Hargeysa(ANN)Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay wax ka bedelka xeerka doorashada Goleyaasha deegaanka,  isla markaana ka dhigay da’da musharaxa Goleyaasha deegaanka  ugu yaraan 25-jir. Fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu
guddoominayay Gudoomiyaha golahaasi C/raxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa ka soo madasha ka soo xaadiray 42 Mudane, waxa ogolaaday wax ka bedelka xeerka 34 Mudane, 5 Mudane ayaa diiday, halka ay laba Mudane ka aamuseen guddoomiyuhuna aanu codayn.
Mooshinka lagu dalbaday Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay  ayaa qoraalkiisu  ahaa  sidan:-  “Anaga oo ka duulayna xaqa dastuuriga ah ee ay dhallinyaradu u leedahay in ay ka qayb qaataan hogaaminta iyo talada dalka, isla markaana xoojinayna inay muwaadinka iyo musharaxuba ay u helaan si cadaalada oo aan musuq iyo mad-madowtoona ku jirin. Haddaba, anaga oo ah mudanayaasha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin waxaanu halkan ku soo jeedinaynaa wax ka beddelka Xeer No: 20/2002, gaar ahaan qoddo badan hoos ku qoran:  Qoddobka 22aad  oo ah habka doorashada Golayaasha Deegaanka.Qoddobkan oo ahaa habka liistada waxaanu  soo jeedinaynaa in loo beddelo sidan: Xisbiga/ Uur kasta oo doonaya in uu ka qayb galo doorashada Golayaasha Deegaan, waa in uu komishinka Qaranka u gudbiyo liiska  musharaxiinta uu u xulay inay uga tartamaan doorashada oo degmaysan,  kaas oo ku salaysan tirada kuraasida Degmo kasta loo xadiday, una qoran si taxane ah, waana in Komishinku siiyaa musharax kasta astaan u gaar ah.  Kuraasta Degmo doorasho, waxaa axsaabta/ururadu ku kala helayaan habka saami qaybsiga  (Proportional representation system) ee kuraasida iyo codadka xisbi/urur kasta ka helo Degmadaas, iyadoo uu xisbiga/ururkuna ay musharaxiintiisu ku kala guulaysanayaan sida ay u kala cod badan yihiin.  Musharaxiinta ku guulaysan waaya doorashada Deegaanka waxay noqonayaan kayd, iyadoo loo kala qaadanayo sida ay u kala cod badan yihiin, marka  xubin ama xubno ka mid ah Golaha Deegaanku uu baneeyo xilka.  Qoddobka 33aad oo ah shuruudaha musharaxiinta Golayaasha Deegaanka;  Qoddobkan 33aad farqadiisa 4aad oo ahaa qaofka isu taagaya doorashada Golayaasha Deegaanka waa in aanu/aanay da’diisu/dadeedu ka yaraan 35 jir sanadka doorashada. Qoddobkan waxaanu soo jeedinaynaa in lagu beddelo sidan:  Qofka isu taagaya doorashada golayaasha deegaanka waa in aanay da’diisu/ dadeedku ka yaraan 25 jir sanadka doorashada”.
Dhinaca kale Kooxo dhalinayaro ah oo u ololaynayay in xeerkaa wax ka bedel lagu sameeya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku qaadaa dhigayay  qodobada ay saluugeen ee xeerkaa warbaahinta dalka iyo ta bulshada ee dhinaca Internetka, kuwaas oo xataa kulan ay madaxweynaha la  yeesheen  dhowaan kaga cawday arrimahaa  oo ay codsadeen in wax laga qabto, gaar ahaan qodoka ka hadlayay da’ada musharaxa ee xeerkaa ku jiray.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *