Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka

xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.
Qoraalka taxanaha ah ee waxqabadka xukuumadda sadexdii bilood ee lasoo dhaafay Wasaaradaha Cadaallada , Garsoorka iyo Gaashaandhiga ayaa u qornaa sidan:-

Wasaaradda Caaalada & Garsoorka

Waxa la dhammaystiray xeer-nidaamiyihii  Xeerka qareennada oo uu la’aantii u meel-mari la’aa Xeerka Qareennadu, Waxaana la dhisay Guddiga Anshaxa iyo Ruqsad-bixinta Qareennada oo uu waajibinayo Xeerka Qareennadu.
Waxa la qabtay shirweynihii Cadaaladda ee aad, Mudane Madaxweyne, kaga baaqday khudbad sanadeedkii aad baarlamaanka ka horjeedisay sanadka bilawgiisii, shirweynahaas oo, iyadoo lala kaashaday hay’adaha UNDP &AWEPA, uu ka soo baxay  Qorshe-Hawleedka Qaran ee Horumarinta Cadaaladdu oo la filayo  inuu aasaas u noqdo Dib-u-habaynta Cadaaladda Guud ahaan.
Waxa Bahda Cadaalada laga hawlgeliyey 50 Dhalinyaro ah oo ka soo baxay Kuliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha Dalka
Waxa laga hawl-geliyey Maxkamadaha Hoose ee Hargeysa  & Borama iyo Ciidanka Asluubta 14 dhallinyaro sharci-yaqaano ah oo ka soo baxay Kulliyadaha sharciga laguna soo xulay imtixaan laga qaaday kuwaasoo la doonayo in “Internship” ahaan loogu kurdhiyo khibradda sharciga (legal skills) ee la xidhiidha dhinaca garsoorka arrintaas oo ay naga caawisay Hay’adda UNDP.
Waxa la soo geba-gebeeyey heshiis ay Hay’adda UNODC Xarun Cusub ugu dhisayso Wasaaradda Cadaaladda, waxaana Wasaaraddu ka soo guurtay Xarunteedii  hore (oo daad wax-yeeleeyey) iyadoo inta dhismaha cusubi ka dhammaanayo ay hay’adaa UNODC u sii kiraysay  guri ay Wasaaraddu ku sii shaqayso.
Waxa la diyaariyay in imtixaan laga qaado dhamaan mihnadlayaasha sharciga sida Nootaayooyinka iyo  Xafiisyadda Ma’duumka, si adeeg hufan oo cadaaladeed ay bulshaddu u hesho lagana toosiyo dhinacooda oo muhiimad weyn u leh Cadaaladda Guud ahaan.

B. Xabsiyadda.
Hargeysa.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in xabsiga dhexe ee Hargeysa lagu kordhiyo guryihii ay seexan lahaayeen askarta xabsiga ilaalisaa oo

hadda degan qayb ka mid ah hoygii maxaabiista, oo aan xabsiga looga maarmi Karin korodhka maxaabiista awgeed.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC ay isla qaateen in Xabsiga Hargeysa loo sameeyo bulaacado cusub si nadaafadda guud (sanitation) ee xabsigu u hagaagto.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in magaalada Hargeysa laga hir-geliyo xabsi labaad oo leh qaybtii dumarka iyo  Qaybtii Caruurta.
Waxa  Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in xabsiga Hargeysa laga dhiso wershaddii wax-soo-saarka ee ay xirfadda ku baran lahaayeen maxaabiistu, si marka Xadhiggu u dhammaado ay bulshada dib ugu noqdaan iyagoo shaqaysan karaya.
Waxa xabsiga Hargeysa loo iibiyey baabuur cusub oo ah nooca TOYOTA  pickup.
Mandera.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in Xabsiga Mandheera lagu kordhiyo guri cusub oo maxaabiista lagu xidho iyoin  dib loo hagaajiyo Kijada (Kitchen) Xabsiga iyo wixii kale eel agama maarmaan ah ee Nadaafadda Guud kor loogu qaadayo.
Xabsiga Gabiley.
Waxaa booqay xabsiga Gabiley Wefti Norwegian ah oo laga filayo, siday ballan qaadeen, inay xabsiga ku kordhiyaan qaybo cusub,sida:-
In Derbi weyn Lagu wareejiyo Xabsiga.
In lagu kordhiyo Qaybo ay dumarku leeyihiin maadaama  uu xabsigaasi hadda yahay ka keliya ee dumarka lagu xidho, aadna hadda cidhiidhi ugu ah.

Xabsiga Wajaale.
Waxaa la dhagax dhigay mashruuc xabsi lagaga dhisayo banka Wajaale, waxaana dhismahaas iska kaashanaya Ganacsatada Wajaale iyo Dawladda si looga faa’iideysto laba arrimood:-
in laga nasto dhibta dhallinyaradaas oo inta ay wax ku soo cabbaan dhinaca Ethiopia  rabshad joogto ah ku haya dadweynaha Wajaale.
in xooga dhallinyaradaas lagaga faa’idaysto wax-soo-saarka beeraha ee banka Wajaale.

Ciidanka Asluubta
Taliska Guud
Waxa Ciidanka Asluubta laga hawl-geliyey Koox kubadda Cagta ah.
Waxa Ciidanka Asluubta laga aasaasay koox fannaaniin ah.
Waxa Ciidanka Asluubta loo iibiyey hal baabuur oo bas ah oo ay si wadajir ah u adeegsan doonaan labada kooxood ee kubadda cagta iyo fannaaniintu.

Xeer Ilaalinta
Burco
Waxa dhismahoodii dhammaaday oo lagu wareejiyey Xeer Ilaalinta Gobolka Togdheer xafiisyo ay hay’adda UNDP uga dhistay magaalada Burco.

Maxkamadaha
Hargeysa
Waxa dhismahoodii weli socdaa maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Hargeysa, waxaana la filayaa in la dhammeeyo bisha soo socota. 

Wasaaradda Gaashaandhiga
-furitaanka dhisme casri ah oo loo dhisay wasaaraddaoo ah 3 Dabaq
– waxa la dayactiray cisbitaalka ciidanka qaranka JSL
-dugsiga tababarka ciidanka  qaranka dararweyne oo dhismihiisu dhammaystirmay.
-tirakoobka shaqaalaha wasaaradda.

Lasoco ————

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *