkooddii, waana inaanu qofka shaqaallaha ahi noqon qof lagu adeegto, laakiin qofka shaqaallaha ahi uu noqdo qof adeege ah oo dawlad kasta oo timaadda shaqeeya si aanu xisbi u noqon.

Haddii la yidhaahdo Hay’addaha dawladda dhamaan Kulmiye ha wada qabsado oo qolladii hore ee joogtay ha lawada diro, waxay noqonaysaa cadaaladdaro aad u weyn oo berrina qollada timaaddaa iyana sidaa ayay u fekeraysaa, markaa waxa fiican inay dawladdu isbedelka si qunyar ah u wado oo aanay Lugtu Jeeni dhaafin, shaqaallahana wixii mihiim ah loo daayo hadday ku haboon yihiin oo u qalmaan, ninka meeshiisa ku haboon ee aan musuq-maasuq ahayn, musuq-maasuqu waa waxa dillooday ee u baahan in lalla dagaallamo oo dawladdu xoogga saarto oo qorshayaashii Maxamed Xaashi (Wasiirka Maaliyadda Somaliland), soo bandhigay Nin walba wasaaraddiisa ka billaabo oo la qaato, waana mid aan aad u taageerayo, balse waxa lagama maarmaan ah in sida ay u kala muhiimsan yihiin loo kallahoraysiiyo, tusaalle ahaan cashuuraha oo kale Inanka yare e Hudheel ka shaqeeya ee qaata $ 5(shan dollar), waxa ka qurux baddan, iyadoo shirkaddaha waaweyn ee xawaalladdaha iyo Telefoonadda iyo bakhaaradda waaweyn laga billaabo oo kadibna loo gudbo meheraddaha yar yar, markaa ka dib loo tago Inankaa yar. 

S- Sidaad la socoto Somaliland xilligan waxa ka jira khilaaf ka taagan gollah wakiilladda oo kalla qaybsan, Somaliand arrintaa   khilaafka golluhu maxay  ku keeni kartaaa, mooshinkaa muranku ka dhashayse sidee u aragtaa.?
J-Golleheena wakiilladdu wuxuu ka mid yahay meelaha u waaweyn ee dhibaatooyinku ay ka billaabmaan oo kalla jabkoodda iyo is qabsigooddu uu keeno inay hakaddaan hawllo baddan oo socon lahaa, marka la eego dumuqraadiyadda aynu qaadanayna waa shay caadi ah inay had iyo goor gollayaasha Baarlamaanka muranadda caynkaas ahi way ka alloosmaan, sababtoo ah Ragga gollahaa ka midka ahi axsaab kalla duwan ayay kasoo jeedaan danno iyo qaraddo kalla duwan ayay yeeshaan. Laakiin dannahaa iyo qaradyaddaasi kuwo kooxaysan kuma sallaysna ee kuwo qaramaysan inay u muuqdaan ayaa haboon.
Waxaan qabaa in mooshinka haatan gollaha horyaalay aanu xilligan ku haboonayn ayaan qabaa, sababtoo ah waddanku wuxuu kasoo baxay dhibaatooyin iyo mah-lakaddo baddan iyo kufaa kac ayuu kasoo baxay, Gollayaasha qudhooda, Guurtidda iyo doorashooyin iyo  murano baddan ayuu dalka iyo dadkuba kasoo doogay. Runtiina waqtigan waxay ahayd in laga fekero sidii wax loo dhisi lahaa ee loo horumarin lahaa oo la eego xeerarka baddan ee qabyadda ah ee iyaga horyaal, ummana arko xeerkaa oo wax laga bedellaa mid nuxur weyn leh, waxaanan ugu arkayn waxay kusoo shaqaynayeen intii ay jireenba wax hadda deg-deg ah oo aan laga fursanayn oo isbedel ah oo loo baahanyahay oo meesha yaallaa iima muuqdaan imanka, markaan eegay sidaan ka dhadhansaday sida ay wax u jiraan nuxurka meesha yaallaa waa in shirguddoonka la beddelo ayaa loo ham iyo digleeyahay, taasina macne baddan oo ay iigu fadhidaa ma jirto.
Shirgudoonka maanta Somaliland jooga waxaan u arkaa mid gaadiidday oo waayeel ah oo muddadii uu xilka hayay, kartidiisa, xushmaddiisa,  dal jacaylkiisu  iyo lexejecladda uu wadanka ka leeyahay ay ka dhex muuqato gollaha oo had iyo goor raggaa danaha baddan kalla leh oo qaarkood farta lagu gudo inay gollaha ka dhigteen meherad ay ku shaqaystaan oo mooshinka lasoo dhigaa mararka qaarkood  u muuqdo mashruuc la doonayo in dhaqaalle lagu hello, waa sida aanu u macnaysano marka aanu qurbaha joogno dad baddanina u macnaystaan oo umma aragno markaanu mooshin maqallo wax dadka loogu danaynayo, way  jiraan   mooshino baddan oo danta ummadu ku jirtaa. Laakiin intooda baddan mooshino xaalad abuur ah ayay isaga muuqanayaan. Laakiin haddii nuxurku yahay qodobkaa hala beddelo si loo beddelo shir guddoonka waa laga maarmi karaa ayaan qabaa dooddaa nimankaa Odayaasha ahi ay wataan.
S-maaddaama aad tahay  Nin Qoraa ah oo hadda dad baddani magaciisa garanayaan, ma jiraa  wax hunguri ah oo kaa haya inaad xaggaa siyaasadda u leexato oo hamigaasu ma kugu jiraa.?
J- Nolloshayda inata baddan siyaasadda dhinac ayaan isaga buriyaa oo waxaan u bataa Dhinaca dhaqanka, Afka Suugaanta, waxbarashadda iyo Aqoonta, muddooyinkii labadii tobanle ee u danbeeyay (labaatankii sanno) , siyaasadda anigoo yar ayaan gallay oo 17jir anigoo ah ayaan SNM ku biiray oo qori qaatay oo dawladdii Maxamed Siyaad barre ka hor imi, waa halgan siyaasi ah oo xilligaaba siyaasad ayaan galay, laakiin intii ka danbaysay  siyaasadda waxaan ka dareemay madhalaysnimo baddan oo waxay noqotay khali guur Taayir wareegaya oo aan wax wax khariba mooye waxba soo saarin, haddana kollay lagama maarmo oo Nollosha ayaa lagu quudiyaa markay siyaasadda saxda ah tahay, runtiina xilligan la joogo shanta soo socda damacaa siyaasiga ahi wuu  jiraa. Laakiin waa haddii la hello wixii aan markii hore ka dhawaajiyay ee ahaa waxa dawladda cusub laga doonayaa, wax kale maaha ee waa inay nidaamkii samayso la raaci lahaa, kii axsaabta siyaasiga ah iyo xeerarkii loo baahnaa ee hanaanka ahaa.
Haddii nidaamkaa fiican wadanka ka abuurmo aniga iyo rag baddan oo dhexdhexaadkaa ah oo  eynigayga kasoo gudbay da’dii dhalinyaranimo, tii odaynimona iminka kullaalaya oo aqoonleey ah oo debedda iyo guddahaba joogta oo isku xidhani damacaasu wuu jiraa, runtii in axsaabta siyaasiga ah la xoojiyo oo doorashaddii dhowaan dhcaday mid kasii qurux baddani dhacdo shanta sannadood ee soo socda marka xilligeeddii la gaadho, waanu rajaynaynaa axsaabta siyaasiga ah inaanu ka mid noqono oo aanay axsaabtu noqon jilibo reero leeyihiin ee ay noqdaan rukumo iyo isiro siyaasi ah oo mabaaddii ku kalla duwan, qaab noocaa ahi markuu muuqdo bahasha waa lagu soo dhiiranayaa. Laakiin inta ay reeraysan tahay way adagtahay in Nin wax isku fallayaa kusoo dhiirado.
S-Buuggaga aad qortay kama muuqato siyaasaddi ee waxa ka muuqda taariikh, suugaan iyo Af,  markaa waa kee ka saamaynta ugu baddan kugu yeeshay, ma jiraase mid aad hadda qorshaynay inaad qorto.?
J-Horta Buuggaag baddan maan qorin ee waa saddex Buug, kii ugu horeeyay wuxuu ahaa,  “Hal Ka Halleel” oo aan ka qoray Suugaanta Abwaanka weyn ee Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, Buugga kalle ee magaciisu yahay “Guri waa Haween”  oo ka hadla kartidda iyo kasmadda Haweenka Soomaalidda, waxaana ugu danbeeyay Buugga Xaaji Aadan Axmed (Af-qallooc) oo ahaa abwaan weyn oo waddani ah, kaas oo ah “Hal aan tebayay”,
Runtii Buugga saamaynta u weyn igu lahaa iiguna dhibta badnaa kaas ayuu ahaa, sababtoo ah markaad Buug qorayso wuxuu ka dhigan yahay ilmo yar oo callool galay, waxaadna jeclaataa ka kuugu dhibta baddan ee markuu dhasho lagu farxo ee dadku kugu bogaadiyaan, wuxuuna ahaa Buuggaa si “Hal aan tebayay” ee Xaaji Aadan, wuxuu ahaa nin Da’a weyn oo halgamaa ahaa, qurbaawi ahaa, kaas ayaa iigu dhib badnaa oo ururinta taariikhda xaajiga oo baylah ahayd oo meel loogu haggaagaa aanay jirin iyo iyadoo iga da’a weyn labadaba, sababtoo ah lamaan noollayn Xaajiga ee Hadraawi waan la noollaa, wuxuuna noqday Buuggii iigu bogaadinta badnaa, wuuna igu sii dhiiri geliyay inaan sii wado qoraallo buggaag kale, waxaana ii qorshaysan intaan noollahay inaan qalinkaygu gudhin, waqtigana waxaan gacanta ku hayaa Buug aad uga duwan kuwaa hore oo uga kooban  oo aan ka qorayo, maalmihii aan goobjooga ka haa halgankii SNM, wixii aniga I kiciyay ee Ethopia I geeyay, wixii aan SNM kalla kulmay, intii aan joogay wixii aan ka bartay, intii aan ku hungoobay iyo intii aan ka hantay dhib iyo dheef kaas ayaan gacanta ku hayaa oo rajaynayaa inuu dhowaan soo baxo.   

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *