Dawlada Turkiga ayaa dalkeeda ku qabatay shirka Arrimaha Soomaalida ee labaad oo daba socday shirkii 23 Febuary Britain ku qabatay London.  Inakasta oo ay labada shir yihiin kuwo aad u kala duwan, marka la eego dhinaca Soomaalida dadka ka qaybgalay iyo qorshaha  ajandayaasha, balse

 

waxay  wadaagaan arrimaha lagag hadlayo oo ah kuwa Soomaalida.
Shirkii London oo ahaa kii ugu horeeyay ee  Somaliland ka qaybgasho noociisa, isla markaana ahaa shir caalamiya, waxa Somaliland uga qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana shirkaa maamulaysay dawladda Britain oo ahmiyad gaar ah u haysay Somaliland, isla markaana ka dheregsayand xaaladaha siyaasadeed  iyo kala duwanaanshaha Somaliland iyo Somalia inteeda kale. Waana sababta ay Somaliland ugu qanacday inay ka qaybgasho, taas oo keentay guushii siyaasadeed ee qodobadii kasoo baxay shirkaa lagu xardhay oo ahayd  in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda Siyaasadeed, isla markaana wada hadalkaasi noqdo mid lagu saleeyo xiliggii 1960-kii ka hor intii aanay Somaliland  oo qaran madaxbanaani ka qaatay Boqortooyadii Britain iskeed ula midoobin Somaliyadii Talyaanigu gumaystay.
Talaabadaa ayaa ahayd guul weyn oo dublamaasiyadeed oo usoo hoyatay Somaliland, iyadoo shirkaa London oo ay ka qaybgaleen in ka baddan konton dawladood  oo caalamka ahi waxbadan ka ogaadeen Somaliland iyo siyaasiyan inay Somaliland iyo Somaliyada masiibadu ka taagnayd 21-ka sanadood ay kala duwan yihiin. Inakasta oo wadahadaladii labada dhinac oo la filayay inay meel maraan ka hor shirka ka socda Istanbuul ay dabreen siyaasadaha cadawga Somaliland iyo kooxda Sh. Shariif. Kadib markii ay carqaladeeyeen gudida ay dhinacooda usoo magcaabeen oo ay ku dareen xubno ka soo jeeda Somaliland oo dhinaca Somalia metelaya.
Shirka London kama qaybgelin kooxo gaar gaar loo casuumay ,  maamul goboleedyo, hogaamiyayaal dhaqan,  Ururo bulsho  iyo kuwo  metelayay  Ururo bulsho. Laakiin waxa loo casuumay hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland iyo Somalia, waxaana fursad loo siiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed S iilaanyo  inuu ka hadlo madashaa, maadamaa Raysal Wasaaraha Somalia iyo Madaxweynaha Somalia ka hadleen shirka furitaankiisa.
Hase yeeshee Shirka ka socda Istanbuul , waxa ka qaybgalay madaxdhaqameedyo ka yimi dhinaca Muqdisho oo kasoo jeeda Somaliland. sidoo kale waxa ka qayb galay kooxo sheegnaya ururo bulsho oo Somaliland sheganaya, isla markaana ah kuwa arrimaha Somali weyn jeebka ku sita iyo kuwo sheganaya gobolo Somaliland ka tirsan oo dhinaca debedaha ka yimi.
Xukuumadda Somaliland hore u diiday inay ka qaybgasho sida uu 6 May shaaciyay Wasiirka Arrimaha  Debeda Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar, isagoo ku dooday in aanay Somaliland ka qaybgelayn shirka Istanbuul  haddii aan wax laga bedelin qaabka loo qorsheeyay shirkaa oo sida uu sheegay ka dhigaya Somaliland gobol ka mid ah Somaliland.
Laakiin todobaaadkii hore ayay xukuumadda Somaliland sheegtay inay ka qaybgelay shirka Istanbuul.  Ka dib markii ay marti-qaad rasmiya ka heshay dawladda Turkiga 24/05/2012-ka, sida ay sheegtay,  “Xukuumadda Somaliland waxay go’aansatay inay ka qaybgasho wejiga hore ee shirka Istanbuul oo ku began 31-ka May/ 2012. Marti-qaadkan rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu Somaliland ula dhaqmi doonto si ka geddisan sida loola dhaqmayo gobollada Soomaaliya. Dawladda Turkigu waxa kale oo ay marti-qaadkeeda ku caddaysay in la raaci doono hab-maamuuskii shirkii London ku qabsoomay 23 Febraayo 2012-ka.” Ayaa lagu sheegay go’aanka xukuumadda Somaliland, waxaana qoraalkaa lagu xusay xubnaha  wefdiga wasiirada uga qaybgelaya Somaliland  shirka Istanbuul oo ahaa Wasiiradda arrimaha debeda, Macdanta iyo Biyaha, Qorshaynta iyo Hawlaha Guud, laakiin waxa dalka ka dhoofay laba maalmood ka hor labada Wasiir ee Arrimaha Debeda iyo Qorshaynta si ay uga qaybgalaan shirkaa, iyadoo wasiirka macdanta uu ku maqnaa safar dhinaca USA, balse sida xukuumaddu sheegtay uu ka tegayo halkaa shirka. Sadexdaa wasiir oo haysta Passports shisheeye UK iyo USA.
Laakiin Wasiirka hawlaha guud Axmed Cabdi  Xaabsade ayaa ka hadhay wefdigaa, ka dib markii sida uu wargeyska Jamhuuriya u xaqiijiyay inuu sitay Somaliland Passport  dawladda Turkigu u diiday inay siiso fiisaha uu ku gelayo dalkeeda.  Sidaana uu kaga baaqsaday safarkii Istanbuul. Arrintaa  ayaa muujisay durba sida ay Turkigu u wado qorshe qorsoon oo aan ixtiraam iyo ahmiyad siyaasadeed siinayn Somaliland.
Shirka Istanbuul  qaybtiisa hore ee 31 May 2012, maanta waxa  furitaankiisa ka haday  Raysal Wasaare xigeenka Turkiga, Raysal Wasaaraha Somalia  Cabdi Weli,  iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Mahinga , isla markaana ma muuqan wax meeqaam siyaasadeed ah oo Somaliland ku yeelatay shirkaa, waxayna xubnaha wasiiradda dhinaca Somaliland uga qaybgalay ku hafteen siyaasada hore loo sii dejiyay ee Turkiga  iyo talooyinka Mahinga  ee ka dhan ah qadiyada Somaliland iyo madaxbanaanideeda.
Gebegebadii shirka waxa wadajir shir saxaafadeed u wada qabtay raysal wasaare xigeenka turkiga iyo  raysal wasaaraha Somalia C/weli ,waxaana shaashadaha laga daawanayay inuu keligii isagoo meteleya, isla markaana ka turjumaya dawladda Somalia  iyo soomaalida ka qaybgashay shirka oo dhan si jees jees ah u sheegay  inay ku faraxsan yihiin inay walaalohood Somaliland kasoo laabteen wixii ay ku riyoonayeen oo ay maanta halkan fadhiyaan, isagoo u jeeda xubnaha  xukuumada Somaliland ka  socday ee shirka ku asqoobay, kuwaas oo u muuqday kuwo u sacab tumaya weedhahaa quudhsiga ah.
Si kastaba ha ahaatee shirka Istanbuul oo Somaliland sheegtay inay qaybtiisa hore  ka qayb gelay, isla markaana qaybtiisa danbe aanu khusayn, wuxuu muujiyay ducuf siyaasadeed iyo magac xumo usoo hoyatay milgaha iyo karaamada sharafta qaranka, waxaana suurta gal ah inuu  ka qaybgalka iyo qaabka xukuumadda Somaliland u aqbashay inay ka mid noqdaan xubnahaa wasiirada ahi ka qaybgalayaasha ay dawladda Somalia metesho uu sababo natiijo siyaasadeed oo galaafata guushii shirka London ay Somaliland ka xanbaaratay, basle waxaynu ka warsugi doonaa natiijada dhamaadka shirkaa laba maalmood ka dib, waxa kasoo baxa iyo saamaynta ay ku yeeshaan Somaliland.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist

E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *