images/stories/mrk1.jpg Marka aynu usoo noqono billawgii Budhcadbaddeedda xilligii dhawr iyo sagaashaandkii waxa deegaankaa laga sameeyay kooxdii u horaysay oo ahaa  kuwii  seeska u ahaa  budhcadbadeedda sida ka muuqata qoraalada Dukumentiyada halkan ku lifaaqan ee ku taariikhaysan 1997-kii, kuwaas

 

oo la baxay ciidanka ilaalada xeebaha gobolka woqooyi bari (NERCO Guard), waxaana kooxdaa maamulayay Gen. Maxamed Abshir Muuse oo sheeganayay xiligaa gudoomiyaha jabhadii SSDF,  sidda ka muuqatay Document-yadda la socoday qayntii hore ee qoraalkan,  waxaana yagleelida kooxdaa lagu magcaabay ilaalada xeebaha gobolka woqooyi bari, iyadoo uu  dhaqaalaha ugu badan ku bixinayay Eng. Maxamed Muunyo oo maamulayay raxan maraabiibta kaluumaysiga ee dawladii soomaaliya lahayd.
Sidoo kale waxa jira shaqsiyaad ilaa labaatan xubnood gaadhaya oo  inta badan kasoo jeeda deegaankaa  iyo kuwa ku noolaa qurbaha  oo u dhashay Somaliland, isla markaana haysta dhalasho Yurub iyo maraykan ah oo kaalin weyn ku lahaa samaynta kooxdaa ujeedooyinka badan.

Liixka Kooxda ayaa magacyadoodda iyo meelaha ay kasoo jeedaan iyo dhalashooyinka ay haystaan kalla yihiin sidan;-

1.    Abdirabi Adan galool    Reer Biciidyahan (the captain of the Sea Emperor Ship )
2.    Farah  Ahmed Mattan      Isaq H/ Yunis  ( candian Passport)
3.    Yussuf Adami                  Dashiishe
4.    Adan Ahmed                    Esa Mohmoud
5.    Yussuf Osman                  dadka laga tirada badanyahay
6.    Esa Adan Anshur             Ali Suliman
7.    Abdi Yussuf                     Omar mohmoud
8.    Odowa                              Isa Mohmoumd
9.    Hagi omar Awo Bidar       Ali Suliman
10.    Hersi Bulhan                     Isa Mhmoud (The oldest man in Ibagati parliament)
11.    Abdullahi Hersi Bulhan       Isa MOhmoud (the son of Hersi Bulhan )
12.     Abdullahi Beel daajieye      Ali Suliman
13.    Jama Abdullahi Beeldaajiye Ali Suliman (the son of Abdullahi Beeldaajiye)
14.    Farah Jama Abdullahi           Ali Suliman
15.    Mohd Hassan Beeldaajiye    Ali Suliman
16.    Abdullaziz Ismail Dualeh     H/JECLO  The Somaliland parliament
17.    Ibrahim Aratan Ismail          Ali Suliman
18.    Mohd Ahmed Dualeh           Dhulbahante
19.    Gurhan Daad Ali                  Ali Suliman
20.    Suldan Said Mohd  Farah    Ali Suliman
21.    Dahir Said                            Dulbanhante Ugasyoy
22.    Enginer Mohd MONEYE   Barawaane, (The manager of the Somali fishing fleets) 

Marka laga reebo Eng. Muunyo oo isagu doonayay in kooxdu maraakiibta kaluumaysiga ee  doonaya inay ka ugaadhsadaan kaluunka xeebahaa qabsadaan si looga caago, isla markaana ay ku sii daayaan oo keliya madax furasho, taas oo dhaqaale fiican u noqonay kooxda, waxay dhamaan xubnaha kale ujeedadoodu iyo istiraatiijiyadoodu ahayd mid sii shaqaysa ilaa inta ay soomaaliya ka jiraan dagaalada iyo fowdadu, si ay u helaan dhaqaale ay si fiican ugu noolaadaan oo ah ugaadhsiga maraakiibta  iyo afduubka gaadiidka bada, iyadoo loogu gabanyo kooxda loo xidhay shaadhka ilaalada xeebaha woqooyi bari.
Hase yeeshee Eng. Muunyo maadaama uu isagu maamulayay ilaa todoba markab oo kuwa kaluunka ugaadhsada iyo markab weyn oo ku raran qaboojoyaal lagaga wareejinayo kaluunka lixdaa markab, waxa uu waqtigaa ka hor kasoo guuray  dhinaca dekeda Banbaasa oo saldhig u ahayd maraakiibta uu gacanta ku hayo wixii ka danbeeyay burburkii soomaaliya, wuxuuna  xarun  uga dhigay maraakiibtaa magaalada Caddan oo uu ula wareegay, ka dib markii dhawr jeer lagu soo hujuumay oo laysku deyay in laga qaado.

Si aan loo qabsan maraakiibta uu maamulo mudada ay ku jiraan xeebaha bariga iyo in aanay maraakiibta kaluumaysi u soo gelin halkaa oo aanay ugu cidhiidhyin kaluunka wuxuu sameeyay qorshahaa uu ku taageerayay dhaqaalaha si loo hawl geliyo kooxdaa, kuwaas oo la siiyay awaamiir lagu faray inay qabsadaan  maraakiibta kaluumaysi ee soo gala  biyaha xeebaha Somalia, isagoo Eng. Muunyo balanqaaday  inuu bixinayo wixii dhaqaale ah ee loo baahdo, marka ay timaado fulinta hawshaasi.
bixinayo.

Talaabadii u horaysay ee ay kooxda budhcadbadeedu qaaday  horaantii 1997, waxay ahayd inay afduubaan laba markab oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaas oo kala ahaa F/vessel, oo lahaa Maxamed C/llaahi oo ahaa  ganacsade  u dhashay  Somaliland, sidoo kale waxay afduubeen markab kuwa kaluumaysiga ahaa F/sea emperor oo uu lahaa ganacsade Xuseen Yuusuf Ducaale oo  u dhashay Somaliland. Iyadoo ay kooxdu markabka kaluumaysiga ee F/sea emperor shuruud uga dhigay sii deyntiisa lacag madax furasho ah oo gaadhay $ 700,000 (todoba boqol oo kun  oo dollarka maraykanka ah).  sawirka ka muuqda qoraalkan ayaa ah Markabkii u horeeyay ee lagu afduubay halkaa, kaas oo markii hore lagu xanibay guddaha Dekedda Boossaaso. kadib markii si khiyaamo ah loogu leexiyay halkaa isagoo usii jeedda xeebta cumaan. 

Inkasta oo  markabka kaluumaysiga ee F/sea emperor sii deyntiisa ay ka hawl gashay  xukuumada Somaliland waqtigii madaxweyne  Cigaal, iyadoo  uu xiligaa  Col, C/llaahi Yuusuf amray in la sii daayo, balse  may suurta gelin dedaaladaas oo dhami, waxaana la rumaysan yahay inay kooxdii gacanta ku haysay markabkaas ay markii danbe  hub saartay oo uu ka mid noqday gaadiidkii ugu horeeyay ee ay ku afduubaan maraakiibta ilaa waqtigan oo dunidu si weyn ugu baraarugtay.   

Kooxdani waxay ahayd bilawgii iyo aasaaskii budhcadbadeeda maanta sida weyn u gilgilay marinka Biyaha gacanka cadmeed iyo marinka caalamiga ah ee badweynta hindiya ee ay kulaalyaan xeebaha waqooyi bari iyo koonfur bari ee soomaaliya. Dhaqdhaqaaqyada kooxaha budhcad badeeda oo hawlgaladooda iyo farsamadoodu sii xoogaystay ayaa sanadihii danbe saamayn lama filaana ku yeelatay Eng, Muunyo. Kadib markii ay afduubeen qaar ka mid ah maraakiibta kaluunka ee uu maamulayay, kuwaas oo uu ka bixiyay lacag madax furasho ah. Sidoo kale waxa soo baxay  kooxo kale oo tiraba dhawr jeer afduubay maraakiibta uu gacanta ku hayay, waxaana soo waajahday cabsi badan oo kaga imanaysay kooxahaa, taas oo keentay inuu maraakiibta kaluumaysiga saaro hub ay isku ilaaliyaan mudada ay ku jiraan kaluumaysiga. Laakiin taasi may noqon mid suurta gelisa inay maraakiibtu xeebaha soomaliya kasii wadaan hawlohooda kaluumaysi, taas oo ay sabab u ahayd cabsida soo waajahday ee kaga imanaysay kooxihii uu aasaaskooda buddhiga u ahaa iyo kooxo kale oo si fudud uga hawlgeli kara xeebaha ay maraakiibtaasi ka ugaadhsanayaan.
Eng. Muunyo oo noqday ganacsade maafiyo ah, wuxuu door mihiim ah ka qaatay loolankii Col, C/llaahi Yuusuf ugu jiray in loo doorto Madaxweynaha mudadii uu socday shirkii Kenya ee lagu soo dhisay TFj, isagoo in ka badan $1,000, 000, (hal milyan) oo dollarka maraykanka ah ku bixiyay kaanbaynka C/llaahi Yuusuf.
Eng, Muunyo oo fursad fiican ka helay burburkii soomaaliya iyo rajao la,aanta dawlad ka dhalata soomaaliya, wuxuu aakhirkii go,aansaday inuu maraakiibtii uu gacanta ku hayay ku xidho dekeda magaalada cadan, halka uu isaguna badhtamihii  2006, u guuray dhinaca dalka talyaaniga oo la rumaysanyahay inuu ka samaysatay ganacsiyo uu ku maal geliyay hantidii iyo khayraadkii uu ka helay burburkii Soomaaliya… lasoco

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *