Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii lagu soo gebogebeeyay Istanbul Caawa oo Jimco ah Istanbul(ANN)Shirka Hogaamiyayaasha Soomaalida uga socday Istanbuul, ayaa maanta lasoo geba gebeeyay. Kadib markii uu laba maalmood ka socday halkaa. Shirkaa oo ay ka qaybgaleen in ka baddan konton Dawladood oo beesha caalamka ah,

 

Madaxda Somalia, Wefdi ka socday  Somaliland oo iyagu qaybtii hore ee horumarinta lagaga hadlayay shalay ka qaybgalay iyo Odayaasha dhaqanka iyo ururada Bulshada Somalia.
War murtiyeedka maanta laga soo saaray gebe-gebadii shirkaa oo ka kooban 40 qodob,  ayaa waxay u qornaayeen sidan:-
-In La Tixgelinayo Madaxbanaanida,Sharafta iyo Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
-In Nabad dhab ah laga sameeyo Soomaaliya ayadoo Shacabka Soomaaliyeed ay raadinayaan dib u heshiisiin,nabadeyn iyo Xidhiidh Siyaasadeed si loo helo Dowlad wadajir ah oo Soomaaliya oo dhan mateli karta.
-In Beesha Caalamka ay rajo wanaagsan u yeeshay waxqabadkii Dowladda ee Sanadkii lasoo dhaafay oo Marxaladdo adag lagusoo shaqeeyey,  islamarkaana horumar laga sameeyey dhinacyada Ammaanka, Siyaasadda,bani aadannimada iyo Dib U Heshiisiinta.
-Shirkan wuxuu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyadda koobaad ee sidii xal loogu heli lahaa Soomaaliya ay leeyihiin Soomaalida,  beesha Caalamkuna ay ku taageerayaan.
-In la xasuusto shirkii London oo aad iyo Aad muhiim u ahaa arrimmo badanna lagu gaadhay.
-In lasoo afjaro Xiliga KMG 20-August-2012 sida ku cad Kampala Accord, Road-Map,Garowe Principles iyo Addis Ababa.
-In Beesha Caalamku ay si deg deg ah u fuliyaan dhammaanba Ballanqaadyadii ay horey u ballan qaadeen si loo helo in marka  Odayaasha Dhaqanku ay Muqdisho ku laabtaan ay soo xulaan ergadii Ansixin laheyd Dastuurka iyo Baarlamaanka Cusub.
-In Soomaalida lagu ammaanay sida ay u ilaalinayaan xuquuqda Haweenka,  Iyadoo golaha ansixintana  ay 30%haween yihiin.
-In Shirka Istanbul uu soo dhaweynayo iney si KMG ah u ansixiyaan Dastuurka.
-In Shirka Istanbul uu taageerayo in shacbiga Soomaaliyeed laga talageliyo Dastuurka oo ay xaq u leeyihiin.
-Shirka Istanbul wuxuu hoosta ka xariiqayaa in Baarlamaanku Cusub oo noqdo mid loo soo xulo si cadaan ah oo aanay mugdi ku jirin.
-In Doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka aanay dib uga dhicin karin waqtigooda.
-Wuxuu kaloo Shirka Istanbul soo dhaweynayaa go’aankii Bishii May kasoo baxay IGAD,AU iyo Q.M ee ku aadanaa in cidii ka hortimaada hanaanka hada socda loo aqoonsanayo qaswadeyaal(Spoilers), i yadoo Shirkanna uu hoosta ka xariiqayo kooxahaasi in laga qaado talaabooyin adag.
-In Beesha Caalamka looga baahanyahay iney taageeraan qabsoomida Wadahadallada dhexmaraya DFKMG iyo Somaliland.
-Kasoo qeybgalayaashu waxay aad iyo aad u eegeen in Siyaasadda cusub ee hada dhalaneysa looga  baahanyahay hay’addaha lasoo dhisayo inay noqdaan kuwo Soomaalida oo dhan wada meteli kara.
-Shirkan wuxuu tixgelinayaa arrimaha Xuquuqul Insaanka,  iyadoo Soomaalidana laga doonayo iney texgeliyaan dhowrida Xuquuqda Aadamaha.
-In La helo dib u heshiisiin dhab ah oo Soomaalida dhexdeeda umadduna is cafiso sida dalal badan oo Caalamka ah ka dhacday.
-Waa inay bilaabantaa wixii ka dambeeya August 20-2012 barnaamijyo cusub oo dib loogu soo celinayo dhismaha hay’addaha Dowliga,  taas  oo sii ambaqaadeysa qodobada ku xusan Road-Mapka.
-In Lasoo Celiyo dib u dhiskii dalka,  iyadoo dhammaanna Hay’addaha Ammaanka loo helayo tansaaliidkii ay u baahnaayeen laguna Xoojiyo.
-In Xagga Tababarrada laga taageero Ciidammada Soomaaliya,  sida ay hada bilowday Dowladda Turkiga.
-In La Sameeyo Ciidammo si gaar ah u tababaran oo dadka iyo Dalka Ammaankooda sugi kara.
-In Lagu ammaanay AMISOM,  howlaha ay xaga Amniga ka wadaan iyo sidoo kale Dowladihii saaciday oo ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Midowga Yurub.
-In Dowladihii horey u balan qaaday iney Soomaaliya usoo dirayaan Ciidammo ka mid noqda AMISOM,  ay si deg deg ah usoo dhameystiraan Ciidammadii ay ballan qaadeen.
-In Laga hortago dhammaanba wixii keeni kara Carqalad.
-In Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba ay noqdaan kuwo ka wada shaqeeya sii xoojinta Hay’addaha Amniga.
-In La Dhiso,  amaba dib u habeyn lagu sameeyo Hay’addihii Sharciga sida Maxkamaddihii.
-Shirkan wuxuu si Wadajir uga soo horjeesanayaa falalka Argigixisanimo,Dagaallada iyo Xuquuqul Insaanka oo lagu tunto,  wuxuuna dhiirigelinayaa sidii Beesha Caalamku arrimahaasi oo dhan uga soo wada horjeesan lahayd.
-Shirkan wuxuu Cambaareynayaa in Carruurta loo adeegsado dagaalada,  iyadoo laga dhigayo Askar.
-Shirkan wuxuu u arkaa la dagaalanka Budhcad Badeeda Xalka guud ee lagula dagaalami karo inuu yahay in Budhcad Badeeda lagala dagaalamo Berriga.
-In Soomaalidu ay si guud uga wada shaqeeyaan  Xasilinta,  iyadoo laga hortagayo in Al-Shabaab iyo Al-Qaeda fursad loo siiyo inay kusoo laabtaan deegaannadii laga xoreeyey.
-Shirku wuxuu ku ammaanayaa Dowladda hirgelinta Maamullada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab,  iyadoo Beesha Caalamkana ay arrimahaasi Dowladda ku taageereyso.
-In Beesha Caalamku ay tixgeliso habab amni loogu sameynkaro goobahaa la xoreeyey si hanaanka maamul uu usii shaqeeyo.
-In La sameeyo Sanduuq Dhaqaalle oo sii dedejiya fulinta,  Iyadoo Caalamku si wadajir ah uga qeyb qaaadanayaan  Arrimahan taas  oo loo arko mid ka duwan sidii Caalamku horay ugu taageeri jirey Soomaaliya.
-In Loo baahanyahay in lasii wado gargaarka lasiinayo dadka Barakacayaasha.
-In la aqoonsado inay Soomaaliya hada galeyso marxalad cusub oo ah kasoo kabashada dhaqaallaha,  loona baahanyahay in lagu taageero oo lagu garab galo.
-In xooga la saaro dib u dhiska dalka,  Iyadoo si gaar ah looga soo kabanayo bur-burkii dagaalada,  gaar ahaan guryaha ku yaala Caasimadda.
-In la hirgeliyo mashaariic biyo gelin ah,  taasi oo qeyb ka ah mashaariicda Horumarineed.
-In Dowladda iyo hay’addaha gaarka ah iska kaashadaan xagga maalgelinta iyo horumarinta howlaha.
-In Shirkan uu soo dhaweynayo Wadahadalada Socda ee lagu sameynayo Hay’ad  Dhaqaalle oo ka wada dhaxeysa Dowladda iyo Caalamka,  Iyadoo Wadahadaladaasina si deg deg ah loosoo dhaweynayo.
-In Shirka iyo Beesha Caalamkuba ay taageerayaan sidii Soomaalida ay Dhaqaallahooda u maamulan lahaayeen
Fulinta qodobadan,  ayaa waxaa loo xilsaaray Mas’uuliyadeeda Koobaad Dowladda Turkiga , Iyadoo beesha Caalamkana ay arrintaas  gacan ka geysan doonaan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *