Hargeysa(ANN)Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay Qoraa Cili-baadhe ah oo u dhashay Somaliland, kaas  oo la filayay inuu soo bandhigo Buug uu ka qoray Bulshada Soomaalida, xadaarradii kala duwanayd ee ay soo mareen iyo meelihii ay asal ahaan ka yimaadeen

bulshada Soomaalidu.
Cili Baadhahaa Axmed Ibraahin Cawaale oo ahaa Agaasimaha Hay’adda ka shaqaysa Horumarinta Deegaanka ee Candle Light, waxay Ciidamadda Booliisku  xalay ka kaxaysteen gurigiisa, waxaana la geeyay   xarunta CID-da ee Hargeysa. Sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah qoyskiisa iyo saraakiil Booliska ka tirsani.
Ilaa hada ma cada sababta loo xidhay Axmed Ibraahim Cawaale,  balse waxa xadhigiisa lala xidhiidhiyay Buug uu qoray oo uu ugu magacdaray  Dirkii Sacmaalladda, kaas oo  uu kaga sheekaynayo Bulshada Soomaalidu  isir ahaan meelaha ay kasoo kal jeedaan,  xadaaradihii ay lahaayeen, xidhiidhka ka dhexeeyay bulshooyinka kale ee aduunka, caqiidooyinka dhinaca Diinta, Caadooyinkii hore  iyo  sida ay ugu milmeen bulshooyinka kale ee geeska Afrika.
Qoraaga Buuggaa, ayaa la filayay inuu caawa kusoo bandhigo Buuggiisa munaasibad loo qorsheeyay inay ka dhacdo  Hotelka Imperial ee Hargeysa, taas oo ay dad badani ugu diyaar garoobeen, kadib markii uu warbaahinta ku baahiyay ogaysiis la xidhiidha bandhiga Buuggaa. Laakiin munaasibadaa ayaa baaqatay. Kadib markii la xidhay Qoraagii Buugga ee sameeyay Cilmi Baadhistaa.
Dhinaca kale Mawduuca buugga iyo waxybaaha uu xanbaarsanyahay , ayaa markii ay qaybo ka mid ah Bulshadu ka arkeen sharaxaad uu qoraagu ka bixinayo qabaa’ilka Somaliland qaarkood iyo Isir ahaan halka ay kasoo jeedaan, waxay  ka dhashay doodo bulshada dhexdooda ah, kuwaas oo qaarkood dhibsadeen kuwo kalena ay soo dhoweeyeen, taas oo xadhigiisa lala xidhiidhiyay inay xukuumadda Somaliland ka hortegey inaan lagu baahin bulshada buuggaa oo qaar badan waxyeeli kara, ama shaki gelinaya isir ahaan halka ay ka yimaadeen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *