Hargeysa (ANN)- Qoraal 7 August 2009 uu Wasiirkii hore ee Arrimaha Debedda Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahii Oomaar ku saxeexan yahay, isla markaana lagu socodsiiyay Wasiirka Khaarajiga Sucuudiga, waxa uu ku sheegay inay xukuumadda federaalku aqbashay in la sameeyo maxjarrada

 

xoolaha ee Gobolka Woqooyi/bari – Boosaaso iyo Gobolka Woqooyi/galbeed ee Soomaaliya (Jamhuuriyadda Somaliland), isagoo ku wargeliyey dawladda Sucuudiga in shirkadda Saleebaan Al-jaabiri ka soo bixi karto sidii loo buuxin lahaa kaalinta xoolaha Soomaalida ee loo dhoofinayo dalkaas.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya waxa uu qoraalkaas ku sheegay inuu xidhiidho kala duwan kala sameeyey maamul-goboleedyada [Somaliland iyo Puntland] arrintani khusayso sidii magaalooyinka Boosaaso iyo Berbera looga dhisi lahaa maxjarro laga dhoofiyo xoolaha, qorshahaasna ku qanceen.

Qoraalkaas oo ku qornaa luqadda Carabiga oo ay ku cad yihiin shaambadda iyo astaanka dawladda Sheekh Shariif, summaddeedunna tahay Ref: No. TFG/MFA/OM/196, waxay u qornayd sidan:
“Wasaaradda Arrimaha Debedda ee dawladda federaalka Soomaaliya waxay marka hore salaamaysaa wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga oo ay u rajaynayso guul   iyo tawfiiq waarta.
Sida ku cad qoraalkii uu soo saaray walaalkeen Dr. Axmed Maxamed Cali oo ah madaxa laanta horumarinta bangiga islaamka ee uu u diray saaxiibkeen Wasiirka Maaliyadda, kaas oo tilmaamay hadalkii Wasiirka Khayraadka, Xoolaha iyo Seeraha oo ku waajahan Wasiirka Beeraha Sucuudiga, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in shirkadda Khaliijka ah ay magaalooyinka Boosaaso ee woqooyi/bari Soomaaliya iyo Berbera oo ah Woqooyi/galbeed (Somaliland) ka samayso maxjarro laga dhoofiyo xoolaha nool, kuwaasoo uu ka dalbanayo maamulaha ururka Baanka Horumarinta ee Islaamku inay dedaal dheeraad ah ku bixiyaan dadka dawladda fedderaalka ah ee Soomaaliya u xilsaartay arrintan si ay u oggolaadaan in shirkadda Al-jaabiri xoolaha Soomaaliya si toos ah uga dhoofiso maxjaradaas.
Masuulkani wuxuu ammaan ka bixiyey shirkaddan oo Sucuudi iyo Imaaraadka ah, gaar ahaan Sheekh Saleebaan Al-jaabiri iyo dadka la shaqaynayaba, walaaluhuna (wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya) waxay la xidhiidheen masuuliyiinta shirkadda iyo jihooyinka ay khusayso arrintani ee ku yaal gobolalda woqooyi, waxaannu caddeeyey sharcinimada shirkaddan iyo in heshiis la gasho maamul-goboleedyada ka jira goobahaas. Sidoo kale, waxa digtoorku sheegay in Jaabiri ka mid yahay ganacsatada ugu waaweyn ee xoolaha ka soo dejiya Soomaaliya, kuwaas oo si toos ah loo geeyo Boqortooyadda Sucuudiga ee waqtiga xajka. Mashruucani waa mid lagu dalbanayo tiro aad u badan oo xoolo ah inta lagu jiro maalmaha xajka Ilaahay. Haddii wax khalad ah ku dhacaan dhoofinta xoolaha wuxuu saamayn ku yeelanayaa xujaajta guriga Ilaahay u soo xajay.
Waxay ku qanceen ahmiyadda arrintani u leedahay dadka Soomaalida ah ee deggan goobaha aynu soo sheegnay iyo guud ahaan dadka deggan dhulka Soomaalidu degto, waxayna ka  noqdeen waraaqihii iyo dalabaadkoodii hore, waxayna soo qaddimeen dalabaad cusub oo horleh oo ay ku doonayaan in la wado taageerada walaalahooda Soomaalida si hore loogu bilaabo dhoofinta tooska ah ee maxjarka Soomaaliya ilaa Sucuudiga.
Annagu waxaannu idinka sugaynaa inaad sii wadaan taageerada joogtada ah ee walaalihiina Soomaaliyeed aanay idinku illaabayn, kaas oo ah mid aan idinka qarsoonayn oo saamayn wayn ku leh shacabka Soomaalida, ahna isha keliya ee waktigan dhaqaalaha ka helaan 
Ugu dambayn, guddooma oo naga aqbala mahadnaq ballaadhan iyo qadarin la xidhiidha dedaalka aad la barbar taagan tihiin Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi qoraalka wasiirkii hore ee arrimaha debadda Soomaaliya ku oggolaaday dhoofinta xoolaha iyo dhismaha maxjarrada Al-jaabiri ee magaalooyinka Berbera iyo Boosaaso, isla markaana uu dawladda Sucuudiga ugu sharraxayey sida Al-jaabiri uga soo bixi karo kaalinta dhoofinta xoolaha nool ee Soomaalida.
Qoraalkan wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dawladda Sheekh Shariif u diray dhiggiisa waddanka Sucuudiga, waxa ka horreeyey qoraallo iyo xidhiidho kala duwan oo muddo badan socday oo u dhexeeyey dhammaanba dhinacyada uu khuseeyo dhismaha maxjarrada Al-jaabiri, iyadoo ay jiraan dukumantiyo iyo waraaqo ay si hoose isu dhaafsan jireen madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri.
Waraaqaha labada dhinac isdhaafsadeen waxa ka mid ah qoraal ku taariikhaysan 12/3/1428H, isla markaana jawaab u ahaa codsi Madaxweynihii hore ugu diray ganacsade Al-jaabiri inuu booqasho ku tago  Somaliland, kaas oo Al-jaabiri ku socodsiiyey Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu u dhignaa sidan:
“Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin
Dalabkii aad naga soo dalbateen inaanu nimaadno Somaliland Madaxweyne waan kuugu mahadnaqayaa sida weyn ee aad iigu sharaftay casuumaddaas. Waaan  iman doonaa  anigoo la socda  ama iweheliyaan wefti ka kooban toban qof ilaa shan iyo toban oo la shaqeeya shirkadayda, waxaanuna iman doonaa aniga iyo weftiga ila socdaa  haddii Ilaahay idmo Arbacada taariikhdu tahay April 4 2007 (afar sanno ka hor) ama maalinta Khamiista ee April 5, 2007, waxaanan mar labaad kuugu celinayaa mahadnaq ballaadhan oo aad nagu siiseen  fursaddan  inaan soo booqdo madaxweynaha iyo Somaliland. Waxaan rajaynayaa inay waarto booqashada aan Somaliland ku imanayo oo ay innagu dhexmari doonaan heshiisyo dhaqalaaha ah iyo maalgelinta, taas oo ay u baahan tahay kobcinta dhaqaalaha ee dhinacyo badan oo aan filayo inaad aqbali doontaan dhinaciina, waxanaa idiin rajaynayaa caafimaad iyo tawfiiq.” La soco qaybo kale oo fadeexadahan la xidhiidha……

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *