Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa iska  fogaysay, isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaanatay eedo ka soo yeedhayay Guddoomiyaha garabka xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Kadib  markii uu  ku eedeeyay inay ku lug leedahay  xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Skhilaafka

labada garab ee uu u kala jabiyay xisbigiisu.
Af-hayeenka Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay inay Xukuumadu jeceshay in xisbiga UCID khilaafkiisa ku dhamaysto wada hadal oo ay ixtiraamaan shuruucdooda, hase yeeshee aanay khilaafkoda kula soo galgalan xukuumada.
Af-hayeenka oo ka hadlayay maanta  shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada , ayaa sheegay in dhinac ka mid ah labada garab ee xisbiga UCID ay wax ka abaabuleen rabshadihii Sabtidii ka dhacay magaalada Hargeysa, isla markaana nabadgelyada qaranka oo ay xukuumaddu masuul ka tahay waajib ku tahay inay ka hor tagto wax kasta oo wax yeelaya, balse aanay taa macneheedu ahayn inay garab la socoto.
Mr. C/llaahi Cukuse oo ka hadlaya arrintaa, waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan idiin caddeeyo xukuumadda Somaliland waxay qaranka u haysaa xilkii ummaddu u igmatay ee dastuuriga ah waxay haysaa xilkii ummaddu sida tooska ah ee ay ugu igmadeen inay Hoggaamiso qaranimada Somaliland dhinac walba oo ah inay ilaaliso, shuruucda, nabadgelyada, nolosha iyo inay ilaaliso inta xukuumad xilkeedu yahay oo dhan,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka Madaxtooyaddu waxa uu sheegay in masuuliyiinta UCID looga baahan yahay inay isu tanaasulaan haddii kalena ay isla tagaan Hay’addaha garsoorka, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi, “Xisbiga UCID-na waxa uu ka mid yahay sadexda xisbi qaran ee dastuurka ku dhisan waa xisbi qaran waxa inoola mid yahay xisbiyada kale ee KULMIYE iyo UCID.dimuqraadiyada ayay dabeecadaheeda ka mid tahay muranka, is qabadka kooxaha, qofafka ama ashkhaasta xisbiga wadaagaa ay isku qabtaan laakiin waxa loo baahan yahay in xisbigu iyagoo ixtiraamaya nabadgelyada iyo shuruucda dalku uu leeyahay iyagoo ixtiraamaya shuruucda ay dhexdooda leeyihiin. Dalkeenu dhaqan buu lahaa marka dhinacyadu is qabtaan waa inay isu soo tanaasulaan. Haddii taasi suurto gal u noqon waydo markaa waxay tahay isula tagaan Ha’yadaha sharciga.”
Mr. Cukuse waxa uu garabka Faysal Cali Waraabe ku eedeeyay abaabulkii taageereyaashii Sabtidii rabashadaha ka sameeyay magaalada, isagoo  yidhi “Waxaan ka xumahay in dhinacyadii isku qabtay arrinka xisbiga UCID gudahiisa ay arrintoodu gaadho dadweynaha oo waliba dhinac ka mid ahi uu noqdo mid lug ku leh abaabulkaasi dabadeedna dhalinyaraddu ay rabshado gacan ka hadal wata ay ka sameeyeen meelaha qaarkood.”
Afhayeenka oo ka hadlayay mowqifka xukuumadda ee ku wajahan khilaafka UCID iyo labada garab ee ay u kala jabeen, wuxuu yidhi, “Xukuumadda Somaliland mowqifkeeda ku aadan khilaafka xisbiga UCID waxa weeye xisbigaasi waxaanu la jecelahay inuu noqdo xisbi jira, waxaanu la jecelahay dadka uu mideeyaa inay si walaalnimo ah oo dhaqanka Somaliland ahayd ku kala baxaan oo is ixtiraamaan isuna tanaasulaan is ixtiraamaan oo ay xeerarkooda ku kala baxaan, haddii iyagu ay kala bixi waayaana ay Ha’yadaha Garsoorka inay u tagaan. Waxaanu qabnaa in khilaafka xisbiga UCID iyo khilaaf xisbi kale-toona aanu waxba u dhimi Karin nabadgelyada dalka,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Waxaanu intaasi ku daray “Ninka ku eedaynaya ee leh xukuumadda ayaa lug ku leh oo kala saari wayday waxaanu leenahay xukuumaddu wax lug ah kuma laha oo aan ka ahayn inay ammniga sugayso marka loo baahdo ee nabadgelyo darro timaado. Marka kalena waxa shaqadaasi leh Hay’addaha garsoorka. Waxaanu Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe ugu yeedhaynaa inaanu eedaasi oo kale kula soo gal-galanin xukuumadda oo isagu Odaynimo ku dayo inuu xisbiga dhexdiisa ku dhameeyo arrintaa, dadkana uu ka daayo dhawaaqyada dhiiladda ah ee sababi kara nabadgelyo darrada.”
Afhayeenku waxa uu dadweynaha u soo jeediyay inay nabadgelyada dalka ilaashadaan oo aanay axsaabta qaranka iyo ururada siyaasadda ee la furayaaba aanay noqon dhufaysyo la isu soo gelayo .oo waxyeela qaranimada iyo nabadgelyada Somaliland
Af-hayeenka oo la weydiiyay sababta ay garabka xisbiga UCID ee Faysal Xukuumadda ugu eedeeyeen inay lug ku leedahay khilaafkooda, waxa uu sheegay in aan la fahmi Karin sababta ay eeda intaa lee gee aan waxba ka jirin ugula soo gal-galanayaan xukuumadda.
“Xisbiga UCID,  wuxuu ahaa xisbi ay xisbiga KULMIYE ee Madaxweynaha Somaliland hogaaminayay la saaxiib aahaa, Madaxweynaha   la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maaha nin waxaa geli kara waa madaxweynihii Ummada, waxaad markhaati ka tihiin inuu qaranimada iyo nabadgelyada dalkan wax baddan uga tanaasulay, xiligii uu mucaaridka ahaa iyo marar kaleba, maantana waa Madaxweynihii qaranka oo dhan, mana jirto sabab ay isaga iyo xukuumaddiisu toona u taageeri karaan xisbigaa isagu is haysta labadiisa garab mid.  Anaguna UCID, waxaanu ku ogayn xisbi mucaarid oo wanaagsan.” Ayuu yidhi Afhayeenka   Madaxtooyada oo la weydiiyay in suurta gal tahay inay xubno ka mid ah xukuumaddu la socdaan garab ka mid ah labada garab ee xisbiga UCID u qaybsamay. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *