Kismaanyo(ANN) Diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ayaa galabta garaacay duleedka dekeda magaalada Kismaayo ee Koonfurta Somalia, isla markaana qiyaastii 1km u jirta dekedda,  halkaas oo ka mid ah deegaanada ay sida gaarka ah uga taliyaan Al-shabaab. Wararka ka imanaya magaalada

Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya inay laba diyaaradood banbooyin dhinaca cirka ah ku tureen galabta saldhigyo ay halkaa ku leeyihiin kooxda Al-shabaab.
Warar hordhac ah ayaa sheegay in goobaha la bartilmaameedsaday aya ahaayeen saldhigyo mihiim ah oo xiligaa ay ka socdeen  qaarkood  shirar. Laakiin  Sarkaal dhinaca maamulka Jubooyinka u qaabilsan kooxda Al-shabaab ayaa sheegay in aay diyaaradaha duqaynta sameeyay aanay wax dhibaato ah u geysan oo ay u arkayeen weeraro fulaynimo oo xadgudub ah.
Magaalada xeebta ah ee Kismaayo waxey ka mid tahay meelaha ay aadka ugu xoogga badan yihiin xarakada Al-Shabaab, waxayna weeraradani kusoo beegmeen iyadoo ay dawladda maraykanku uga digtay dalka Kenya qaraxyo kusoo fool leh. Kadib markii ay Kenya soo gashay gudaha Somalia todobaadkii hore, isla markaana ay si cad u sheegtay inay la dagaalamayso xarakada Al-shabaab ee u awood sheegatay dawladda taagta daran ee Somalia.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *